< Samuu'Eel Kowaad 21 >

1 Oo markaas dabadeedna Daa'uud wuxuu Nob ugu yimid wadaadkii Axiimeleg ahaa, oo Axiimelegna Daa'uud buu ka hor yimid isagoo gariiraya, oo wuxuu isagii ku yidhi, War maxaa keligaa kaa dhigay oo ninna kuula socon waayay?
Then David came to Nob to Ahimelech the priest. Ahimelech came to meet David trembling, and said to him, “Why are you alone, and no man with you?”
2 Oo Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay.
David said to Ahimelech the priest, “The king has commanded me to do something, and has said to me, ‘Let no one know anything about the business about which I send you, and what I have commanded you. I have sent the young men to a certain place.’
3 Haddaba bal maxaa gacantaada ku jira? Bal i sii shan xabbadood oo kibis ah amase wax alla waxa yaal.
Now therefore what is under your hand? Please give me five loaves of bread in my hand, or whatever is available.”
4 Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban.
The priest answered David, and said, “I have no common bread, but there is holy bread; if only the young men have kept themselves from women.”
5 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin?
David answered the priest, and said to him, “Truly, women have been kept from us as usual these three days. When I came out, the vessels of the young men were holy, though it was only a common journey. How much more then today shall their vessels be holy?”
6 Sidaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado.
So the priest gave him holy bread; for there was no bread there but the show bread that was taken from before the LORD, to be replaced with hot bread in the day when it was taken away.
7 Oo maalintaas waxaa halkaas joogay nin ka mid ah Saa'uul addoommadiisii, oo kaasna Rabbiga hortiisaa lagu hayay, magiciisuna wuxuu ahaa Do'eeg kii reer Edom, oo wuxuuna ahaa kii madaxda u ahaa xoolojirrada Saa'uul.
Now a certain man of the servants of Saul was there that day, detained before the LORD; and his name was Doeg the Edomite, the best of the herdsmen who belonged to Saul.
8 Markaasaa Daa'uud wuxuu Axiimeleg ku yidhi, Waxba miyaanad haynin waran amase seef? Waayo, sooma aan qaadan seeftaydii iyo hubkaygii toona, maxaa yeelay, waxaa i soo deddejiyey muraadkii boqorku ii soo diray.
David said to Ahimelech, “Isn’t there here under your hand spear or sword? For I haven’t brought my sword or my weapons with me, because the king’s business required haste.”
9 Oo wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii.
The priest said, “Behold, the sword of Goliath the Philistine, whom you killed in the valley of Elah, is here wrapped in a cloth behind the ephod. If you would like to take that, take it, for there is no other except that here.” David said, “There is none like that. Give it to me.”
10 Markaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa.
David arose and fled that day for fear of Saul, and went to Achish the king of Gath.
11 Kolkaasaa addoommadii Aakiish waxay isagii ku yidhaahdeen, War sow kanu ma aha Daa'uud boqorkii dalka? Oo sow midkoodba midka kale gabay uguma celin iyagoo cayaaraya oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
The servants of Achish said to him, “Isn’t this David the king of the land? Didn’t they sing to one another about him in dances, saying, ‘Saul has slain his thousands, and David his ten thousands’?”
12 Oo Daa'uudna erayadaas qalbiguu ku haystay, oo aad buuna uga cabsanayay Aakiish oo ahaa boqorkii Gad.
David laid up these words in his heart, and was very afraid of Achish the king of Gath.
13 Oo markaasuu dabicaddiisii hortooda ku beddelay, oo wuxuu iska dhigay mid waalan markuu gacmahooda soo galay, oo wuxuu xagxagtay albaabbadii iridda, oo gadhkana dhareer buu iskaga daadiyey.
He changed his behavior before them and pretended to be insane in their hands, and scribbled on the doors of the gate, and let his spittle fall down on his beard.
14 Markaasaa Aakiish wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War waad aragtaan inuu ninku waalan yahay, haddaba bal maxaad iigu keenteen?
Then Achish said to his servants, “Look, you see the man is insane. Why then have you brought him to me?
15 War ma waxaan u baahanahay niman waalan, oo ma taas aawadeed baad ninkan u keenteen inuu hortayda isku waalo? War ma ninkan oo kalaa gurigayga soo gala?
Do I lack madmen, that you have brought this fellow to play the madman in my presence? Should this fellow come into my house?”

< Samuu'Eel Kowaad 21 >