< 5 Мојсијева 1 >

1 Ово су речи које говори Мојсије свему Израиљу с ону страну Јордана, у пустињи, у пољу према Црвеном мору, између Фарана и Тофола и Ловона и Асирота и Дизава,
Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.
2 Једанаест дана хода од Хорива преко горе Сира до Кадис-Варније.
Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.
3 А беше четрдесете године први дан једанаестог месеца, кад Мојсије каза синовима Израиљевим све што му беше заповедио Господ да им каже,
Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.
4 Пошто уби Сиона, цара аморејског који живљаше у Есевону, и Ога цара васанског који живљаше у Астароту и у Едрајину.
Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.
5 С оне стране Јордана у земљи моавској поче Мојсије казивати овај закон говорећи:
Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,
6 Господ Бог наш рече нам на Хориву говорећи: Доста сте били на овој гори.
Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,
7 Обрните се и подигните се и идите ка гори аморејској и у сву околину њену, у равнице и у брда и у долине, и на југ и на брегове морске, у земљу хананску и на Ливан и до реке велике, реке Ефрата.
haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.
8 Ето, дао сам вам земљу, уђите у њу, и узмите земљу, за коју се заклео Господ оцима вашим, Авраму, Исаку и Јакову, да ће им је дати и семену њиховом након њих.
Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba
9 И рекох вам онда говорећи: Не могу вас носити сам.
Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay.
10 Господ Бог ваш умножио вас је, и ето вас данас има много као звезда небеских.
Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.
11 Господ Бог отаца ваших да вас умножи још хиљаду пута више, и да вас благослови као што вам је казао.
Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday!
12 Како бих ја сам носио муке ваше, бремена ваша и распре ваше?
Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?
13 Дајте из племена својих људе мудре и веште и познате да вам их поставим за старешине.
Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa.
14 Тада ми одговористе и рекосте: Добро је да се учини шта си казао.
Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.
15 Тада узевши старешине од племена ваших, људе мудре и познате, поставих вам их за старешине, за хиљаднике и стотинаре и педесетаре и десетаре и управитеље по племенима вашим.
Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen.
16 И заповедих онда судијама вашим говорећи: Саслушавајте распре међу браћом својом и судите право између човека и брата његовог и између дошљака који је с њим.
Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira.
17 Не гледајте ко је ко на суду, саслушајте и малог и великог, не бојте се никога, јер је суд Божији, а ствар која би вам била тешка изнесите преда ме да је чујем.
Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.
18 И заповедих вам онда све што ћете чинити.
Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.
19 Потом отишавши од Хорива пређосмо сву ону пустињу велику и страшну, коју видесте, идући ка гори аморејској, као што нам заповеди Господ Бог наш, и дођосмо до Кадис-Варније.
Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.
20 Тада вам рекох: Дођосте до горе аморејске, коју нам даје Господ Бог наш.
Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
21 Гле, дао ти је Господ Бог твој ту земљу, иди и узми је, као што ти је рекао Господ Бог отаца твојих; не бој се и не плаши се.
Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.
22 А ви сви дођосте к мени и рекосте: Да пошаљемо људе пред собом да нам уходе земљу, и да нам јаве за пут којим ћемо ићи и за градове у које ћемо доћи,
Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.
23 И то ми би по вољи, и узех између вас дванаест људи, из сваког племена по једног;
Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.
24 И они се подигоше и изишавши на гору дођоше до потока Есхола, и уходише земљу;
Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.
25 И набраше рода оне земље и донесоше нам, и јавише нам говорећи: Добра је земља, коју нам даје Господ Бог наш.
Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
26 Али не хтесте ићи него се супротисте заповести Господа Бога свог.
Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
27 И викасте у шаторима својим говорећи: Мрзи на нас Господ, зато нас изведе из земље мисирске, да нас да у руке Аморејцима и да нас потре.
Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.
28 Куда да идемо? Браћа наша уплашише срце наше говорећи: Народ је већи и виши од нас, градови су велики и ограђени до неба, па и синове Енакове видесмо овде.
Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.
29 А ја вам рекох: Не плашите се и не бојте их се.
Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.
30 Господ Бог ваш, који иде пред вама, Он ће се бити за вас онако како вам је учинио у Мисиру на ваше очи,
Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,
31 И у пустињи, где си видео како те је носио Господ Бог твој, као што човек носи сина свог, целим путем којим сте ишли докле дођосте до овог места.
iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.
32 Али зато опет не веровасте Господу Богу свом,
Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah
33 Који иђаше пред вама путем тражећи вам место где бисте стали, иђаше ноћу у огњу да вам светли путем којим бисте ишли, а дању у облаку.
oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
34 И чу Господ глас речи ваших, и разгневи се и закле се говорећи:
Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,
35 Ниједан од овог рода злог неће видети ове добре земље, за коју се заклех да ћу дати вашим оцима,
Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,
36 Осим Халева, сина Јефонијиног; он ће је видети, и њему ћу дати земљу по којој је ишао, и синовима његовим, јер се сасвим држао Господа.
Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay.
37 Па и на мене се разгневи Господ с вас; и рече: Ни ти нећеш ући онамо.
Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.
38 Исус, син Навин, који те служи, он ће ући онамо, њега утврди; јер ће је он разделити синовима Израиљевим у наследство.
Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa.
39 А деца ваша, за коју рекосте да ће постати робље, синови ваши, који данас не знају ни шта је добро ни шта је зло, они ће ући онамо, и њима ћу је дати и они ће је наследити.
Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.
40 Ви, пак, вратите се и идите у пустињу к Црвеном Мору.
Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.
41 А ви одговористе и рекосте ми: Сагрешисмо Господу; ићи ћемо и бићемо се сасвим како нам је заповедио Господ Бог наш. И узевши сваки своје оружје хтесте изаћи на гору.
Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.
42 А Господ ми рече: Кажи им: Не идите и не бијте се, јер нисам међу вама, да не изгинете пред непријатељима својим.
Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.
43 И ја вам рекох, али не послушасте, него се опресте заповести Господњој, и навалисте на гору.
Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.
44 Тада изиђоше пред вас Амореји, који сеђаху у оној планини, и погнаше вас као што чине пчеле, и побише вас на Сиру па до Орме.
Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.
45 И вративши се плакасте пред Господом, али Господ не послуша глас ваш нити окрете ухо своје к вама.
Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.
46 И остадосте у Кадису дуго времена докле онде стајасте.
Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.

< 5 Мојсијева 1 >