< Taariikhdii Kowaad 7 >

1 Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac, iyo Fuwaah, iyo Yaashuub, iyo Shimroon, afar bay ahaayeen.
Ana a Isakara anali awa: Tola, Puwa, Yasubu ndi Simironi ndipo onse analipo anayi.
2 Wiilashii Toolacna waxay ahaayeen Cusii, iyo Refaayaah, iyo Yerii'eel, iyo Yahmay, iyo Yibsaam, iyo Shemuu'eel, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahoodii oo ahaa reer Toolac, oo qarnigoodiina rag xoog badan bay ku ahaayeen. Wakhtigii Daa'uud joogayna tiradoodu waxay ahayd laba iyo labaatan kun iyo lix boqol.
Ana a Tola ndi awa: Uzi, Refaya, Yerieli, Yahimai, Ibisamu ndi Samueli. Awa anali atsogoleri a mabanja awo. Pa nthawi ya ulamuliro wa Davide zidzukulu za Tola zomwe zinali anthu odziwa kumenya nkhondo zinalipo 22,600.
3 Farcankii Cusiina waxay ahaayeen Yisraxyaah, iyo wiilashii Yisraxyaah oo ahaa Miikaa'eel, iyo Cobadyaah, iyo Yoo'eel, iyo Yishiyaah, oo waxay isku ahaayeen shan, dhammaantoodna waxay ahaayeen rag madax ah.
Mwana wa Uzi anali Izirahiya. Ana a Izirahiya anali: Mikayeli, Obadiya, Yoweli ndi Isiya. Onse asanu anali atsogoleri a mabanja.
4 Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.
Monga mwa chiwerengero cha mabanja awo, panali anthu 36,000 odziwa kumenya nkhondo, pakuti iwo anali ndi akazi ndi ana ambiri.
5 Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.
Abale awo onse a mʼbanja la Isakara amene anali odziwa kumenya nkhondo analipo 87,000, olembedwa potsata mibado yawo.
6 Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.
Ana atatu a Benjamini anali awa: Bela, Bekeri ndi Yediaeli.
7 Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.
Ana a Bela anali awa: Eziboni, Uzi, Uzieli, Yerimoti ndi Iri. Iwowa anali atsogoleri a mabanja awo ndipo onse pamodzi analipo asanu. Pa mndandanda wa mʼbado wawo panali anthu 22,034 odziwa kumenya nkhondo.
8 Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.
Ana a Bekeri anali awa: Zemira, Yowasi, Eliezara, Eliyoenai, Omiri, Yeremoti, Abiya, Anatoti ndi Alemeti. Onsewa anali ana a Bekeri.
9 Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.
Pa mndandanda wa mʼbado wawo panali atsogoleri a mabanja ndi anthu 20,200 odziwa kumenya nkhondo.
10 Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.
Mwana wa Yediaeli anali Bilihani. Ana a Bilihani anali awa: Yeusi, Benjamini, Ehudi, Kenaana, Zetani, Tarisisi ndi Ahisahara.
11 Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,
Ana onsewa a Yediaeli anali atsogoleri a mabanja. Analipo anthu 17,200 amene anali okonzeka kupita ku nkhondo.
12 iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.
Asupi ndi Ahupi anali zidzukulu za Iri, ndipo Ahusimu anali zidzukulu za Aheri.
13 Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.
Ana a Nafutali anali awa: Yahazieli, Guni, Yezeri ndi Salumu, zidzukulu za Biliha.
14 Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,
Ana a Manase anali awa: Asirieli ndi mwana amene anabereka kwa mzikazi wake wa ku Aramu. Mzikazi yemweyo anaberekanso Makiri abambo ake a Giliyadi.
15 Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.
Makiri anatenga mkazi wa banja la Ahupi ndi Asupi. Mlongo wake anali Maaka. Mwana wake wina anali Zelofehadi, amene anabereka ana aakazi okhaokha.
16 Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.
Maaka mkazi wa Makiri anabereka mwana wamwamuna ndipo anamutcha Perezi. Mʼbale wake anamutcha Seresi, ndipo ana ake anali Ulamu ndi Rakemu.
17 Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.
Mwana wa Ulamu anali Bedani. Awa anali ana a Giliyadi mwana wa Makiri, mwana wa Manase.
18 Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.
Mlongo wake Hamoleketi anabereka Isihodi, Abiezeri ndi Mahila.
19 Wiilashii Shemiidaacna waxay ahaayeen Axyaan, iyo Shekem, iyo Liqxii, iyo Aniicaam.
Ana a Semida anali: Ahiyani, Sekemu, Likihi ndi Aniyamu.
