< 2-я Паралипоменон 16 >

1 В тридцать шестой год царствования Асы, пошел Вааса, царь Израильский, на Иудею и начал строить Раму, чтобы не позволить никому ни уходить от Асы, царя Иудейского, ни приходить к нему.
Oo boqornimadii Aasaa sannaddeedii lix iyo soddonaad ayaa Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil dalka Yahuudah ku kacay oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
2 И вынес Аса серебро и золото из сокровищниц дома Господня и дома царского и послал к Венададу, царю Сирийскому, жившему в Дамаске, говоря:
Markaasaa Aasaa lacag iyo dahab ka soo bixiyey khasnadihii guriga Ilaah iyo kuwii guriga boqorkaba, oo wuxuu u sii dhiibay Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,
3 союз да будет между мною и тобою, как был между отцом моим и отцом твоим; вот, я посылаю тебе серебра и золота: пойди, расторгни союз твой с Ваасою, царем Израильским, чтоб он отступил от меня.
Axdi baa inoo dhexeeya aniga iyo adiga, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray, haddaba bal eeg waxaan kuu soo diray lacag iyo dahab, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.
4 И послушался Венадад царя Асы и послал военачальников, которые были у него, против городов Израильских, и они опустошили Ийон и Дан и Авелмаим и все запасы в городах Неффалимовых.
Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Mayim, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo reer Naftaali oo dhan.
5 И когда услышал о сем Вааса, то перестал строить Раму и прекратил работу свою.
Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo shuqulkiisiina wuu joojiyey.
6 Аса же царь собрал всех Иудеев, и они вывезли из Рамы камни и дерева, которые употреблял Вааса для строения, - и выстроил из них Геву и Мицфу.
Markaasaa Boqor Aasaa soo kaxaystay dadkii Yahuudah oo dhan, oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah oo uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasuu ku dhisay Gebac iyo Misfaah.
7 В то время пришел Ананий прозорливец к Асе, царю Иудейскому, и сказал ему: так как ты понадеялся на царя Сирийского и не уповал на Господа Бога твоего, потому и спаслось войско царя Сирийского от руки твоей.
Oo wakhtigaas ayaa Xanaanii oo waxarkihii ahaa u yimid Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad isku hallaysay boqorka Suuriya, oo iskuma aadan hallayn Rabbiga Ilaahaaga ah, haddaba sidaas daraaddeed ciidanka boqorka Suuriya gacantaada wuu ka baxsaday.
8 Не были ли Ефиопляне и Ливияне с силою большею и с колесницами и всадниками весьма многочисленными? Но как ты уповал на Господа, то Он предал их в руку твою,
War kuwii reer Itoobiya iyo reer Luubiim sow ma ay ahayn ciidan weyn oo wata gaadhifardood iyo ciidan fardooley ah oo aad iyo aad u badan? Oo weliba Rabbigu wuxuu soo geliyey gacantaada, maxaa yeelay, Rabbiga waad isku hallaysay.
9 ибо очи Господа обозревают всю землю, чтобы поддерживать тех, чье сердце вполне предано Ему. Безрассудно ты поступил теперь. За то отныне будут у тебя войны.
Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay hor iyo dib u fiirinayaan dunida oo dhan inuu isu adkeeyo kuwa qalbigoodu isaga xaggiisa ku qumman yahay. Taas ayaad nacasnimo ku samaysay, oo hadda ka dib dagaallo baad ku jiri doontaa.
10 И разгневался Аса на прозорливца, и заключил его в темницу, так как за это был в раздражении на него; притеснял Аса и некоторых из народа в то время.
Markaasaa Aasaa waxarkihii u cadhooday oo wuxuu ku riday xabsi, maxaa yeelay, aad buu ugu xanaaqay xaalkan daraaddiis. Oo isla markaasna Aasaa baa dadkii qaarkiis dulmay.
11 И вот, деяния Асы, первые и последние, описаны в книге царей Иудейских и Израильских.
Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.
12 И сделался Аса болен ногами на тридцать девятом году царствования своего, и болезнь его поднялась до верхних частей тела; но он в болезни своей взыскал не Господа, а врачей.
Oo sannaddii sagaal iyo soddonaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa cagaha ka bukooday, oo cudurkiisiina aad iyo aad buu u weynaa, oo weliba isagu cudurkiisii Rabbiga uma uu doonin laakiinse wuxuu u doondoonay dhakhtarrada.
13 И почил Аса с отцами своими, и умер на сорок первом году царствования своего.
Oo sannaddii kow iyo afartanaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis.
14 И похоронили его в гробнице, которую он устроил для себя в городе Давидовом; и положили его на одре, который наполнили благовониями и разными искусственными мастями, и сожгли их для него великое множество.
Oo waa lagu aasay qabriyadiisii uu ka qotay magaaladii Daa'uud, oo waxaa lagu jiifiyey sariir ay ka buuxaan cadar udgoon iyo uunsi kala cayn cayn ah oo lagu hagaajiyey sancada kuwa cadarka sameeya, oo waxaa loo sameeyey dabshid aad u weyn.

< 2-я Паралипоменон 16 >