< Hebreerne 12 >

1 So lat no og oss, då me hev so stor ei sky av vitne ikring oss, leggja av alt som tyngjer, og syndi som heng so fast ved oss, og med tolmod renna i den kappstrid som er oss fyresett,
Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal,
2 med di me ser på upphavsmannen og fullendaren til trui, Jesus, han som for den gleda som var honom fyresett, bar krossen med tol, utan å vyrda skjemsla, og no sit på høgre sida åt Guds kongsstol.
innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
3 Ja, tenk på honom som tolde slik motsegn av syndarar imot seg, so de ikkje skal trøytna og verta modlause i hugen!
Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.
4 Endå hev de ikkje gjort motstand til blods i striden mot syndi,
Idinkoo dembi la dagaallamaya weli iskama aydnaan celin ilaa dhiig idinka daato.
5 og de hev gløymt den påminning som talar til dykk som born: «Min son, vanmæt ikkje Herrens tukt, og vanmodast ikkje når han refser deg!
Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto.
6 for den Herren elskar, den tuktar han, og han hudflengjer kvar son som han tek seg av.»
Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo.
7 Det er for tukti skuld at de toler lidingar; Gud fer med dykk som med søner. For kven er den son som faren ikkje tuktar?
U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin?
8 Men er de utan tukt, som alle hev fenge sin lut i, då er de lausingar og ikkje søner.
Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.
9 Dessutan: våre feder etter kjøtet hadde me til tuktarar og hadde age for deim; skal me då ikkje mykje meir vera faderen til ånderne undergjevne og få liva?
Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn?
10 For hine tukta oss nokre få dagar etter sitt tykkje, men han tuktar til vårt gagn, for at me skal verta luthavande i hans heilagskap.
Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa.
11 Men all tukt synest vel, medan ho stend på, ikkje å vera til gleda, men til sorg; men sidan gjev ho deim som derved er upptamde, ei fred-rik frukt som er rettferd.
Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.
12 Difor, rett dei hangande hender og dei veike kne!
Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar.
13 Og gjer rette farvegar for føterne dykkar, so det halte ikkje skal skeiva ut, men heller vert lækt!
Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
14 Trå etter fred med alle og etter helging! for utan henne skal ingen sjå Herren.
Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.
15 Og sjå til at ingen dreg seg undan frå Guds nåde, at ingi beisk rot skal renna upp og gjera mein, og mange verta smitta ved henne:
Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane,
16 at ingen må vera ein horkar eller ein vanheilag liksom Esau, som for ein einaste rett mat selde odelsretten sin.
si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay waxoogaa cunto ah.
17 For de veit, at han og sidan, då han vilde erva velsigningi, vart burtvist - for han fann ikkje rom for bot - endå han søkte henne med tåror.
Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo.
18 For de er ikkje komne til eit fjell som ein kann taka på, og til brennande eld og til skydimma og myrker og uver
Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii,
19 og til ljom av lur og til ljod av ord, som dei høyrande bad seg undan, at det ikkje måtte verta tala meir til deim;
iyo dhawaaqii buunka, iyo codkii erayada, oo ahaa codkii ay kuwii maqlay Muuse ka baryeen inaan eray dambe lagula hadlin.
20 for dei kunde ikkje bera det ordet som baud: «Um det so berre er eit dyr som kjem innåt fjellet, skal det steinast.»
Waayo, uma ay adkaysan karin wixii lagu amray, markii lagu yidhi, Xataa haddii neef buurta taabto, waa la dhagxin doonaa.
21 Og so gruveleg var syni, at Moses sagde: «Eg er forfærd og skjelvande rædd.»
Muuqashadiina cabsi intay ka qabtay Muuse wuxuu yidhi, Aad iyo aad baan u cabsanayaa oo waan gariirayaa.
22 Men de er komne til Sions fjell og den livande Guds by, til det himmelske Jerusalem og til dei mange tusund englar,
Laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay,
23 til høgtidstemna og lyden av dei fyrstefødde, som er uppskrivne i himmelen, og til domaren som er Gud for alle, og til ånderne av dei fullenda rettferdige,
iyo kiniisadda curadyada oo ku qoran jannada, iyo Ilaaha ah Xaakinka wax kasta, iyo ruuxyada kuwa qumman oo la kaamilay,
24 og til millommannen for ei ny pakt, Jesus, og til skvettings-blodet, som talar betre enn Abels blod.
iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
25 Sjå til at de ikkje viser ifrå dykk honom som talar! For når hine ikkje slapp undan, som viste ifrå seg honom som tala på jordi, kor mykje mindre skal me då sleppa undan, um me vender oss ifrå honom som talar frå himmelen!
Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,
26 Hans røyst riste den gong jordi; men no hev han lova og sagt: «Endå ein gong rister eg ikkje berre jordi, men himmelen med.»
kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa.
27 Men dette: «Endå ein gong» syner, at dei ting som vert riste, skal umskiftast, då det er skapte ting, so dei som ikkje vert riste, skal vara ved.
Erayadii ahaa, Weliba mar kale, micnehoodu waxaa weeye in la qaadi doono waxyaalihii la gariiriyey sidii waxyaalo la sameeyey, si waxyaalihii aan la gariirinu u hadhaan.
28 Lat difor oss som fær eit uruggelegt rike, vera takksame og dermed tena Gud til hans hugnad med blygd og otte!
Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahadnaqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna;
29 For vår Gud er ein øydande eld.
waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

< Hebreerne 12 >