< Матеј 9 >

1 И ушавши у лађу пређе и дође у свој град.
Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.
2 И гле, донесоше Му узета који лежаше на одру. И видевши Исус веру њихову рече узетом: Не бој се, синко, опраштају ти се греси твоји.
Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.
3 И гле, неки од књижевника рекоше у себи: Овај хули на Бога.
Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.
4 И видећи Исус помисли њихове рече: Зашто зло мислите у срцима својим?
Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?
5 Јер шта је лакше рећи: Опраштају ти се греси; или рећи: Устани и ходи?
Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?
6 Али да знате да власт има Син човечији на земљи опраштати грехе (тада рече узетом): Устани, узми одар свој и иди дома.
Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.
7 И уставши отиде дома.
Markaasuu kacay oo gurigiisii tegey.
8 А људи видећи чудише се, и хвалише Бога, који је дао власт такву људима.
Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.
9 И одлазећи Исус оданде виде човека где седи на царини, по имену Матеја, и рече му: Хајде за мном. И уставши отиде за Њим.
Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.
10 И кад јеђаше у кући, гле, многи цариници и грешници дођоше и јеђаху с Исусом и с ученицима Његовим.
Waxaa dhacay, goortii Ciise guriga cunto u fadhiistay, in cashuurqaadayaal iyo dembilayaal badanu yimaadeen, oo ay la fadhiisteen Ciise iyo xertiisa.
11 И видевши то фарисеји говораху ученицима Његовим: Зашто с цариницима и грешницима учитељ ваш једе и пије?
Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa?
12 А Исус чувши то рече им: Не требају здрави лекара него болесни.
Laakiin goortuu maqlay, wuxuu yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan.
13 Него идите и научите се шта значи: Милости хоћу, а не прилога. Јер ја нисам дошао да зовем праведнике но грешнике на покајање.
Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.
14 Тада приступише к Њему ученици Јованови говорећи: Зашто ми и фарисеји постимо много, а ученици твоји не посте?
Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa?
15 А Исус рече им: Еда ли могу сватови плакати док је с њима женик? Него ће доћи време кад ће се отети од њих женик, и онда ће постити.
Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku ma barooran karaan intuu aroosku la joogo? Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan.
16 Јер нико не меће нову закрпу на стару хаљину; јер ће се закрпа одадрети од хаљине, и гора ће рупа бити.
Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, waayo, tan lagu buuxin lahaa ayaa dharka ka go'da, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.
17 Нити се лије вино ново у мехове старе; иначе мехови продру се и вино се пролије, и мехови пропадну. Него се лије вино ново у мехове нове, и обоје се сачува.
Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.
18 Док Он тако говораше њима, гле, кнез некакав дође и клањаше Му се говорећи: Кћи моја сад умре; него дођи и метни на њу руку своју, и оживеће.
Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.
19 И уставши Исус за њим пође и ученици Његови.
Markaasaa Ciise kacay oo raacay, isaga iyo xertiisiiba.
20 И гле, жена која је дванаест година боловала од течења крви приступи састраг и дохвати Му се скута од хаљине Његове.
Kolkaas naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda.
21 Јер говораше у себи: Само ако се дотакнем хаљине Његове, оздравићу.
Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.
22 А Исус обазревши се и видевши је рече: Не бој се, кћери; вера твоја помогла ти је. И оздрави жена од тог часа.
Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.
23 И дошавши Исус у дом кнежев и видевши свираче и људе забуњене
Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya,
24 Рече им: Одступите, јер девојка није умрла, него спава. И подсмеваху Му се.
wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen.
25 А кад истера људе, уђе, и ухвати је за руку, и уста девојка.
Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.
26 И отиде глас овај по свој земљи оној.
Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.
27 А кад је Исус одлазио оданде, за Њим иђаху два слепца вичући и говорећи: Помилуј нас, сине Давидов!
Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala', iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso.
28 А кад дође у кућу, приступише к Њему слепци, и рече им Исус: Верујете ли да могу то учинити? А они Му рекоше: Да Господе.
Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow.
29 Тада дохвати се очију њихових говорећи: По вери вашој нека вам буде.
Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.
30 И отворише им се очи. И запрети им Исус говорећи: Гледајте да нико не дозна.
Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
31 А они изишавши разгласише Га по свој земљи оној.
Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.
32 Кад они пак изиђоше, гле, доведоше к Њему човека немог и бесног.
Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba.
33 И пошто изгна ђавола, проговори неми. И дивљаше се народ говорећи: Никада се тога није видело у Израиљу.
Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag.
34 А фарисеји говораху: Помоћу кнеза ђаволског изгони ђаволе.
Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.
35 И прохођаше Исус по свим градовима и селима учећи по зборницама њиховим и проповедајући јеванђеље о царству, и исцељујући сваку болест и сваку немоћ по људима.
Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:
36 А гледајући људе сажали Му се, јер беху сметени и расејани као овце без пастира.
Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.
37 Тада рече ученицима својим: Жетве је много, а посленика мало.
Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin.
38 Молите се, дакле, Господару од жетве да изведе посленике на жетву своју.
Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

< Матеј 9 >