< 2 Књига дневника 22 >

1 А Јерусалимљани зацарише на његово место Охозију најмлађег сина његовог, јер старије све поби чета која дође с Арапима у логор; и тако Охозија, син Јорамов, поста цар Јудин.
Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
2 Имаше Охозија четрдесет и две године кад поче царовати, и царова годину дана у Јерусалиму. Матери му беше име Готолија, кћи Амријева.
Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.
3 И он хођаше путевима дома Ахавовог, јер га мати наговараше на зла дела.
Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo.
4 И чињаше што је зло пред Господом као дом Ахавов; јер му они беху саветници по смрти оца његовог на погибао његову.
Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay.
5 И по њиховом савету ходећи изиђе с Јорамом сином Ахавовим, царем Израиљевим, на војску на Азаила, цара сирског, у Рамот галадски; и онде Сирци ранише Јорама.
Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.
6 А он се врати да се лечи у Језраелу од рана које му задаше у Рами, кад се бише с Азаилом, царем сирским. А Азарија, син Јорамов цар Јудин, дође у Језраел да види Јорама, сина Ахавовог, јер беше болестан.
Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
7 Али беше од Бога на пропаст Охозији што дође к Јораму; јер дошав отиде с Јорамом на Јуја, сина Нимсијиног, кога Господ помаза да истреби дом Ахавов.
Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab.
8 Јер кад Јуј извршаваше освету на дому Ахавовом, нађе кнезове Јудине и синове браће Охозијине, који служаху Охозији, и погуби их.
Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.
9 Потом потражи Охозију, и ухватише га кад се сакриваше у Самарији, и доведавши га к Јују погубише га, и погребоше га; јер рекоше: Син је Јосафата који је тражио Господа свим срцем својим. И тако не би никога од дома Охозијиног који би могао бити цар.
Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.
10 Зато Готолија, мати Охозијина, видевши да јој син погибе, уста и поби све царско семе дома Јудиног.
Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan.
11 Али Јосавеја, кћи царева, узе Јоаса, сина Охозијиног и украде га између синова царевих, које убијаху; и сакри га с дојкињом његовом у ложницу. И тако Јосавеја, кћи цара Јорама, жена Јодаја свештеника, сакри га од Готолије, јер беше сестра Охозијина, те га не уби.
Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis).
12 И беше с њима сакривен у дому Божијем шест година; а Готолија цароваше у земљи.
Oo intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

< 2 Књига дневника 22 >