< Cakarijas 10 >

1 Lūdziet lietu no Tā Kunga vēlajā lietus laikā! Tas Kungs rada zibeņus; Viņš tiem dos lietus papilnam ikkatrai zālei laukā.
Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.
2 Jo dievekļi runā nelietību, un zīlnieki rauga viltību un runā melu sapņus un iepriecina ar niekiem. Tādēļ tie maldās kā avis, tie ir nospaidīti, jo tur nav gana.
Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.
3 Pret tiem ganiem Mana bardzība iedegusies, un tos āžus Es piemeklēšu. Jo Tas Kungs Cebaot piemeklē Savu ganāmo pulku, Jūda namu, un to ieceļ Sev par goda zirgu karā.
Adhijirrada aad baan ugu cadhooday, oo waxaan ciqaabi doonaa orgida, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu soo booqday idihiisii ahaa dadka dalka Yahuudah, oo wuxuu ka dhigi doonaa sida faraskiisa sharafta leh oo dagaalka ku jira.
4 No viņa iznāks stūra akmens, nagla, kara stops un visi valdnieki līdz.
Waxaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa.
5 Un tie būs kā varoņi, kas kaušanā samin ielas dubļus, un tie kausies, jo Tas Kungs būs ar viņiem, un tie liks kaunā zirgu jājējus.
Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.
6 Un Es stiprināšu Jūda namu un atpestīšu Jāzepa namu, un Es tos atkal iestādīšu, jo Es par tiem esmu apžēlojies, un tie būs, tā kā Es tos nebūtu atmetis, jo Es esmu Tas Kungs, viņu Dievs, un tos paklausīšu.
Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.
7 Un Efraīms būs kā varonis un viņa sirds priecāsies kā no vīna. Un viņa bērni to redzēdami līksmosies, viņu sirds priecāsies iekš Tā Kunga.
Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga.
8 Un Es tos ataicināšu un sapulcēšu, jo Es tos gribu izpestīt, un tie vairosies, kā tie citkārt vairojās.
Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.
9 Un Es tos sēšu starp tautām, un tie Mani pieminēs tālās zemēs, un tie dzīvos ar saviem bērniem un atgriezīsies.
Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.
10 Un Es tos atvedīšu no Ēģiptes zemes un tos sapulcināšu no Asīrijas un tos vedīšu uz Gileāda zemi un Tībanu, ka viņam nepietiks vietas.
Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.
11 Un viņš iet caur bēdu jūru un sit viļņus jūrā, un visi upes dziļumi izsīks; tad Asura lepnība taps nogāzta, un Ēģiptes scepteris zudīs.
Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.
12 Un Es tos stiprināšu iekš Tā Kunga, un tie staigās Viņa vārdā, saka Tas Kungs.
Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.

< Cakarijas 10 >