< Esaias 15 >

1 Utsagn om Moab. Ja, i en natt blir Ar-Moab ødelagt, gjort til intet; ja, i en natt blir Kir-Moab ødelagt, gjort til intet.
Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.
2 De stiger op til huset og til Dibon på offerhaugene for å gråte; på Nebo og på Medeba skal Moab hyle; hvert hode er skallet, hvert skjegg avskåret.
Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.
3 På dets gater binder de sekk om sig; på dets tak og på dets streder skal alle hyle og la sine tårer strømme.
Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.
4 Hesbon og El'ale skriker så det høres like til Jahas; derfor klager Moabs krigsmenn, Moabs sjel skjelver.
Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.
5 Mitt hjerte klager over Moab, dets flyktninger kommer like til Soar, den treårige kvige; for de går gråtende opover bakken til Luhit, på veien til Horona'im løfter de klagerop over ødeleggelsen.
Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.
6 Nimrims vann blir til ørkener, gresset tørker bort, med urtene er det forbi, det finnes ikke mere et grønt strå.
Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.
7 Derfor bærer de det som de har samlet sammen, sitt opsparte gods, over Vidjebekken.
Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.
8 Ja, klagerop lyder rundt omkring i Moabs land; like til Egla'im når dets hyl, og til Be'er-Elim;
Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.
9 for Dimons vann er fulle av blod. Ja, jeg vil la ennu mere komme over Dimon - en løve skal falle over de undkomne av Moab, over levningen i landet.
Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.

< Esaias 15 >