< اول سموئیل 3 >

و آن پسر، سموئیل، به حضور عیلی، خداوند را خدمت می‌نمود، و در آن روزهاکلام خداوند نادر بود و رویا مکشوف نمی شد. ۱ 1
Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.
و در آن زمان واقع شد که چون عیلی در جایش خوابیده بود و چشمانش آغاز تار شدن نموده، نمی توانست دید، ۲ 2
Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin)
و چراغ خدا هنوز خاموش نشده، و سموئیل در هیکل خداوند، جایی که تابوت خدا بود، می‌خوابید، ۳ 3
oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil,
خداوند سموئیل را خواند و او گفت: «لبیک.» ۴ 4
ayaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
پس نزد عیلی شتافته، گفت: «اینک حاضرم زیرا مرا خواندی.» او گفت: «نخواندم، برگشته، بخواب.» و او برگشته، خوابید. ۵ 5
Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday.
و خداوند بار دیگر خواند: «ای سموئیل!» وسموئیل برخاسته، نزد عیلی آمده، گفت: «اینک حاضرم زیرا مرا خواندی.» او گفت: «ای پسرم تورا نخواندم، برگشته، بخواب.» ۶ 6
Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso.
و سموئیل، خداوند را هنوز نمی شناخت وکلام خداوند تا حال بر او منکشف نشده بود. ۷ 7
Haddaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga.
وخداوند باز سموئیل را بار سوم خواند و اوبرخاسته، نزد عیلی آمده، گفت: «اینک حاضرم زیرا مرا خواندی.» آنگاه عیلی فهمید که یهوه، پسر را خوانده است. ۸ 8
Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka.
و عیلی به سموئیل گفت: «برو و بخواب و اگر تو را بخواند، بگو‌ای خداوندبفرما زیرا که بنده تو می‌شنود.» پس سموئیل رفته، در جای خود خوابید. ۹ 9
Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.
و خداوند آمده، بایستاد و مثل دفعه های پیش خواند: «ای سموئیل! ای سموئیل!» سموئیل گفت: «بفرما زیرا که بنده تو می‌شنود.» ۱۰ 10
Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.
و خداوند به سموئیل گفت: «اینک من کاری در اسرائیل می‌کنم که گوشهای هر‌که بشنود، صدا خواهد داد. ۱۱ 11
Markaasaa Rabbigu Samuu'eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa'iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono.
در آن روز هر‌چه درباره خانه عیلی گفتم بر او اجرا خواهم داشت، و شروع نموده، به انجام خواهم رسانید. ۱۲ 12
Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka.
زیرا به او خبردادم که من بر خانه او تا به ابد داوری خواهم نمودبه‌سبب گناهی که می‌داند، چونکه پسرانش برخود لعنت آوردند و او ایشان را منع ننمود. ۱۳ 13
Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii.
بنابراین برای خاندان عیلی قسم خوردم که گناه خاندان عیلی به قربانی و هدیه، تا به ابد کفاره نخواهد شد.» ۱۴ 14
Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.
و سموئیل تا صبح خوابید و درهای خانه خداوند را باز کرد، و سموئیل ترسید که عیلی رااز رویا اطلاع دهد. ۱۵ 15
Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.
اما عیلی سموئیل راخوانده، گفت: «ای پسرم سموئیل!» او گفت: «لبیک» ۱۶ 16
Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
گفت: «چه سخنی است که به تو گفته است؟ آن را از من مخفی مدار. خدا با تو چنین بلکه زیاده از این عمل نماید، اگر از هر‌آنچه به توگفته است چیزی از من مخفی داری.» ۱۷ 17
Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan.
پس سموئیل همه‌چیز را برای او بیان کرد و چیزی ازآن مخفی نداشت. و او گفت «خداوند است آنچه در نظر او پسند آید بکند.» ۱۸ 18
Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
و سموئیل بزرگ می‌شد و خداوند با وی می‌بود و نمی گذاشت که یکی از سخنانش بر زمین بیفتد. ۱۹ 19
Oo Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco.
و تمامی اسرائیل از دان تا بئرشبع دانستند که سموئیل برقرار شده است تا نبی خداوند باشد. ۲۰ 20
Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac way wada ogaayeen in Samuu'eel loo adkeeyey inuu ahaado Rabbiga nebigiis.
و خداوند بار دیگر در شیلوه ظاهر شد، زیرا که خداوند در شیلوه خود را برسموئیل به کلام خداوند ظاهر ساخت. ۲۱ 21
Oo Rabbigu haddana mar kale ayuu ka muuqday Shiiloh, waayo, Rabbiga ayaa eraygiisii isugu muujiyey Samuu'eel oo Shiiloh jooga.

< اول سموئیل 3 >