< 1 Krønikebok 25 >

1 Så skilte David og hærførerne ut til gudstjenesten Asafs og Hemans og Jedutuns sønner, som i profetisk begeistring spilte på citarer, harper og cymbler. Dette er listen over de menn som denne tjeneste var pålagt:
Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd:
2 Av Asafs barn Sakkur og Josef og Netanja og Asarela, Asafs sønner, under ledelse av Asaf, som spilte i profetisk begeistring efter kongens forskrift;
reer Aasaaf oo ahaa Sakuur, iyo Yuusuf, iyo Netanyaah, iyo Asareelaah, intaasu waxay ahaayeen reer Aasaaf oo ka hooseeya Aasaaf kaasoo markii boqorku amro wax sii sheegi jiray,
3 av Jedutun, det er Jedutuns sønner: Gedalja og Seri og Jesaja, Hasabja og Mattitja, seks i tallet, med citarer, under ledelse av deres far Jedutun, som spilte i profetisk begeistring til Herrens lov og pris;
iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo,
4 av Heman, det er Hemans sønner: Bukkia, Mattanja, Ussiel, Sebuel og Jerimot, Hananja, Hanani, Eliata, Giddalti og Romamti-Eser, Josbekasa, Malloti, Hotir, Mahasiot;
iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood.
5 alle disse var sønner av Heman, kongens seer i Guds ord; for å ophøie hans horn gav Gud Heman fjorten sønner og tre døtre.
Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood.
6 Alle disse stod under sin fars ledelse ved sangen i Herrens hus; de spilte på cymbler, harper og citarer ved tjenesten i Guds hus, under ledelse av kongen, Asaf og Jedutun og Heman.
Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
7 Og tallet på dem og deres brødre som var oplært i sangen for Herren, alle dem som var kyndige deri, var to hundre og åtte og åtti.
Oo iyagii iyo walaalahood la jiray ee la baray inay Rabbiga u gabyaan kuwaasoo dhammaan farsamada yiqiin tiradoodu waxay ahayd laba boqol iyo siddeed iyo siddeetan nin.
8 Og de kastet lodd om hvad de skulde ivareta, den minste så vel som den største, læreren så vel som lærlingen.
Oo iyana hawshoodii waxay u riteen saami iswada le'eg, oo way isle'ekaysteen, kan ugu yar iyo kan ugu weyn, iyo xataa macallin iyo ardayba, waxba isma dheeraysan.
9 Det første lodd kom ut for Asaf, det vil si for Josef; Gedalja blev den annen, han selv med sine brødre og sønner, tolv i tallet;
Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay reer Aasaaf oo waxaa helay Yuusuf. Kii labaadna wuxuu u soo baxay Gedalyaah, oo isaga iyo walaalihiis iyo wiilashiisiiba waxay isku ahaayeen laba iyo toban.
10 den tredje blev Sakkur med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii saddexaadna wuxuu u soo baxay Sakuur, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban nin.
11 det fjerde lodd kom ut for Jisri, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii afraadna wuxuu u soo baxay Yisrii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
12 den femte blev Netanja med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii shanaadna wuxuu u soo baxay Netanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
13 den sjette blev Bukkia med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii lixaadna wuxuu u soo baxay Buqiyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
14 den syvende blev Jesarela med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii toddobaadna wuxuu u soo baxay Yeshareelaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
15 den åttende blev Jesaia med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii siddeedaadna wuxuu u soo baxay Yeshacyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
16 den niende blev Mattanja med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii sagaalaadna wuxuu u soo baxay Matanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
17 den tiende blev Sime'i med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii tobnaadna wuxuu u soo baxay Shimcii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
18 den ellevte blev Asarel med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii kow iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Casareel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
19 det tolvte lodd kom ut for Hasabja, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii laba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xashabyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
20 den trettende blev Subael med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii saddex iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Shuubaa'eel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
21 den fjortende blev Mattitja med sine sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii afar iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Matityaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
22 det femtende lodd kom ut for Jeremot, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii shan iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yereemood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
23 det sekstende for Hananja, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii lix iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xananyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
24 det syttende for Josbekasa, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii toddoba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yaashbeqaashaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
25 det attende for Hanani, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii siddeed iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xanaanii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
26 det nittende for Malloti, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii sagaal iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Mallootii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
27 det tyvende for Eliata, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii labaatanaadna wuxuu u soo baxay Elii'aataah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
28 det en og tyvende for Hotir, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii kow iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Hootiir, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
29 det to og tyvende for Giddalti, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii laba iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Giddaltii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
30 det tre og tyvende for Mahasiot, med hans sønner og brødre, tolv i tallet;
Kii saddex iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Maxasii'ood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.
31 det fire og tyvende for Romamti-Eser, med hans sønner og brødre, tolv i tallet.
Kii afar iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Romamtii Ceser, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

< 1 Krønikebok 25 >