< Taariikhdii Kowaad 20 >

1 Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Yoo'aab kaxaystay xooggii ciidanka oo dhan oo baabbi'iyey dalkii reer Cammoon, oo haddana intuu soo kacay ayuu Rabbaah hareereeyey. Yoo'aab wuxuu dagaal ku dhiftay Rabbaah, wuuna afgembiyey, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay. 2 Markaasaa Daa'uud boqorkoodii madaxiisii taajkii ka qaaday, oo wuxuu ogaaday in miisaankiisu yahay talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa, markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa. 3 Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas. Oo magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan Daa'uud saasuu u wada galay. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem. 4 Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Geser lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Sifay, oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa, oo iyagiina waa la jebiyey. 5 Oo haddana reer Falastiin waa lala diriray, oo Elxaanaan ina Yaaciir wuxuu dilay Laxmii oo ahaa Goli'ad kii reer Gad walaalkiis, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa. 6 Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo farihiisa gacmeed iyo farihiisa lugeedna waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo gacan kasta wuxuu ku lahaa lix, cag kastana wuxuu ku lahaa lix, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa. 7 Oo isna markuu reer binu Israa'iil caayay waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcaa ahaa dhalay. 8 Kuwanu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad, oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii iyo gacantii addoommadiisa.

< Taariikhdii Kowaad 20 >