< Књига пророка Амоса 4 >

1 Чујте ову реч, краве васанске, које сте у гори самаријској, које криво чините убогима и сатирете сиромахе, које говорите господарима својим: Донесите да пијемо.
Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
2 Закле се Господ Господ светошћу својом да ће вам ево доћи дани, те ће вас извлачити кукама, и остатак ваш удицама рибарским.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
3 И кроз проломе ћете изаћи, свака на према се, и побацаћете шта буде у дворовима, говори Господ.
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.
4 Идите у Ветиљ, и чините безакоње, у Галгалу множите безакоње своје, и приносите свако јутро жртве своје, треће године десетке своје;
Beytel kaalaya, oo xadgudba, Gilgaal kaalaya, oo xadgudubyo sii badiya, oo subax walba allabaryadiinna keena, oo marba saddexdii maalmood waxaad keentaa meeltobnaadyadiinna.
5 И палите жртву захвалну од хлеба киселог, и огласите жртве драговољне и разгласите, јер вам је тако мило, синови Израиљеви, говори Господ Господ.
Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
6 И зато вам ја дадох да су вам чисти зуби по свим градовима вашим и да нема хлеба нигде по свим местима вашим; али се не обратисте к мени, говори Господ.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
7 А ја вам устегох дажд, кад још три месеца беху до жетве, и пустих дажд на један град, а на други град не пустих дажда, један се крај накваси, а други крај, на који не дажде, посуши се.
Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
8 Тако два и три града иђаху у један град да пију воде, и не могаху се напити; ипак се не обратисте к мени, говори Господ.
Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
9 Бих вас сушом и медљиком; гусенице изједоше обиље у вртовима вашим и у виноградима вашим и на смоквама вашим и на маслинама вашим; ипак се не обратисте к мени, говори Господ.
Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
10 Послах у вас помор као у Мисир, побих мачем младиће ваше и одведох коње ваше, и учиних те се подизаше смрад из логора вашег и у ноздрве ваше; ипак се не обратисте к мени, говори Господ.
Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
11 Затирах вас као што Господ затре Содом и Гомор, и бејасте као главња истргнута из огња; ипак се не обратисте к мени, говори Господ.
Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
12 Зато ћу ти тако учинити, Израиљу; и што ћу ти тако учинити, приправи се, Израиљу, да сретнеш Бога свог.
Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow.
13 Јер ето Оног који је сазидао горе и који је створио ветар и јавља човеку шта мисли, чини од зоре таму, и ходи по висинама земаљским; име Му је Господ Бог над војскама.
Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.

< Књига пророка Амоса 4 >