< 1-я Царств 25 >

1 И умер Самуил; и собрались все Израильтяне, и плакали по нем, и погребли его в доме его, в Раме. Давид встал и сошел к пустыне Фаран.
Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
2 Был некто в Маоне, а имение его на Кармиле, человек очень богатый; у него было три тысячи овец и тысяча коз; и был он при стрижке овец своих на Кармиле.
Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay.
3 Имя человека того - Навал, а имя жены его - Авигея; эта женщина была весьма умная и красивая лицем, а он - человек жестокий и злой нравом; он был из рода Халева.
Haddaba ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Naabaal, naagtiisa magaceeduna Abiigayil, oo naagtuna waxay ahayd mid caqli wanaagsan, aadna u suurad qurxoon, laakiinse ninku wuxuu ahaa nin qallafsan oo shar sameeya; oo wuxuuna ahaa reer Kaaleeb.
4 И услышал Давид в пустыне, что Навал стрижет на Кармиле овец своих.
Oo Daa'uud oo cidlada joogay ayaa maqlay in Naabaal idihiisii xiirayo.
5 И послал Давид десять отроков, и сказал Давид отрокам: взойдите на Кармил и пойдите к Навалу, и приветствуйте его от моего имени,
Daa'uudna toban nin oo dhallinyaro ah ayuu diray, oo Daa'uud wuxuu raggii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Orda oo Naabaal ugu taga Karmel, oo magacayga ku salaama;
6 и скажите так: “здравствуй, мир тебе, мир дому твоему, мир всему твоему;
oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato.
7 ныне я услышал, что у тебя стригут овец. Вот, пастухи твои были с нами, и мы не обижали их, и ничего у них не пропало во все время их пребывания на Кармиле;
Oo haatan waxaan maqlay inaad haysatid kuwo ido xiira; adhijirradaadiina way nala joogayeen, oo annana waxba ma aannu yeelin, oo innaba wax kama dhinnayn intii ay Karmel joogeen oo dhan.
8 спроси слуг твоих, и они скажут тебе; итак да найдут отроки благоволение в глазах твоих, ибо в добрый день пришли мы; дай же рабам твоим и сыну твоему Давиду, что найдет рука твоя”.
Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.
9 И пошли люди Давидовы, и сказали Навалу от имени Давида все эти слова, и умолкли.
Oo markay Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa yimaadeen ayay erayadan oo dhan Naabaal kula hadleen iyagoo magaca Daa'uud ku hadlaya, dabadeedna way aamuseen.
10 И вскочил Навал, и отвечал слугам Давидовым, и сказал: кто такой Давид, и кто такой сын Иессеев? ныне стало много рабов, бегающих от господ своих;
Markaasaa Naabaal ugu jawaabay Daa'uud addoommadiisii, Waa ayo Daa'uud? Wiilka Yesayse waa kuma? Maalmahan waxaa jira addoommo badan oo nin kastaa ku caasiyooba sayidkiisa.
11 неужели мне взять хлебы мои и воду мою, и вино мое и мясо, приготовленное мною для стригущих овец у меня, и отдать людям, о которых не знаю, откуда они?
Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen?
12 И пошли назад люди Давида своим путем и возвратились, и пришли и пересказали ему все слова сии.
Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.
13 Тогда Давид сказал людям своим: опояшьтесь каждый мечом своим. И все опоясались мечами своими, опоясался и сам Давид своим мечом, и пошли за Давидом около четырехсот человек, а двести остались при обозе.
Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.
14 Авигею же, жену Навала, известил один из слуг, сказав: вот, Давид присылал из пустыни послов приветствовать нашего господина, но он обошелся с ними грубо;
Laakiinse raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa u warramay Naabaal naagtiisii Abiigayil ahayd oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Daa'uud ayaa wargeeys ka soo diray cidlada inay soo salaamaan sayidkayaga, laakiinse wuu caayay.
15 а эти люди очень добры к нам, не обижали нас, и ничего не пропало у нас во все время, когда мы ходили с ними, быв в поле;
Laakiinse nimankaasu way noo wanaagsanaayeen aad iyo aad, oo waxba nalama yeelin, oo innaba wax nagama dhinnayn intii aannu la soconnay oo dhan markii aannu duurka joognay.
16 они были для нас оградою и днем и ночью во все время, когда мы пасли стада вблизи их;
Iyagu habeen iyo maalinba derbi bay noo ahaayeen intaannu iyaga la joognay oo idaha haynay oo dhan.
17 итак подумай и посмотри, что делать; ибо неминуемо угрожает беда господину нашему и всему дому его, а он - человек злой, нельзя говорить с ним.
Haddaba bal garo oo ka fiirso wixii aad samayn doonto, waayo, sayidkayaga iyo reerkiisa oo dhanba belaayaa lala damacsan yahay, waayo, isagu waa waxmatare, oo ninnaba lama hadli karo.
