< Samuu'Eel Kowaad 18 >

1 Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa.
大衛對掃羅說完了話,約拿單的心與大衛的心深相契合。約拿單愛大衛,如同愛自己的性命。
2 Oo maalintaasaa Saa'uul qaatay oo mar dambena uma uu oggolaan inuu gurigii aabbihiis tago.
那日掃羅留住大衛,不容他再回父家。
3 Markaasaa Yoonaataan iyo Daa'uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii.
約拿單愛大衛如同愛自己的性命,就與他結盟。
4 Markaasaa Yoonaataan iska bixiyey khamiiskiisii uu huwanaa, oo Daa'uud siiyey, iyo dharkiisii, iyo xataa seeftiisii, iyo qaansadiisii, iyo suundhabarkiisii.
約拿單從身上脫下外袍,給了大衛,又將戰衣、刀、弓、腰帶都給了他。
5 Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
掃羅無論差遣大衛往何處去,他都做事精明。掃羅就立他作戰士長,眾百姓和掃羅的臣僕無不喜悅。
6 Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya.
大衛打死了那非利士人,同眾人回來的時候,婦女們從以色列各城裏出來,歡歡喜喜,打鼓擊磬,歌唱跳舞,迎接掃羅王。
7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
眾婦女舞蹈唱和,說:「掃羅殺死千千,大衛殺死萬萬。」
8 Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane?
掃羅甚發怒,不喜悅這話,就說:「將萬萬歸大衛,千千歸我,只剩下王位沒有給他了。」
9 Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.
從這日起,掃羅就怒視大衛。
10 Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii.
次日,從上帝那裏來的惡魔大大降在掃羅身上,他就在家中胡言亂語。大衛照常彈琴,掃羅手裏拿着槍。
11 Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday.
掃羅把槍一掄,心裏說,我要將大衛刺透,釘在牆上。大衛躲避他兩次。
12 Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul.
掃羅懼怕大衛;因為耶和華離開自己,與大衛同在。
13 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.
所以掃羅使大衛離開自己,立他為千夫長,他就領兵出入。
14 Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray.
大衛做事無不精明,耶和華也與他同在。
15 Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay.
掃羅見大衛做事精明,就甚怕他。
16 Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
但以色列和猶大眾人都愛大衛,因為他領他們出入。
17 Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo.
掃羅對大衛說:「我將大女兒米拉給你為妻,只要你為我奮勇,為耶和華爭戰。」掃羅心裏說:「我不好親手害他,要藉非利士人的手害他。」
18 Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa?
大衛對掃羅說:「我是誰,我是甚麼出身,我父家在以色列中是何等的家,豈敢作王的女婿呢?」
19 Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa.
掃羅的女兒米拉到了當給大衛的時候,掃羅卻給了米何拉人亞得列為妻。
20 Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay.
掃羅的次女米甲愛大衛。有人告訴掃羅,掃羅就喜悅。
21 Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa.
掃羅心裏說:「我將這女兒給大衛,作他的網羅,好藉非利士人的手害他。」所以掃羅對大衛說:「你今日可以第二次作我的女婿。」
22 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo.
掃羅吩咐臣僕說:「你們暗中對大衛說:『王喜悅你,王的臣僕也都喜愛你,所以你當作王的女婿。』」
23 Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar?
掃羅的臣僕就照這話說給大衛聽。大衛說:「你們以為作王的女婿是一件小事嗎?我是貧窮卑微的人。」
24 Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.
掃羅的臣僕回奏說,大衛所說的如此如此。
25 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.
掃羅說:「你們要對大衛這樣說:『王不要甚麼聘禮,只要一百非利士人的陽皮,好在王的仇敵身上報仇。』」掃羅的意思要使大衛喪在非利士人的手裏。
26 Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan;
掃羅的臣僕將這話告訴大衛,大衛就歡喜作王的女婿。日期還沒有到,
27 markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.
大衛和跟隨他的人起身前往,殺了二百非利士人,將陽皮滿數交給王,為要作王的女婿。於是掃羅將女兒米甲給大衛為妻。
28 Oo Saa'uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa'uud la jiro; oo Saa'uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa'uud bay caashaqday.
掃羅見耶和華與大衛同在,又知道女兒米甲愛大衛,
29 Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
就更怕大衛,常作大衛的仇敵。
30 Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
每逢非利士軍長出來打仗,大衛比掃羅的臣僕做事精明,因此他的名被人尊重。

< Samuu'Eel Kowaad 18 >