< Псалми 42 >

1 Као што кошута тражи потоке, тако душа моја тражи Тебе, Боже!
Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
2 Жедна је душа моја Бога, Бога Живога, кад ћу доћи и показати се лицу Божијем?
Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
3 Сузе су ми хлеб дан и ноћ, кад ми сваки дан говоре: Где је Бог твој?
Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
4 Душа се моја пролива кад се опомињем како сам ходио сред многог људства; ступао у дом Божји, а људство празнујући певаше и подвикиваше.
Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
5 Што си клонула, душо моја, и што си жалосна? Уздај се у Бога; јер ћу Га још славити, Спаситеља мог и Бога мог.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
6 Клонула је у мени душа зато што Те помињем у земљи јорданској, на Ермону, на гори малој.
Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
7 Бездана бездану дозива гласом слапова Твојих; све воде Твоје и вали Твоји на мене навалише.
Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
8 Дању је јављао Господ милост своју, а ноћу Му је песма у мене, молитва Богу живота мог.
Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
9 Рећи ћу Богу, граду свом: Зашто си ме заборавио? Зашто идем сетан од пакости непријатељеве?
Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10 Који ми пакосте, пребијајући кости моје, ругају ми се говорећи ми сваки дан: Где ти је Бог?
Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11 Што си клонула, душо моја, и што си жалосна? Уздај се у Бога; јер ћу Га још славити, Спаситеља мог и Бога мог.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

< Псалми 42 >