< 1 Korintos 15 >

1 Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin,
Yanzu ina tunashshe ku 'yan'uwa, game da bisharar nan da nake shelarwa, wadda kuka karba kuke kuma dogara da ita.
2 oo aadna ku badbaaddeen, haddaad xajisaan hadalkii aan idinku wacdiyey, haddaydnan micnela'aan u rumaysan.
Da wannan bishara aka yi maku ceto, idan kuka rike wa'azi da na yi maku da karfi, sai in dama kun gaskanta a banza.
3 Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay,
Domin na baku muhimmin sako kamar na farko da na karba: cewa Almasihu ya mutu domin zunubanmu, bisa ga nassosi,
4 waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.
cewa kuma an bizne shi, ya kuwa tashi daga matattu a rana ta uku bisa ga nassosi.
5 Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii.
Cewa kuma ya bayyana ga Kefas, sa'an nan ga sha biyun.
6 Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.
Daga nan ya bayyana ga 'yan'uwa sama da dari biyar a lokaci guda. Wadanda mafi yawan su na da rai har yau, amma wasun su sun yi barci.
7 Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.
Daga nan ya bayyana ga Yakubu, da kuma ga manzannin duka.
8 Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday.
A karshe, sai ya bayyana a gare ni, kamar dan da aka haifa bakwaini.
9 Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.
Gama ni ne mafi kankanta a cikin manzanni. Ban cancanci a kira ni manzo ba, domin na tsanantawa ikklisiyar Allah.
10 Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay.
Amma saboda alherin Ubangiji ina matsayin da nake a yau, kuma alherin sa da ke ciki na ba a banza yake ba. A maimako, nayi aiki tukuru fiye da su duka. Amma duk da haka ba ni bane, amma alherin Allah da ke tare da ni.
11 Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.
Saboda haka ko nine ko Su, haka mukayi wa'azin, haka kuma kuka gaskata.
12 Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?
To idan anyi shela a matsayin cewa Yesu ya tashi daga matattu, tayaya wadansunku su ke cewa babu tashin matattu?
13 Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.
Amma idan babu tashin matattu, Almasihu ma ai ba a tashe shi ba kenan.
14 Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare.
idan kuwa ba a tashi Almasihu ba, wa'azin mu ya zama banza kenan, haka kuma bangaskiyar ku ta zama banza.
15 Waxaa la arkayaa inaannu markhaatiyaal been ah ka nahay xagga Ilaah, waayo, waxaannu u marag furnay inuu Masiixa sara kiciyey, kan aanu sara kicin haddii aan kuwii dhintay la sara kicin.
Mun kuma zama shaidun karya game Allah kenan, muna shaida akan Allah cewa ya tashi Almasihu daga matattu alhali ko bai tashe shi ba.
16 Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.
Domin idan babu tashin matattu, kai, ko Almasihu ma ba a tashe shi ba kenan.
17 Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan.
Idan har ba a tashi Almasihu ba, bangaskiyar ku a banza take, har yanzu kuma, kuna cikin zunuban ku.
18 Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.
To wadanda suka mutu cikin Almasihu kuma sun hallaka kenan,
19 Haddaynu noloshan oo keliya Masiix ku rajayn lahayn, waxaynu ahaan lahayn kuwa u liita dadka loo naxo oo dhan.
idan a wannan rayuwa ce kadai muke da bege cikin Almasihu, to cikin dukkan mutane munfi kowa zama abin tausayi.
20 Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.
Amma yanzu, Almasihu ya tashi daga matattu, wanda ya sa shi ya zama nunar fari cikin tashi daga matattu.
21 Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid.
Domin yadda mutuwa ta shigo duniya ta hanyar mutum guda, hakkan nan ma tashi daga matattu.
22 Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa,
Gama kamar yadda a cikin Adamu duka suka mutu, haka kuma a cikin Almasihu za a rayar da duka.
23 laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa.
Amma kowanne da tsarinsa: Almasihu, nunan fari, sannan su wadanda ke na Almasihu za a rayar da su lokacin zuwansa.
24 Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed.
Sa'an nan karshen zai gabato, lokacin da Almasihu zai mika mulkin ga Allah Uba. sa'an nan ne zaya kawar da dukkan mulki, martaba da iko.
