< Неемия 5 >

1 И сделался большой ропот в народе и у жен его на братьев своих Иудеев.
Markaasaa waxaa dadkii iyo afooyinkooda ka kacay qaylo weyn oo ay kaga cabanayeen walaalahooda Yuhuudda ah.
2 Были такие, которые говорили: нас, сыновей наших и дочерей наших много; и мы желали бы доставать хлеб и кормиться и жить.
Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno.
3 Были и такие, которые говорили: поля свои, и виноградники свои, и домы свои мы закладываем, чтобы достать хлеба от голода.
Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed.
4 Были и такие, которые говорили: мы занимаем серебро на подать царю под залог полей наших и виноградников наших;
Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay.
5 у нас такие же тела, какие тела у братьев наших, и сыновья наши такие же, как их сыновья; а вот, мы должны отдавать сыновей наших и дочерей наших в рабы, и некоторые из дочерей наших уже находятся в порабощении. Нет никаких средств для выкупа в руках наших; и поля наши и виноградники наши у других.
Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.
6 Когда я услышал ропот их и такие слова, я очень рассердился.
Oo anna aad baan u cadhooday markii aan maqlay qayladoodii iyo erayadan.
7 Сердце мое возмутилось, и я строго выговорил знатнейшим и начальствующим и сказал им: вы берете лихву с братьев своих. И созвал я против них большое собрание
Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah.
8 и сказал им: мы выкупали братьев своих, Иудеев, проданных народам, сколько было сил у нас, а вы продаете братьев своих, и они продаются нам? Они молчали и не находили ответа.
Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.
9 И сказал я: нехорошо вы делаете. Не в страхе ли Бога нашего должны ходить вы, дабы избегнуть поношения от народов, врагов наших?
Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed?
10 И я также, братья мои и служащие при мне давали им в заем и серебро и хлеб: оставим им долг сей.
Oo sidaasoo kale aniga iyo walaalahay iyo midiidinnadayda lacag iyo hadhuudh baan korsocod ku amaahinnaa. Waan idin baryayaaye aan iska dayno korsocodkan.
11 Возвратите им ныне же поля их, виноградные и масличные сады их, и домы их, и рост с серебра и хлеба, и вина и масла, за который вы ссудили их.
Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad maantadan u celisaan beerahoodii, iyo beerahoodii canabka ahaa, iyo beerahoodii saytuunka ahaa, iyo guryahoodii, oo lacagtii, iyo hadhuudhkii, iyo khamrigii, iyo saliiddii aad korsocodka uga qaadateenna boqolkii meelood meel u celiya.
12 И сказали они: возвратим и не будем с них требовать; сделаем так, как ты говоришь. И позвал я священников и велел им дать клятву, что они так сделают.
Markaasay yidhaahdeen, Waxoodii waan u celinaynaa, oo wax dambena weyddiisan mayno innaba. Waxaannu yeelaynaa sidaad tidhaahdo. Markaasaan u yeedhay wadaaddadii, oo waxaan ku dhaariyey inay ballankan siduu yahay oofiyaan.
13 И вытряхнул я одежду мою и сказал: так пусть вытряхнет Бог всякого человека, который не сдержит слова сего, из дома его и из имения его, и так да будет у него вытрясено и пусто! И сказало все собрание: аминь. И прославили Бога; и народ выполнил слово сие.
Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.
14 Еще: с того дня, как определен я был областеначальником их в земле Иудейской, от двадцатого года до тридцать второго года царя Артаксеркса, в продолжение двенадцати лет я и братья мои не ели хлеба областе-начальнического.
Oo weliba tan iyo waagii la ii doortay inaan taliye u ahaado dalka Yahuudah waagaasoo ahaa boqorkii Artaxshasta sannaddiisii labaatanaad ilaa tan iyo sannaddiisii laba iyo soddonaad inta u dhex leh intaasoo ahayd laba iyo toban sannadood, aniga iyo walaalahay midna ma cunin cuntadii taliyaha.
15 А прежние областеначальники, которые были до меня, отягощали народ и брали с них хлеб и вино, кроме сорока сиклей серебра; даже и слуги их господствовали над народом. Я же не делал так по страху Божию.
Laakiinse taliyayaashii hore oo iga sii horreeyey dadka culays bay ku hayeen, oo waxay ka qaadan jireen cunto iyo khamri iyo weliba afartan sheqel oo lacag ah, oo xataa midiidinnadoodu dadka way xukumi jireen. Laakiinse anigu saas ma aan yeelin, maxaa yeelay, waxaan ka cabsadaa Ilaah.
16 При этом работы на стене сей я поддерживал; и полей мы не закупали, и все слуги мои собирались туда на работу.
Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.
17 Иудеев и начальствующих по сто пятидесяти человек бывало за столом у меня, кроме приходивших к нам из окрестных народов.
Oo weliba waxaa miiskayga wax ka cuni jiray boqol iyo konton nin oo ah Yuhuud iyo taliyayaal oo ayan ku jirin kuwii nooga yimid quruumihii hareerahayaga ku wareegsanaa.
18 И вот что было приготовляемо на один день: один бык, шесть отборных овец и птицы приготовлялись у меня; и в десять дней издерживалось множество всякого вина. И при всем том, хлеба областеначальнического я не требовал, так как тяжелая служба лежала на народе сем.
Haddaba maalintiiba waxaa naloo diyaarin jiray dibi iyo lix neef oo wanaagsan oo ido ah; oo weliba waxaa la ii diyaarin jiray digaag, oo tobankii maalmoodba mar baa naloo keeni jiray cayn kasta oo khamri ah; oo weliba intaas oo dhan anigu marna ma weyddiisan cuntadii taliyaha, maxaa yeelay, addoonnimada dadkan saarnayd aad bay u cuslayd.
19 Помяни, Боже мой, во благо мне все, что я сделал для народа сего!
Ilaahayow, wanaag igu xusuuso wixii aan dadkan u sameeyey oo dhan aawadiis.

< Неемия 5 >