18 Тогда Авигея поспешно взяла двести хлебов, и два меха с вином, и пять овец приготовленных, и пять мер сушеных зерен, и сто связок изюму, и двести связок смокв, и навьючила на ослов,
Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro.
19 и сказала слугам своим: ступайте впереди меня, вот, я пойду за вами. А мужу своему Навалу ничего не сказала.
Markaasay waxay raggeedii dhallinyarada ahaa ku tidhi, Taga oo iga hor mara, oo anna waan idinka daba imanayaa. Laakiinse waxba uma ay sheegin ninkeedii Naabaal.
20 Когда же она, сидя на осле, спускалась по извилинам горы, вот, навстречу ей идет Давид и люди его, и она встретилась с ними.
Oo siday dameerkeedii u soo fuushanayd ayay soo dhaadacday oo ag martay buurta meesheedii qarsoonayd, oo waxaa ka hor yimid Daa'uud iyo raggiisii, markaasay la kulantay.
21 И Давид сказал: да, напрасно я охранял в пустыне все имущество этого человека, и ничего не пропало из принадлежащего ему; он платит мне злом за добро;
Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.
22 пусть то и то сделает Бог с врагами Давида, и еще больше сделает, если до рассвета утреннего из всего, что принадлежит Навалу, я оставлю мочащегося к стене.
Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha ku sameeyo cadaawayaashayda, haddii waxa uu leeyahay oo dhan xataa wiil yarna ha noqotee aan ka tago tan iyo waaberiga.
23 Когда Авигея увидела Давида, то поспешила сойти с осла и пала пред Давидом на лице свое и поклонилась до земли;
Oo Abiigayilna markay Daa'uud aragtay ayay haddiiba dameerkeedii ka soo degtay, oo Daa'uud isku hor tuurtay, wayna sujuudday.
24 и пала к ногам его и сказала: на мне грех, господин мой; позволь рабе твоей говорить в уши твои и послушай слов рабы твоей.
Oo intay cagihiisa isku tuurtay ayay tidhi, Dembiganu dushayda ha ahaado, sayidkaygiiyow, dushayda ha ahaado, oo waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ahu dhegahaaga aan ku hadlo, oo adiguna bal maqal erayadayda anoo addoontaada ah.
25 Пусть господин мой не обращает внимания на этого злого человека, на Навала; ибо каково имя его, таков и он. Навал - имя его, и безумие его с ним. А я, раба твоя, не видела слуг господина моего, которых ты присылал.
Waan ku baryayaaye, sayidkaygiiyow, ha ka fikirin ninkan waxmataraha ah ee Naabaal la yidhaahdo, waayo, sida magiciisu u yahay weeye isaguna; magiciisu waa Naabaal oo waxaa isaga ku jirta nacasnimo, laakiinse anigoo ah addoontaada ma aanan arkin nimankii dhallinyarada ahaa oo aad soo dirtay, sayidkaygiiyow.
26 И ныне, господин мой, жив Господь и жива душа твоя, Господь не попустит тебе идти на пролитие крови и удержит руку твою от мщения, и ныне да будут, как Навал, враги твои и злоумышляющие против господина моего.
Sidaas daraaddeed, sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga, iyo adiga naftaada, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu kaa hor joogsaday inaad dhiig gasho, iyo inaad gacantaada ku aarsatid, haddaba cadaawayaashaada iyo kuwa xumaanta kula doonaya, sayidkaygiiyow, ha noqdeen sida Naabaal oo kale.
27 Вот эти дары, которые принесла раба твоя господину моему, чтобы дать их отрокам, служащим господину моему.
Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.
28 Прости вину рабы твоей; Господь непременно устроит господину моему дом твердый, ибо войны Господа ведет господин мой, и зло не найдется в тебе во всю жизнь твою.
Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah xadgudubkayga iga cafi, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu hubaal wuxuu kuu samayn doonaa guri ammaan ah, maxaa yeelay, waxaad dirirtaa dagaallada Rabbiga; oo cimrigaaga oo dhanna shar lagaama heli doono.
29 Если восстанет человек преследовать тебя и искать души твоей, то душа господина моего будет завязана в узле жизни у Господа Бога твоего, а душу врагов твоих бросит Он как бы пращею.
Oo in kastoo dadku kugu kaco oo kuu eryado inuu nafta kaa qaado, weliba, sayidkaygiiyow, naftaadu waxay xidhmada nolosha kula xidhnaan doontaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo cadaawayaashaada naftoodana wuu tuuri doonaa sidii isagoo ka tuuraya wadhafka meeshiisa godan.
30 И когда сделает Господь господину моему все, что говорил о тебе доброго, и поставит тебя вождем над Израилем,
Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,
31 то не будет это сердцу господина моего огорчением и беспокойством, что не пролил напрасно крови и сберег себя от мщения. И Господь облагодетельствует господина моего, и вспомнишь рабу твою.
markaas ma nixi doontid, qalbigaaguna kuuma xumaan doono dhiig aad sababla'aan u daadisay, iyo aarsasho; oo markii Rabbigu si wanaagsan kuula macaamiloodo, sayidkaygiiyow, bal markaas i soo xusuuso, anoo addoontaada ah.
