< Вторая книга Паралипоменон 18 >

1 И бысть Иосафату богатство и слава многа, и поят жену в дому Ахаавли.
Haddaba Yehooshaafaad wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan, xidhiidh buuna la yeeshay Axaab.
2 И сниде при концы лет ко Ахааву в Самарию: и закла ему Ахаав овны и волы многи, и людем сущым с ним, и увещаваше его, да снидет с ним в Рамоф Галаадский.
Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad.
3 И рече Ахаав царь Израилев ко Иосафату царю Иудину: пойдеши ли со мною в Рамоф Галаадский? И рече ему: якоже аз, тако и ты: и якоже людие твои, тако и людие мои с тобою на брань.
Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.
4 И рече Иосафат царю Израилеву: вопроси убо днесь Господа.
Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.
5 И собра царь Израилев пророков четыреста мужей и рече к ним: пойду ли в Рамоф Галаадский на брань, или удержуся? И реша: взыди, и предаст Бог в руку цареву.
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daaya? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Ilaah wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
6 Рече же Иосафат: несть ли зде пророка Господня еще, да от него вопросим?
Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebiga Rabbiga jirin aan wax weyddiinnee?
7 И рече царь Израилев ко Иосафату: есть еще муж един, имже вопросити Господа, но аз ненавижду его, понеже не прорицает мне во благая, зане вси дние его во злая: сей Михеа сын Иемвлин. Рече же Иосафат: не глаголи, царю тако.
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, laakiinse isaga waan nebcahay, waayo, isagu marnaba wax wanaagsan igama sheego, illowse had iyo goorba wax xun buu iga sheegaa. Kaasu waa Miikayhuu ina Yimlaah. Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Boqorow, saas ha odhan.
8 И призва царь Израилев единаго от евнух и рече ему: (призови) скоро Михею сына Иемвлина.
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u yeedhay mid sirkaal ah, oo wuxuu ku yidhi, Haddiiba ii keen Miikayhuu ina Yimlaah.
9 Царь же Израилев и Иосафат царь Иудин кийждо седяше на престоле своем, и облечена красотою царскою, седяста же на пространстве близ врат Самарийских, и вси пророцы пророчествоваху пред нима.
Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen.
10 И сотвори себе Седекиа сын Ханаань роги железны и рече: сия глаголет Господь: сими избодеши Сирию, дондеже скончается.
Oo Sidqiyaah ina Kenacanaah ayaa samaystay geeso bir ah, oo wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Kuwan waad ku hardiyi doontaa reer Suuriya ilaa ay wada baabba'aan.
11 И вси пророцы прорицаху тако, глаголюще: взыди в Рамоф Галаадский и предуспееши, и предаст Господь в руку цареву.
Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.
12 Вестник же, шедый призвати Михею, рече ему: се, рекоша пророцы единеми усты благая о цари да будут убо и твоя словеса, якоже единаго от них, и да речеши благая.
Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal.
13 И отвеща Михеа: жив Господь, яко еже аще речет Бог ко мне, сие возглаголю.
Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu yidhaahdo.
14 И прииде ко царю, и рече ему царь: Михее, имам ли ити Рамоф Галаадский на брань, или удержуся? И отвеща: взыди и предуспееши, и предадутся (врази) в руки вашя.
Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daayaa? Oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo ku soo guulaysta, oo iyagana gacantiinnaa la soo gelin doonaa.
15 И рече ему царь: колико крат заклинаю тя, да не глаголеши мне, токмо истину во имя Господне.
Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?
16 И рече Михеа: видех всего Израиля расточена по горам яко овцы, имже несть пастыря: и рече Господь: не имут сии вожда, да возвратятся кийждо в дом свой в мире.
Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
17 И рече царь Израилев ко Иосафату: не рех ли тебе, яко не прорицает о мне благая, но токмо злая?
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?
18 И рече Михеа: не тако: слышите слово Господне: видех Господа седяща на престоле Своем, и вся сила небесная предстояше одесную Его и ошуюю Его:
Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqla, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa.
19 и рече Господь: кто прельстит Ахаава царя Израилева, да взыдет и падет в Рамофе Галаадстем? И глаголаше един тако, и ин рече тако:
Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab oo ah boqorka dalka Israa'iil soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu ku hadlay, mid kalena sidaasuu ku hadlay.
20 и изыде дух, и ста пред Господем, и рече: аз прельщу его: емуже Господь, в чем, рече, (прельстиши)?
Markaasaa ruux soo baxay oo Rabbiga hortiisa istaagay, oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa?
21 И рече: изыду и буду дух лжив во устех всех пророков его: рече же (Господь): прельстиши и превозможеши, изыди и сотвори тако:
Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.
22 и ныне се, Господь даде духа лжива во уста всем пророком твоим сим, и Господь глагола о тебе злая.
Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.
23 И приступи Седекиа сын Ханаань, и удари Михею в ланиту и рече ему: коим путем пройде Дух Господень от мене, еже глаголати к тебе?
Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo?
24 Рече же Михеа: се, узриши в день той, егда внидеши в ложницу из ложницы, да укрыешися.
Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato.
25 И рече царь Израилев: возмите Михею, и отведите ко Еммиру началнику града и ко Иоасу князю сыну цареву,
Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor,
26 и рцыте: сия глаголет царь: вверзите сего в темницу, и да яст хлеб печали и воду печали, дондеже возвращуся в мире.
oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo.
27 Рече же Михеа: аще возвращаяся возвратишися в мире, не глагола Господь мною. И рече: слышите, вси людие.
Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.
28 И взыде царь Израилев и Иосафат царь Иудин в Рамоф Галаадский.
Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.
29 Рече же царь Израилев ко Иосафату: прикрыюся и вниду во брань, ты же облецыся в ризы моя. И прикрыся царь Израилев и вниде во брань.
Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa oo dagaalkaan dhex gelayaa, laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.
30 Царь же Сирский повеле вождем колесниц своих, глаголя: не устремляйтеся на мала и на велика, но токмо на самаго царя Израилева.
Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray saraakiishii u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.
31 И бысть егда увидеша началницы колесниц Иосафата, глаголаша: царь Израилев есть сей. И обыдоша его воююще. Иосафат же возопи ко Господу, и Господь послуша его, и отврати их Бог от него.
Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay.
32 И бысть егда увидеша воеводы колесниц, яко не бяше царь Израилев, оставиша его.
Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.
33 И муж наляче лук приметно и порази царя Израилева между легким и персями. И рече возатаю своему: обрати руку твою и изведи мя от брани яко изнемогох.
Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadaan. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.
34 И скончана бысть брань в день той, и царь Израилев бе стоя на колеснице своей противу Сириом даже до вечера, и умре заходящу солнцу.
Oo maalintaas dagaalkii waa sii kordhay, habase yeeshee tan iyo makhribkii boqorkii dalka Israa'iil ayaa gaadhifaraskiisa isdhex taagay isagoo ka hor jeeda dadkii Suuriya, oo goor qorraxdhicii ku dhow ayuu dhintay.

< Вторая книга Паралипоменон 18 >