< Исаия 20 >

1 В год, когда Тартан пришел к Азоту, быв послан от Саргона, царя Ассирийского, и воевал против Азота, и взял его,
Sannaddii Sargoon oo ahaa boqorkii Ashuur uu Tartaan Ashdood u diray, oo uu tegey, oo la diriray oo qabsaday Ashdood,
2 в то самое время Господь сказал Исаии, сыну Амосову, так: пойди и сними вретище с чресл твоих и сбрось сандалии твои с ног твоих. Он так и сделал: ходил нагой и босой.
ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.
3 И сказал Господь: как раб Мой Исаия ходил нагой и босой три года, в указание и предзнаменование о Египте и Ефиопии,
Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Sidii addoonkaygii Ishacyaah saddex sannadood qaawanaan iyo cago caddaan uu ugu socday inuu calaamad iyo yaab Masar iyo Itoobiyaba u ahaado
4 так поведет царь Ассирийский пленников из Египта и переселенцев из Ефиопии, молодых и старых, нагими и босыми и с обнаженными чреслами, в посрамление Египту.
ayaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed.
5 Тогда ужаснутся и устыдятся из-за Ефиопии, надежды своей, и из-за Египта, которым хвалились.
Markaasaa la nixi doonaa oo la ceeboobi doonaa Itoobiya oo rajadoodii ahayd aawadeed iyo Masar oo sharaftoodii ahayd aawadeed.
6 И скажут в тот день жители этой страны: вот каковы те, на которых мы надеялись и к которым прибегали за помощью, чтобы спастись от царя Ассирийского! и как спаслись бы мы?
Oo kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?

< Исаия 20 >