< Книга пророка Захарии 11 >

1 Разверзи, Ливане, двери твоя, и да пояст огнь кедры твоя:
Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah.
2 да плачевопльствит питис, зане паде кедр, яко вельможи вельми обеднеша. Восплачевопльствите, дуби Васанитидстии, яко посечеся дубрава насажденная.
Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday.
3 Глас плачущих пастырей, яко возбедствова величие их: глас рыкающих львов, яко озлоблено бысть шатание Иорданово.
Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.
4 Сице глаголет Господь Вседержитель: пасите овцы заколения,
Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.
5 яже стяжавшии закалаху и не раскаявахуся, и продающии я глаголаху: благословен Господь, и обогатихомся: и пастырие их не печахуся ни чимже о них.
Kuwii hantidooda lahaa way gowracaan, oo isumana ay haystaan inay eed leeyihiin, oo kuwa iyaga soo iibiyaana mid kastaaba wuxuu leeyahay, Mahad waxaa leh Rabbiga, waayo, taajir baan noqday, oo adhijirradooduna uma ay naxaan iyaga.
6 Сего ради не пощажду ктому на живущих на земли, глаголет Господь: и се, Аз предам человеки, коегождо в руце искреннему его и в руце царю своему: и изсекут землю, и не имам изяти от руки их.
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.
7 И упасу овцы заколения в земли Ханаани: и прииму Себе два жезла, единаго нарекох доброту, а другаго нарекох уже, и упасу овцы.
Markaasaan daajiyey idaha la qalayo, oo sida xaqiiqada ah waxay ahaayeen idaha ugu miskiinsan. Oo waxaan soo qaatay laba ulood, oo mid waxaan u bixiyey Raallinimo, middii kalena waxaan u bixiyey Xidhiidh, oo idihii waan daajiyey.
8 И погублю три пастыри в месяц един, и отягчает душа Моя на ня: ибо души их рыкаху на Мя.
Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.
9 И рех: не имам пасти вас: умирающее да умрет, и изчезающее да изчезнет, и прочая да пояст кийждо плоть ближняго своего.
Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno.
10 И прииму жезл Мой добрый и отвергу его еже разорити завет Мой, егоже завещах ко всем людем:
Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.
11 и разорится в день оный, и уразумеют Хананее овцы хранимыя Мне, зане слово Господне есть.
Oo maalintaasuu jabay, oo sidaasay kuwii idaha u miskiinsanaa oo i dhegaystay u ogaadeen in kaasu yahay Eraygii Rabbiga.
12 И реку к ним: аще добро пред вами есть, дадите мзду Мою, или отрецытеся. И поставиша мзду Мою тридесять сребреник.
Oo waxaan iyagii ku idhi, Hadday idinla wanaagsan tahay, kiradaydii i siiya, haddii kalese iska daaya. Sidaas daraaddeed waxay kiradaydii iigu miisaameen soddon gogo' oo lacag ah.
13 И рече Господь ко мне: вложи я в горнило и смотри, аще искушено есть, имже образом искушен бых о них. И приях тридесять сребреник и вложих их в храм Господень в горнило.
Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dheryasameeyaha u tuur qiimihii wanaagsanaa oo ay igu qiimeeyeen. Oo anna waxaan soo qaaday soddonkii gogo' oo lacagta ahaa, kolkaasaan guriga Rabbiga ugu tuuray dheryasameeyaha.
14 И отвергох жезл вторый уже, еже разорити завет иже посреде Иуды и посреде Израиля.
Oo haddana waxaan kala jebiyey ushaydii kale oo aan Xidhiidh u bixiyey, inaan kala gooyo walaalnimadii dadka dalka Yahuudah iyo dadka dalka Israa'iil ka dhexaysay.
15 И рече Господь ко мне: еще приими себе сосуды пастырски, пастыря неискусна:
Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Haddana mar kale waxaad qaadataa adhijir nacas ah alaabtiis.
16 зане, се, Аз воздвигну пастыря на землю: погибающаго не посетит и расточеннаго не имать взыскати, и сокрушеннаго не имать изцелити и здраваго не имать направити, и мяса избранных пояст и глезны их извиет.
Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.
17 О, пасущии суетная и оставльшии овец! Мечь на мышцу его и на око ему десное: мышца его изсыхающи изсхнет, и око ему десное ослепая ослепнет.
Waxaa iska hoogay adhijirka waxtarlaawaha ah oo adhiga isaga taga! Seef baa ku dhici doonta gacantiisa iyo ishiisa midig. Gacantiisu dhammaanteed way engegi doontaa, oo ishiisa midigna kulligeed way madoobaan doontaa.

< Книга пророка Захарии 11 >