< Матеј 27 >

1 А кад би ујутру, учинише веће сви главари свештенички и старешине народне за Исуса да Га погубе.
Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.
2 И свезавши Га одведоше, и предаше Га Понтију Пилату, судији.
Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.
3 Тада видевши Јуда издајник Његов да Га осудише раскаја се, и врати тридесет сребрника главарима свештеничким и старешинама
Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,
4 Говорећи: Ја сагреших што издадох крв праву. А они рекоше: Шта ми маримо за то? Ти ћеш видети.
oo wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa.
5 И бацивши сребрнике у цркви изиђе, и отиде те се обеси.
Markaasuu lacagtii macbudka gudihiisa ku daadshay oo ka tegey, wuuna baxay oo isdeldelay.
6 А главари свештенички узевши сребрнике рекоше: Не ваља их метнути у црквену хазну, јер је узето за крв.
Kolkaasaa wadaaddadii sare lacagtii qaadeen oo waxay yidhaahdeen, Xalaal ma aha in khasnadda quduuska ah lagu rido, waayo, waa dhiig iibkiis.
7 Него се договорише те купише за њих лончареву њиву за гробље гостима.
Markaasay ka wada hadleen oo waxay ku iibsadeen dhulka dheriyasameeyaha in shisheeyaha lagu aaso.
8 Од тога се и прозва она њива крвна њива и до данас.
Sidaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga.
9 Тада се изврши шта је казао пророк Јеремија говорећи: И узеше тридесет сребрника, цену цењенога кога су ценили синови Израиљеви;
Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga hadlay markuu yidhi, Waxay qaateen soddonkii gogo' oo lacagta ahaa oo ah iibkii lagu qiimeeyey isaga, kii bini Israa'iil ku qiimeeyeen.
10 И дадоше их за њиву лончареву, као што ми каза Господ.
Waxayna ka bixiyeen dhulka dheriyasameeyaha sida Rabbigu iigu amray.
11 А Исус стаде пред судијом, и запита Га судија говорећи: Ти ли си цар јудејски? А Исус рече му: Ти кажеш.
Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.
12 И кад Га тужаху главари свештенички и старешине, ништа не одговори.
Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.
13 Тада рече ми Пилат: Чујеш ли шта на тебе сведоче?
Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?
14 И не одговори му ни једну реч тако да се судија дивљаше врло.
Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.
15 А о сваком празнику пасхе беше обичај у судије да пусти народу по једног сужња кога они хоће.
Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.
16 А тада имаху знатног сужња по имену Варава.
Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.
17 И кад се сабраше, рече им Пилат: Кога хоћете да вам пустим? Вараву или Исуса прозваног Христа?
Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?
18 Јер знаше да су Га из зависти предали.
Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
19 А кад сеђаше у суду, поручи му жена његова говорећи: Немој се ти ништа мешати у суд тог праведника, јер сам данас у сну много пострадала њега ради.
Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.
20 А главари свештенички и старешине наговорише народ да ишту Вараву, а Исуса да погубе.
Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.
21 А судија одговарајући рече им: Кога хоћете од ове двојице да вам пустим? А они рекоше: Вараву.
Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas.
22 Рече им Пилат: А шта ћу чинити с Исусом прозваним Христом? Рекоше му сви: Да се разапне.
Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.
23 Судија пак рече: А какво је зло учинио? А они гласно повикаше говорећи: Да се разапне.
Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.
24 А кад виде Пилат да ништа не помаже него још већа буна бива, узе воду те уми руке пред народом говорећи: Ја нисам крив у крви овог праведника: ви ћете видети.
Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna.
25 И одговарајући сав народ рече: Крв његова на нас и на децу нашу.
Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.
26 Тада пусти им Вараву, а Исуса шибавши предаде да се разапне.
Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
27 Тада војници судијини узеше Исуса у судницу и скупише на Њ сву чету војника.
Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan.
28 И свукавши Га обукоше Му скерлетну кабаницу.
Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.
29 И оплетавши венац од трња метнуше Му на главу, и дадоше Му трску у десницу; и клекнувши на колена пред Њим ругаху Му се говорећи: Здраво, царе јудејски!
Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
30 И пљунувши на Њ узеше трску и бише Га по глави.
Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.
31 И кад Му се наругаше, свукоше с Њега кабаницу, и обукоше Га у хаљине Његове, и поведоше Га да Га разапну.
Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
32 И излазећи нађоше човека из Кирине по имену Симона и натераше га да Му понесе крст.
Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
33 И дошавши на место које се зове Голгота, то јест костурница,
Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada,
34 Дадоше Му да пије сирће помешано са жучи, и окусивши не хте да пије.
waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo.
35 А кад Га разапеше, разделише хаљине Његове бацивши коцке;
Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.
36 И сеђаху онде те Га чуваху.
Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.
37 И метнуше Му више главе кривицу Његову написану: Ово је Исус цар јудејски.
Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.
38 Тада распеше с Њиме два хајдука, једног с десне а једног с леве стране.
Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda.
39 А који пролажаху хуљаху на Њ машући главама својим.
Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,
40 И говорећи: Ти који цркву разваљујеш и за три дана начињаш помози сам себи; ако си син Божји, сиђи с крста.
waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg.
41 А тако и главари свештенички с књижевницима и старешинама подсмевајући се говораху:
Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,
42 Другима поможе, а себи не може помоћи. Ако је цар Израиљев, нека сиђе сад с крста па ћемо га веровати.
Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye.
43 Он се уздао у Бога: нека му помогне сад, ако му је по вољи, јер говораше: Ја сам син Божји.
Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah.
44 Тако исто и хајдуци разапети с Њим ругаху Му се.
Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.
45 А од шестог сата би тама по свој земљи до сата деветог.
Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa.
46 А око деветог сата повика Исус гласно говорећи: Или! Или! Лама савахтани? То јест: Боже мој! Боже мој! Зашто си ме оставио?
Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
47 А неки од оних што стајаху онде чувши то говораху: Овај зове Илију.
Kuwa halkaas taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen, yidhi, Kanu wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.
48 И одмах отрча један од њих те узе сунђер, и напуни оцта, па натаче на трску, те Га појаше.
Kolkiiba midkood baa orday oo qaaday geed isbonji la yidhaahdo, oo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo.
49 А остали говораху: Стани да видимо хоће ли доћи Илија да му помогне.
Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo.
50 А Исус опет повика гласно и испусти душу.
Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.
51 И гле, завеса црквена раздре се надвоје од горњег краја до доњег; и земља се потресе, и камење се распаде;
Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen.
52 И гробови се отворише, и усташе многа тела светих који су помрли;
Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.
53 И изашавши из гробова, по васкрсењу Његовом, уђоше у свети град и показаше се многима.
Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.
54 А капетан и који с њим чуваху Исуса видевши да се земља тресе и шта би, поплашише се врло говорећи: Заиста овај беше Син Божји.
Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
55 И онде беху и гледаху издалека многе жене које су ишле за Исусом из Галилеје и служиле Му.
Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga,
56 Међу којима беше Марија Магдалина и Марија мати Јаковљева и Јосијина и мати синова Зеведејевих.
oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
57 А кад би увече, дође човек богат из Ариматеје, по имену Јосиф, који је такође био ученик Исусов.
Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.
58 Овај приступивши к Пилату замоли га за тело Исусово. Тада Пилат заповеди да му даду тело.
Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.
59 И узевши Јосиф тело зави Га у платно чисто;
Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,
60 И метну Га у нови свој гроб што је био исекао у камену; и наваливши велики камен на врата од гроба отиде.
oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.
61 А онде беше Марија Магдалина и друга Марија, и сеђаху према гробу.
Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.
62 Сутрадан пак по петку сабраше се главари свештенички и фарисеји код Пилата,
Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,
63 И рекоше: Господару! Ми се опоменусмо да овај лажа каза још за живота: После три дана устаћу.
oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.
64 Зато заповеди да се утврди гроб до трећег дана да не дођу како ученици његови ноћу и да га не украду и не кажу народу: Уста из мртвих; и биће последња превара гора од прве.
Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.
65 Рече им Пилат: Ево вам страже, па идите те утврдите како знате.
Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.
66 А они отишавши са стражом утврдише гроб, и запечатише камен.
Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

< Матеј 27 >