< Samuu'Eel Kowaad 14 >

1 Haddaba waxaa maalin dhacay inuu Yoonaataan ina Saa'uul ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Bal ina keen aan ciidanka reer Falastiin oo xaggaas jooga u gudubnee. Laakiinse taas uma uu sheegin aabbihiis.
Now it fell on a day, that Jonathan the son of Saul said to the young man who bore his armor, "Come, and let us go over to the Philistines' garrison, that is on the other side." But he did not tell his father.
2 Oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah darafkeeda, oo wuxuu hoos fadhiyey geed rummaanka ah oo Migroon ku yaal; oo dadkii isaga la joogayna waxay ahaayeen in ku dhow lix boqol oo nin,
Saul stayed in the uttermost part of Gibeah under the pomegranate tree which is in Migron: and the people who were with him were about six hundred men;
3 iyo Axiiyaah oo ahaa ina Axiituub, oo Iikaboodna walaalkiis ahaa, ee ahaa reer Fiinexaas ina Ceelii oo ahaa wadaadkii Rabbiga oo Shiiloh joogay, isagoo eefod qaba. Oo dadkuna ma ogayn inuu Yoonaataan tegey.
and Ahijah, the son of Ahitub, Ichabod's brother, the son of Phinehas, the son of Eli, the priest of the LORD in Shiloh, wearing an ephod. The people did not know that Jonathan was gone.
4 Oo Yoonaataan marinkii uu doonayay inuu uga gudbo ciidanka reer Falastiin waxaa dhinac kaga yiil buur dhagax ah, dinaca kalena waxaa kaga yiil buur dhagax ah, oo middood magaceedu wuxuu ahaa Boosees, oo tan kale magaceedana waxaa la odhan jiray Seneh.
Between the passes, by which Jonathan sought to go over to the Philistines' garrison, there was a rocky crag on the one side, and a rocky crag on the other side: and the name of the one was Bozez, and the name of the other Seneh.
5 Oo buur waxay ku tiil xagga woqooyi oo Mikmaash ka horraysa, oo tan kalena waxay ku tiil xagga koonfureed oo Gebacda horraysa.
The one crag rose up on the north in front of Michmash, and the other on the south in front of Geba.
6 Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba.
Jonathan said to the young man who bore his armor, "Come, and let us go over to the garrison of these uncircumcised. It may be that the LORD will work for us; for there is no restraint on the LORD to save by many or by few."
7 Oo kii hubka u sidayna wuxuu ku yidhi, Wax alla waxa qalbigaaga ku jira yeel, oo bal eeg, waan kula socdaa, oo sida qalbigaagu yahay weeye kayguna.
His armor bearer said to him, "Do all that your heart inclines toward. Look, I am with you, my heart is as your heart."
8 Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Bal eeg, nimanka xaggooda ayaynu u gudbaynaa, oo isu muujinaynaa iyaga.
Then Jonathan said, "Look, we will pass over to the men, and we will reveal ourselves to them.
9 Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.
If they say thus to us, 'Wait until we come to you.' then we will stand still in our place, and will not go up to them.
10 Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.
But if they say this, 'Come up to us.' then we will go up; for the LORD has delivered them into our hand. This shall be the sign to us."
11 Oo labadoodiiba waxay isu muujiyeen ciidankii reer Falastiin; markaasay kuwii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Bal eega Cibraaniyadii waxay ka soo baxayaan godadkii ay ku dhuunteene.
Both of them revealed themselves to the garrison of the Philistines: and the Philistines said, "Look, the Hebrews are coming out of the holes where they had hidden themselves."
12 Oo raggii ciidanku waxay Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Soo fuula, wax baannu idin tusaynaaye. Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi kii hubkiisa u siday, Iga soo daba fuul, waayo, Rabbigu wuxuu iyaga soo geliyey gacanta reer binu Israa'iil.
The men of the garrison answered Jonathan and his armor bearer, and said, "Come up to us, and we will show you something." Jonathan said to his armor bearer, "Come up after me; for the LORD has delivered them into the hand of Israel."
13 Markaasaa Yoonaataan buurtii fantay, kii hubkiisa u sidayna wuu daba socday, oo kuwii reer Falastiinna way ku hor dhaceen Yoonaataan, kii hubkiisa u sidayna wuu ka daba laayay.
Jonathan climbed up on his hands and on his feet, and his armor bearer after him. And they fell before Jonathan; and his armor bearer killed them after him.
14 Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday intii ugu horraysay oo ay laayeen waxay ahayd in ku dhow labaatan nin oo ay ku laayeen goob nus tacab ah.
That first slaughter, which Jonathan and his armor bearer made, was about twenty men, within as it were half a furrow's length in an acre of land.
