< Samuu'Eel Kowaad 18 >

1 Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa.
Bayan da Dawuda ya gama magana da Shawulu, sai Yonatan ɗan Shawulu ya ji zuciyarsa tana son Dawuda sosai. Yonatan kuwa yana ƙaunar Dawuda kamar ransa.
2 Oo maalintaasaa Saa'uul qaatay oo mar dambena uma uu oggolaan inuu gurigii aabbihiis tago.
Tun daga wannan rana Shawulu ya zaunar da Dawuda tare da shi, bai bar shi ya koma gidan mahaifinsa ba.
3 Markaasaa Yoonaataan iyo Daa'uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii.
Yonatan kuma ya yi yarjejjeniya da Dawuda saboda yana ƙaunarsa kamar ransa.
4 Markaasaa Yoonaataan iska bixiyey khamiiskiisii uu huwanaa, oo Daa'uud siiyey, iyo dharkiisii, iyo xataa seeftiisii, iyo qaansadiisii, iyo suundhabarkiisii.
Yonatan ya tuɓe doguwar taguwarsa da ya sa, ya ba wa Dawuda, tare da sulkensa, har ma da māshi da kibiyarsa, da kuma bel nasa.
5 Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
Duk abin da Shawulu ya aiki Dawuda yă yi yakan yi shi cikin aminci, har Shawulu ya ba shi babban makami a rundunarsa. Wannan ya faranta wa dukan mutane zuciya har ma da ma’aikatan Shawulu.
6 Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya.
Yayinda mutane suke dawowa gida bayan da Dawuda ya kashe Bafilistin, mata suka fito daga dukan biranen Isra’ila don su sadu da Sarki Shawulu, suna waƙoƙi da raye-raye masu farin ciki, da ganguna da sarewa.
7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
Suna rawa suna cewa, “Shawulu ya kashe dubbansa, Dawuda kuwa ya kashe dubun dubbai.”
8 Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane?
Shawulu kuwa ya ji fushi, wannan magana ba tă yi masa daɗi ba, ya yi tunani ya ce, “Suna yabon Dawuda cewa ya kashe dubun dubbai amma ni dubbai kawai. Me ya rage masa yanzu, in ba mulki ba?”
9 Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.
Tun daga wannan lokaci zuwa gaba, Shawulu ya dinga kishin Dawuda.
10 Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii.
Kashegari, mugun ruhu daga Allah ya fāɗo wa Shawulu da tsanani. Yana annabci a gidansa, Dawuda kuwa yana bugan molo kamar yadda ya saba. Shawulu yana riƙe da māshi a hannunsa.
11 Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday.
Da ƙarfi yana magana da kansa yana cewa, “Zan kafe Dawuda da bango.” Amma Dawuda ya bauɗe masa sau biyu.
12 Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul.
Shawulu ya ji tsoron Dawuda don Ubangiji yana tare da shi, amma Ubangiji ya riga ya bar Shawulu.
13 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.
Saboda haka Shawulu bai yarda Dawuda yă zauna tare da shi ba, amma ya maishe shi shugaban sojoji dubu. Dawuda kuwa ya riƙa bi da su yana kaiwa yana kuma da tare da su.
14 Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray.
A kome da Dawuda ya yi yakan yi nasara gama Ubangiji yana tare da shi.
15 Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay.
Da Shawulu ya ga yadda yake cin nasara, sai ya ji tsoronsa.
16 Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
Amma dukan Isra’ila da Yahuda suka ƙaunaci Dawuda gama yana bin da su a yaƙe-yaƙensu.
17 Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo.
Shawulu ya ce wa Dawuda, “Ga diyata Merab zan ba ka ka aura, kai dai ka yi mini aiki da himma, ka kuma yi yaƙe-yaƙen Ubangiji.” Saboda Shawulu ya ce wa kansa, “Ba zan ɗaga hannuna a kansa ba, Filistiyawa ne za su yi wannan.”
18 Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa?
Amma Dawuda ya ce wa Shawulu, “Wane ni, wa ya san iyayena ko kabilar iyayena a Isra’ila da zan zama surukin sarki?”
19 Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa.
Da lokaci ya kai da Merab’yar Shawulu za tă yi aure da Dawuda, sai aka aurar da ita wa Adriyel na Mehola.
20 Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay.
Mikal’yar Shawulu kuwa tana ƙaunar Dawuda sosai. Da aka gaya wa Shawulu labarin, sai ya yi farin ciki, ya yi tunani ya ce,
21 Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa.
“Zan ba shi ita tă zama masa tarko, da haka Filistiyawa za su same shi.” Shawulu ya ce wa Dawuda, “Yanzu kana da dama sau na biyu ka zama surukina.”
22 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo.
Sai Shawulu ya umarci ma’aikatansa cewa, “Ku yi magana da Dawuda asirce ku ce, ‘Duba, sarki yana farin ciki da kai, dukan ma’aikatansa kuma suna sonka, ka yarda ka zama surukinsa.’”
23 Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar?
Suka sāke yi wa Dawuda wannan magana amma Dawuda ya ce, “Kuna tsammani abu mai sauƙi ne mutum yă zama surukin sarki? Ni talaka ne, kuma ba sananne ba.”
24 Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.
Da ma’aikatan Shawulu suka gaya masa abin da Dawuda ya faɗa.
25 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.
Sai Shawulu ya ce, “Ku gaya wa Dawuda, ‘Sarki ba ya bukatan kuɗin auren’yarsa, sai dai loɓar Filistiyawa domin ramako a kan abokan gābansa.’” Shawulu yana shiri ne domin Dawuda yă fāɗa a hannun Filistiyawa.
26 Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan;
Da ma’aikatan suka gaya wa Dawuda waɗannan abubuwa, sai ya yi murna don zai zama surukin sarki. Amma kafin lokacin yă cika,
27 markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.
Dawuda da mutanensa suka fita suka kashe Filistiyawa ɗari biyu, suka kawo loɓar suka miƙa wa sarki, domin yă zama surukin sarki. Sai Shawulu ya ba da’yarsa Mikal aure ga Dawuda.
28 Oo Saa'uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa'uud la jiro; oo Saa'uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa'uud bay caashaqday.
Da Shawulu ya gane Ubangiji yana tare da Dawuda,’yarsa Mikal kuma tana ƙaunarsa,
29 Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
sai Shawulu ya ƙara jin tsoron Dawuda har ya zama maƙiyinsa a dukan sauran rayuwarsa.
30 Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
Manyan sojojin Filistiyawa suka yi ta fita suna yaƙi da Isra’ilawa, amma kullum Dawuda yakan sami nasara fiye da sauran manyan sojojin Shawulu. Ta haka ya yi suna ƙwarai.

< Samuu'Eel Kowaad 18 >