32 И сказал Давид Авигее: благословен Господь Бог Израилев, Который послал тебя ныне навстречу мне,
Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiigayil ku yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo maanta kuu soo diray inaad iga hor timaadid.
33 и благословен разум твой, и благословенна ты за то, что ты теперь не допустила меня идти на пролитие крови и отмстить за себя.
Waxaa barakaysan xigmaddaada, oo adna waad barakaysan tahay, waayo, waxaad maanta iga celisay inaan dhiig galo iyo inaan gacantayda ku aarsado.
34 Но, - жив Господь Бог Израилев, удержавший меня от нанесения зла тебе, - если бы ты не поспешила и не пришла навстречу мне, то до рассвета утреннего я не оставил бы Навалу мочащегося к стене.
Waxaan ku dhaartay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo nool oo iga joojiyey inaan wax ku yeelo, waayo, hubaal haddii aadan degdegin oo iga hor iman, waaberiga Naabaal xataa wiil yaru uma uu hadheen.
35 И принял Давид из рук ее то, что она принесла ему, и сказал ей: иди с миром в дом твой; вот, я послушался голоса твоего и почтил лице твое.
Sidaas daraaddeed Daa'uud gacanteedii buu ka guddoomay wixii ay u keentay, markaasuu ku yidhi, Haddaba gurigaagii nabad ku tag, oo bal eeg, codkaagii waan maqlay, waanan ku aqbalay.
36 И пришла Авигея к Навалу, и вот, у него пир в доме его, как пир царский, и сердце Навала было весело; он же был очень пьян; и не сказала ему ни слова, ни большого, ни малого, до утра.
Markaasaa Abiigayil u timid Naabaal, oo bal eeg, gurigiisuu ku qabtay diyaafad u eg boqor diyaafaddiis, oo Naabaalna qalbigiisu aad buu u faraxsanaa, waayo, aad buu u sakhraansanaa; sidaas daraaddeed waxba uma ay sheegin yar iyo badnaan toona ilaa waaberigii.
37 Утром же, когда Навал отрезвился, жена его рассказала ему об этом, и замерло в нем сердце его, и стал он, как камень.
Oo subaxdii markii Naabaal sakhraankii ka ba'ay ayay naagtiisii waxyaalahan u sheegtay, markaasaa qalbigii ku dhex dhintay, oo sidii dhagax oo kale ayuu noqday.
38 Дней через десять поразил Господь Навала, и он умер.
Oo haddana toban maalmood dabadeed Rabbigaa Naabaal dilay, wuuna iska dhintay.
39 И услышал Давид, что Навал умер, и сказал: благословен Господь, воздавший за посрамление, нанесенное мне Навалом, и сохранивший раба Своего от зла; Господь обратил злобу Навала на его же голову. И послал Давид сказать Авигее, что он берет ее себе в жену.
Oo Daa'uudna markuu maqlay in Naabaal dhintay ayuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbigii Naabaal caydii uu i caayay iiga soo aarguday, oo anoo addoonkiisa ah shar iga celiyey; Naabaalna xumaantii uu samaynayay Rabbigu isaguu ku celiyey. Markaasuu Daa'uud cid u diray Abiigayil oo kala hadlay siduu u guursan lahaa.
40 И пришли слуги Давидовы к Авигее на Кармил и сказали ей так: Давид послал нас к тебе, чтобы взять тебя ему в жену.
Oo addoommadii Daa'uudna markay Abiigayil ugu yimaadeen Karmel, intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Daa'uud baa noogu kaa soo diray inuu ku guursado.
41 Она встала и поклонилась лицем до земли и сказала: вот, раба твоя готова быть служанкою, чтобы омывать ноги слуг господина моего.
Markaasay kacday oo intay sujuudday ayay wejigeeda dhulka saartay, oo waxay tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah waxaan ahay midiidin cagaha u maydha addoommada sayidkayga.
42 И собралась Авигея поспешно и села на осла, и пять служанок сопровождали ее; и пошла она за послами Давида и сделалась его женою.
Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo kacday, oo waxay fuushay dameer, iyadoo wadata shan gabdhood oo kuweed ah oo la socda; oo iyana wargeeyayaashii Daa'uud bay daba gashay, waxayna noqotay naagtiisii.
43 И Ахиноаму из Изрееля взял Давид, и обе они были его женами.
Oo Daa'uud haddana Axiinocamtii reer Yesreceel buu guursaday, oo labadoodiiba waxay noqdeen naagihiisii.
44 Саул же отдал дочь свою Мелхолу, жену Давидову, Фалтию, сыну Лаиша, что из Галлима.
Haddaba Saa'uul gabadhiisii Miikaal ee Daa'uud naagtiisa ahayd wuxuu siiyey Faltii oo ahaa ina Layish, kaasoo ahaa reer Galliim.

< 1-я Царств 25 >