25 Waayo, waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo.
Gama mulkinsa zai habaka har sai ya sa dukkan makiyansa a karkashin sawayen sa.
26 Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho.
Mutuwa kuwa, ita ce makiyi na karshe da za'a hallaka.
27 Waayo, Wax walba cagihiisa hoostooduu geliyey. Laakiin markuu yidhaahdo, Wax walba waa la hoos geliyey, way cad dahay in laga reebay kan wax walba hoostiisa geliyey.
Domin “yasa dukkan komai a karkashin ikonsa,” Amma da aka ce” yasa dukkan komai a karkashin ikonsa,” a sarari yake cewa wannan baya hada da wanda yasa dukan komai a karkashin ikonsa ba.
28 Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.
Idan dukan abu na karkashin mulkinsa, to Dan da kansa zaya kasance a karkashin ikon shi wanda yasa komai a karkashin ikonsa. Wannan zaya kasance ne saboda Allah Uba ya zama dukkan komai cikin dukkan komai.
29 Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisay kuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaa haddana loogu baabtiisaa iyaga?
ko kuma me zai faru da wadanda ake yi wa baftisma domin matattu? Idan kuwa babu tashin matattu sam sam, ina amfanin yi masu baftisma domin su?
30 Maxaynu saacad walba haalis ugu jirnaa?
Kuma me yasa muke cikin hadari kowace sa'a?
31 Faanka aan idiin qabo xagga Rabbigeenna Ciise Masiix ayaan ku caddaynayaa, walaalayaalow, inaan maalin walba dhinto.
Ina mutuwa kullum. Wannan nake furtawa ta wurin fahariya, 'yan'uwa, wadda nake da ita cikin Almasihu Yesu Ubangijinmu.
32 Haddii aan sida dadka dugaag ugu la dagaallamay Efesos, maxay ii taraysaa? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonnaaye.
Menene ribata, a idanun mutane, idan nayi kokowa da bisashe a Afisa, idan babu tashin matattu? “bari mu ci mu sha, domin gobe zamu mutu.”
33 Yaan laydin khiyaanayn, kuwa xun lasocodkoodu waa halleeya asluubta wanaagsan.
Kada fa a yaudare ku, domin “tarayya da mugaye takan bata halayen kirki.”
34 Si qumman u toosa oo hana dembaabina, waayo, qaar baan Ilaahba aqoonin. Waxaan taas u leeyahay inaan idinka xishoodsiiyo.
“Ku natsu! kuyi zaman adalci! kada ku cigaba da zunubi. Domin wasunku basu da sanin Allah. Ina fadar wannan domin in baku kunya.
35 Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan?
Amma wani zaya ce, “Yaya za'a yi tashin matattu? Wane irin jiki kuma zasu tashi da shi?
36 Doqon yahow, waxaad adigu beertid ma noolaado haddaanu dhiman.
Ku jahilai ne sosai! Abinda ka shuka ba zaya fara girma ba sai ya mutu.
37 Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah.
Abinda ka shuka ba jikin da zaya kasance bane, amma kwayar irin ne kawai. Wanda zaya zama alkama ko wani abu daban.
38 Laakiin Ilaah wuxuu iyada siiyaa jidh siduu u doonayay, iniin kastana jidhkeeda.
Amma Allah zaya bashi jiki yadda ya zaba, ga kowane kwayar iri da nashi jikin.
39 Hilib oo dhammu isku hilib ma aha, laakiin waxaa jira hilibka dadka iyo hilibka kaloo dugaagga, iyo hilibka kaloo shimbirraha, iyo hilibka kaloo kalluunka.
Ba duka jiki ne yake iri daya ba. A maimako, akwai jiki irin na mutane, akwai kuma wani irin na dabbobi, kuma wani jikin irin na tsuntsaye, kuma da irin na kifi.
40 Oo waxaa jira jidhadhka samada iyo jidhadhka dhulka, laakiin ammaanta kuwa samadu waa mid, oo tan kuwa dhulkuna waa mid kale.
