< Иезекииль 19 >

1 А ты подними плач о князьях Израиля
Oo weliba waxaad u baroorataa amiirrada reer binu Israa'iil,
2 и скажи: что за львица мать твоя? расположилась среди львов, между молодыми львами растила львенков своих.
oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar.
3 И вскормила одного из львенков своих; он сделался молодым львом и научился ловить добычу, ел людей.
Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
4 И услышали о нем народы; он пойман был в яму их, и в цепях отвели его в землю Египетскую.
Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen.
5 И когда, пождав, увидела она, что надежда ее пропала, тогда взяла другого из львенков своих и сделала его молодым львом.
Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah.
6 И, сделавшись молодым львом, он стал ходить между львами и научился ловить добычу, ел людей
Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
7 и осквернял вдов их и города их опустошал; и опустела земля и все селения ее от рыкания его.
Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis.
8 Тогда восстали на него народы из окрестных областей и раскинули на него сеть свою; он пойман был в яму их.
Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.
9 И посадили его в клетку на цепи и отвели его к царю Вавилонскому; отвели его в крепость, чтобы не слышен уже был голос его на горах Израилевых.
Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.
10 Твоя мать была, как виноградная лоза, посаженная у воды; плодовита и ветвиста была она от обилия воды.
Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay.
11 И были у нее ветви крепкие для скипетров властителей, и высоко поднялся ствол ее между густыми ветвями; и выдавалась она высотою своею со множеством ветвей своих.
Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.
12 Но во гневе вырвана, брошена на землю, и восточный ветер иссушил плод ее; отторжены и иссохли крепкие ветви ее, огонь пожрал их.
Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.
13 А теперь она пересажена в пустыню, в землю сухую и жаждущую.
Oo haddana waxaa iyadii lagu dhex beeray cidlada, taasoo ah dhul engegan oo oommanaa.
14 И вышел огонь из ствола ветвей ее, пожрал плоды ее и не осталось на ней ветвей крепких для скипетра властителя. Это плачевная песнь, и останется для плача.
Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa.

< Иезекииль 19 >