15 Oo cabsi weyn bay la qadhqadheen kuwii xerada ku jiray, iyo kuwii duurka joogay iyo dadkii oo dhanba; oo xataa ciidankii, iyo waxdhacayaashuna way wada gariireen, oo dhulkuna waa gariiray, haddana waxaa jiray gariir aad iyo aad u weyn.
And there was a terror in the camp, in the field, and among all the people. The garrison and even the raiders were terrified. And the earth quaked, and it became a terror of God.
16 Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.
And the watchmen of Saul in Gibeah of Benjamin saw, and look, the multitude was scattering here and there.
17 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu dadkii isaga la jiray ku yidhi, Bal tiriya, oo eega kii inaga tegey kuu yahay. Oo markay tiriyeen waxay arkeen inayan Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday halkaas joogin.
Then Saul said to the people who were with him, "Count now, and see who is missing from us." When they had counted, look, Jonathan and his armor bearer were not there.
18 Markaasaa Saa'uul wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Sanduuqii Ilaah halkan keen. Waayo, waagaas sanduuqa Ilaah wuxuu la jiray reer binu Israa'iil.
And Saul said to Ahijah, "Bring near the ephod," for he wore the ephod at that time before Israel.
19 Oo markuu Saa'uul la hadlayay wadaadkii, rabshaddii ku jirtay xerada reer Falastiin ayaa sii adkaatay oo sii badatay; kolkaasaa Saa'uul wuxuu wadaadkii ku yidhi, Gacanta laab.
And it happened, while Saul was speaking to the priest, that the tumult that was in the camp of the Philistines went on and increased: and Saul said to the priest, "Withdraw your hand."
20 Markaasaa Saa'uul iyo dadkii la jiray oo dhammuba isa soo wada urursadeen, oo waxay yimaadeen goobtii dagaalka. Oo bal eeg, nin walba seeftiisii waxay ku dhacday saaxiibkiis, oo waxaa jiray baabba' aad u weyn.
Saul and all the people who were with him were gathered together, and came to the battle: and look, every man's sword was against his fellow: a very great confusion.
21 Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.
Now the Hebrews who were with the Philistines as before, and who went up with them into the camp, they too turned to be with the Israelites who were with Saul and Jonathan.
22 Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.
Likewise all the men of Israel who had hidden themselves in the hill country of Ephraim, when they heard that the Philistines fled, even they also followed closely after them in the battle.
23 Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.
So the LORD saved Israel that day, and the battle passed over by Beth Aven. And all the people with Saul were about ten thousand men. And the battle extended itself into every city in the hill country of Ephraim.
24 Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.
And Saul committed a great blunder that day, for he had placed the people under an oath, saying, "Cursed is the man who eats any food until it is evening, and I am avenged of my enemies." So none of the people tasted food.
25 Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.
All the people came into the forest; and there was honey on the ground.
26 Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii.
When the people had come to the forest, look, a flow of honey, but no man would raise his hand to his mouth; for the people feared the oath.
27 Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.
But Jonathan did not hear when his father commanded the people with the oath, so he put forth the end of the staff that was in his hand, and dipped it in the honeycomb, and raised his hand to his mouth, and his eyes brightened.
28 Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.
Then one of the people answered, and said, "Your father directly commanded the people with an oath, saying, 'Cursed is the man who eats food this day.'" The people were faint.
29 Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.
Then Jonathan said, "My father has troubled the land. Please look how my eyes have been enlightened, because I tasted a little of this honey.
30 Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.
How much better if the people had eaten freely today of the spoil of their enemies when they found it, for the slaughter among the Philistines would have been greater."
31 Oo maalintaas waxay reer Falastiin ku laayeen ilaa Mikmaash iyo tan iyo Ayaaloon; oo dadkuna aad bay u itaal darnaayeen.
They struck of the Philistines that day from Michmash to Aijalon. The people were very faint;
32 Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh.
and the people pounced upon the spoil, and took sheep, and cattle, and calves, and killed them on the ground; and the people ate them with the blood.
33 Dabadeedna waxaa loo sheegay Saa'uul, oo lagu yidhi, Bal eeg, dadku Rabbigay ku dembaabaan, markay cunaan hilib dhiig leh. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baad u xadgudubteen, haddaba maanta ii soo giringiriya dhagax weyn.
Then they told Saul, saying, "Look, the people are sinning against the LORD, in that they eat meat with the blood." He said, "You have dealt treacherously. Roll a large stone to me this day."
34 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen.
Saul said, "Disperse yourselves among the people, and tell them, 'Bring me here every man his ox, and every man his sheep, and kill them here, and eat; and do not sin against the LORD in eating meat with the blood.'" All the people brought every man his ox with him that night, and killed them there.