Akwai kuma jikina na samaniya da jikina na duniya. Amma daukakar jikin samaniya wata daban ce kuma daukakar jikin duniya daban ce.
41 Waxaa jirta ammaanta qorraxda iyo ammaanta kaloo dayaxa iyo ammaanta kaloo xiddigaha, waayo, xiddiguba xiddigta kale way ka ammaan duwan tahay.
Akwai daukaka irin ta rana, da kuma wata daukakar irin ta wata, da kuma wata daukakar irin ta taurari. Domin wani tauraron ya bambanta da wani wajen daukaka.
42 Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan.
Haka yake a tashin matattu. Abinda aka shuka mai lalacewa ne, wanda aka tayar marar lalacewa ne.
43 Waxaa lagu beeraa maamuusla'aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beeraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaana xoog.
An shuka shi cikin rashin daraja; an tayar da shi cikin daukaka. An shuka shi cikin rauni; an tayar da shi cikin iko.
44 Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa.
An shuka shi jiki na zahiri; an tayar da shi jiki na ruhaniya. Idan akwai jiki na zahiri, to akwai jiki na ruhaniya.
45 Haddaba waxaa qoran, Aadan oo ahaa ninkii ugu horreeyey wuxuu noqday naf nool, Aadankii ugu dambeeyeyse wuxuu noqday ruux wax nooleeya.
Haka kuma aka rubuta, “Adamu na farko ya zama rayayyen taliki.” Adamu na karshe ya zama Ruhu mai bayar da rai.
46 Hase ahaatee, kan ruuxa lihi ma aha kii ugu horreeyey laakiin kan nafta leh, markaasna kan ruuxa leh.
Amma na ruhaniyar ba shine ya fara zuwa ba amma na zahirin, daga nan na ruhaniyar.
47 Ninkii ugu horreeyey waa kan dhulka oo cammuud ah, ninkii labaadna waa kan jannada.
Mutumin farkon ai daga turbaya ya fito, wato na duniya. Amma shi na biyun daga sama yake.
48 Sida kan cammuudda ah kuwa cammuud ahina waa sidaas oo kale, oo sida kan jannada, kuwa jannaduna waa sidaas oo kale.
kamar yadda mutumin ya fito daga turbaya haka ma wadanda aka halitta da turbaya. kamar yadda mutumin yake daga sama haka ma wadanda ke na sama.
49 Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada.
Kamar yadda muke dauke da jiki mai kamannin turbaya, haka ma zamu kasance da kamannin mutumin sama.
50 Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta.
To wannan na fada, 'yan'uwa, cewa nama da jini ba za su gaji mulkin Allah ba. Haka kuma mai lalacewa ba za ya gaji marar lalacewa ba.
51 Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa,
Duba! ina gaya maku asirtacciyar gaskiya: Ba dukanmu zamu mutu ba, amma dukanmu za a canza mu.
52 dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa.
Za a canza mu nan da nan, cikin keftawar ido, a kaho na karshe. Domin za a busa kaho, kuma za a tada matattu marasa lalacewa, kuma za a canza mu.
53 Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.
Domin wannan jiki mai lalacewa dole ya sanya jiki marar lalacewa, kuma wannan jiki mai mutuwa dole ya sanya marar mutuwa.
54 Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, Dhimashadii waxaa liqday libtii.
Amma idan wannan jiki mai lalacewa ya sanya marar lalacewa, kuma wannan jiki mai mutuwa ya sanya marar mutuwa, sai abinda aka rubuta ya cika, “An hadiye mutuwa cikin nasara.”
55 Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii? (Hadēs g86)
“Mutuwa, ina nasararki? Mutuwa, ina dafinki?” (Hadēs g86)
56 Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga.
Gama dafin mutuwa zunubi ne, kuma ikon zunubi shari'a ce.
57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix.
Amma godiya ga Allah, wanda ya bamu nasara ta wurin Ubangijinmu Yesu Almasihu!
58 Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.
Saboda haka, ya ku 'yan'uwana kaunatattu, ku dage kuma kada ku jijjigu. Ko yaushe ku habaka da aikin Ubangiji, domin kun san cewa aikinku cikin Ubangiji ba a banza yake ba.

< 1 Korintos 15 >