20 Farcankii Efrayimna waxay ahaayeen Shuutelax oo dhalay Bered, oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Elcaadaah, oo isna dhalay Taxad,
Ana a Efereimu anali awa: Sutela, Beredi, Tahati, Eliada, Tahati,
21 oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
Zabadi, Sutela. Ezeri ndi Eladi anaphedwa ndi anthu a ku Gati, pamene anabwera kudzalanda zoweta zawo.
22 Oo aabbahood Efrayimna maalmo badan ayuu aawadood u barooranayay, laakiinse waxaa isaga u yimid walaalihiis inay tacsiyeeyaan.
Efereimu, abambo awo, anawalira masiku ambiri, ndipo abale ake anabwera kudzamutonthoza.
23 Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.
Kenaka anagona ndi mkazi wake, ndipo anakhala woyembekezera nabala mwana wamwamuna. Anamutcha dzina lake Beriya, chifukwa tsoka linagwera banja lake.
24 Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.
Mwana wake wamkazi anali Seera, amene anamanga mzinda wa Beti-Horoni Wakumunsi, Wakumtunda kudzanso Uzeni-Seera.
25 Oo wuxuu dhalay Refax, oo isna dhalay Reshef, iyo wiilkiisii Telax, oo isna dhalay Tahan,
Mwana wina wa Efereimu anali Refa amene zidzukulu zake zinali Resefu, Tela, Tahani,
26 oo isna dhalay Lacdaan, oo isna dhalay Cammiihuud, oo isna dhalay Eliishaamaa,
Ladani, Amihudi, Elisama,
27 oo isna dhalay Nuun, oo isna dhalay Yashuuca.
Nuni ndi Yoswa.
28 Oo hantidoodii iyo hoygoodiiba waxay ahaayeen Beytel iyo magaalooyinkeeda, iyo xagga bari Nacaraan, iyo xagga galbeed Geser, iyo magaalooyinkeeda, iyo weliba Shekem iyo magaalooyinkeedii, iyo Casaah iyo magaalooyinkeedii,
Malo amene ankakhala anali Beteli ndi midzi yozungulira, cha kummawa kunali Naarani, Gezeri ndi midzi yake ya kumadzulo ndi Sekemu ndi midzi yake mpaka ku Aya ndi midzi yake.
29 iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.
Mʼmbali mwa malire a Manase munali Beti-Seani, Taanaki, Megido ndi Dori, pamodzi ndi midzi yake. Zidzukulu za Yosefe mwana wa Israeli zimakhala mʼmizinda imeneyi.
30 Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.
Ana a Aseri anali awa: Imuna, Isiva, Isivi ndi Beriya. Mlongo wawo anali Sera.
31 Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.
Ana a Beriya anali awa: Heberi ndi Malikieli amene anabereka Birizaiti.
32 Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.
Heberi anabereka Yafuleti, Someri, Hotamu ndi Suwa, mlongo wawo.
33 Wiilashii Yafleedna waxay ahaayeen Faasag, iyo Bimhaal, iyo Cashwaad. Intaasu waa ilma Yafleed.
Ana a Yafuleti anali awa: Pasaki, Bimuhali ndi Asivati. Awa anali ana a Yafuleti.
34 Wiilashii Shemerna waxay ahaayeen Axii, iyo Raahgaah, iyo Yehubbaah, iyo Araam.
Ana a Someri anali awa: Ahi, Rohiga, Yehuba ndi Aramu.
35 Oo walaalkiisii Xeelem wiilashiisiina waxay ahaayeen Soofax, iyo Yimnaac, iyo Sheelesh iyo Caamaal.
Ana a mʼbale wake Helemu anali awa: Zofa, Imuna, Selesi ndi Amali.
36 Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,
Ana a Zofa anali awa: Suwa, Harineferi, Suwali, Beri, Imula,
37 iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.
Bezeri, Hodi, Sama, Silisa, Itirani ndi Bera.
38 Wiilashii Yeterna waxay ahaayeen Yefunneh, iyo Fisfaah, iyo Araa.
Ana a Yeteri anali awa: Yefune, Pisipa ndi Ara.
39 Wiilashii Cullaana waxay ahaayeen Aarax, iyo Xannii'eel, iyo Risyaa.
Ana a Ula anali awa: Ara, Hanieli ndi Riziya.
40 Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.
Onsewa anali zidzukulu za Aseri, atsogoleri a mabanja, anthu omveka, ankhondo olimba mtima, ndi akuluakulu pakati pa atsogoleri anzawo. Chiwerengero cha anthu odziwa kumenya nkhondo chomwe chinalembedwa chinali 26,000.

< Taariikhdii Kowaad 7 >