35 Markaasaa Saa'uul wuxuu Rabbiga u dhisay meel allabari, oo taasuna waxay ahayd meeshii allabariga ee ugu horraysay uu Rabbiga u dhiso.
Saul built an altar to the LORD. This was the first altar that he built to the LORD.
36 Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee.
Saul said, "Let us go down after the Philistines by night, and take spoil among them until the morning light, and let us not leave a man of them." They said, "Do whatever seems good to you." Then the priest said, "Let us draw near here to God."
37 Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.
Saul asked counsel of God, "Shall I go down after the Philistines? Will you deliver them into the hand of Israel?" But he did not answer him that day.
38 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.
And Saul said, "Come here, all you leaders of the people; and investigate and see how this sin has arisen today.
39 Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay.
For, as the LORD lives, who saves Israel, though it is in Jonathan my son, he shall surely die." But there was not a man among all the people who answered him.
40 Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee.
Then he said to all Israel, "You be on one side, and I and Jonathan my son will be on the other side." The people said to Saul, "Do what seems good to you."
41 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen.
Therefore Saul said, "LORD, God of Israel, why have you not answered your servant this day? If this sin is mine or in Jonathan my son, LORD, God of Israel, give Urim. But if this sin is in your people Israel, give Thummim." And Jonathan and Saul were chosen, but the people were cleared.
42 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan.
And Saul said, "Cast lots between me and Jonathan my son. Whomever the LORD shall indicate to be taken by lot, let him die." And the people said to Saul, "This thing is not to be." And Saul prevailed over the people, and they cast lots between him and Jonathan his son. And Jonathan was selected.
43 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.
Then Saul said to Jonathan, "Tell me what you have done." And Jonathan told him, and said, "I certainly did taste a little honey with the end of the staff that was in my hand; and look, I must die."
44 Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa.
Saul said, "God do so and more also; for you shall surely die, Jonathan."
45 Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman.
The people said to Saul, "Shall Jonathan die, who has worked this great salvation in Israel? Far from it. As the LORD lives, there shall not one hair of his head fall to the ground; for he has worked with God this day." So the people rescued Jonathan, and he did not die.
46 Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.
Then Saul went up from following the Philistines; and the Philistines went to their own place.
47 Oo markii Saa'uul qabsaday boqortooyada reer binu Israa'iil wuxuu la diriray kulli cadaawayaashiisii dhan kasta ka jiray, kuwaasoo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo boqorradii reer Soobaah, iyo reer Falastiin; oo meel kasta oo uu u jeestayba si xun buu ugu galay.
Now when Saul had taken the kingdom over Israel, he fought against all his enemies on every side, against Moab, and against the people of Ammon, and against Edom, and against Beth Rehob, and against the king of Zobah, and against the Philistines; and wherever he turned, he was victorious.
48 Oo isagu si xoog leh ayuu wax ku sameeyey, oo wuxuu laayay reer Siiqlag oo reer binu Israa'iilna wuxuu ka samatabbixiyey gacantii kuwii dhici jiray.
And he did valiantly, and struck the Amalekites, and delivered Israel out of the hand of its plunderers.
49 Haddaba Saa'uul wiilashiisii waxay ahaayeen Yoonaataan iyo Yishwii, iyo Melkiishuuca; oo labadiisii gabdhoodna magacyadoodii waxay ahaayeen Meerab iyo Miikaal; tii curadda ahayd magaceedu wuxuu ahaa Meerab, tii yaraydna magaceeda waxaa la odhan jiray Miikaal.
Now the sons of Saul were Jonathan, and Jishvi, and Malkishua; and the names of his two daughters were these: the name of the firstborn Merob, and the name of the younger Mikal:
50 Oo naagtii Saa'uul magaceeduna wuxuu ahaa Axiino'am, oo waxay ahayd ina Axiimacas; oo sirkaalkii ciidankiisana magiciisu wuxuu ahaa Abneer, wuxuuna ahaa ina Neer, kaasoo ahaa Saa'uul adeerkiis.
and the name of Saul's wife was Ahinoam the daughter of Ahimaaz. The name of the commander of his army was Abiner the son of Ner, Saul's uncle.
51 Oo Qiishna wuxuu ahaa Saa'uul aabbihiis; oo Neer oo ahaa Abneer aabbihiis isna wuxuu ahaa ina Abii'eel.
Kish was the father of Saul; and Ner the father of Abner was the son of Abiel.
52 Oo intii Saa'uul noolaa oo dhan dagaal kulul oo reer Falastiin ka gees ah ayaa jiray. Oo Saa'uulna markuu arko nin xoog leh, amase nin daran wuu qaadan jiray.
There was severe war against the Philistines all the days of Saul: and when Saul saw any mighty man, or any valiant man, he took him to him.

< Samuu'Eel Kowaad 14 >