< Liber Numeri 23 >

1 dixitque Balaam ad Balac aedifica mihi hic septem aras et para totidem vitulos eiusdemque numeri arietes
Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.
2 cumque fecisset iuxta sermonem Balaam inposuerunt simul vitulum et arietem super aram
Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku hadlay, oo Baalaaq iyo Balcaam meel kasta oo allabariba waxay ku dul bixiyeen dibi iyo wan.
3 dixitque Balaam ad Balac sta paulisper iuxta holocaustum tuum donec vadam si forte occurrat mihi Dominus et quodcumque imperaverit loquar tibi
Kolkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey.
4 cumque abisset velociter occurrit ei Deus locutusque ad eum Balaam septem inquit aras erexi et inposui vitulum et arietem desuper
Kolkaasaa Ilaah Balcaam ka hor yimid, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan diyaariyey toddobada meelood oo allabari, oo meel kastaba waxaan ku dul bixiyey dibi iyo wan.
5 Dominus autem posuit verbum in ore eius et ait revertere ad Balac et haec loqueris
Markaasaa Rabbigu eray Balcaam afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo oo sidatan ula hadal.
6 reversus invenit stantem Balac iuxta holocaustum suum et omnes principes Moabitarum
Oo isna markaasuu ku noqday, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, isagii iyo amiirradii reer Moo'aab oo dhan.
7 adsumptaque parabola sua dixit de Aram adduxit me Balac rex Moabitarum de montibus orientis veni inquit et maledic Iacob propera et detestare Israhel
Markaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi, Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi, Kaalay oo reer Yacquub ii habaar, Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.
8 quomodo maledicam cui non maledixit Deus qua ratione detester quem Dominus non detestatur
Bal sidee baan u habaaraa mid aan Ilaah habaarin? Oo sidee baan ugu cadhoodaa mid aan Rabbigu ka cadhaysnayn?
9 de summis silicibus videbo eum et de collibus considerabo illum populus solus habitabit et inter gentes non reputabitur
Waayo, dhagaxyada dushooda ayaan ka arkaa, Oo xagga buuraha ayaan uga jeedaa, Oo bal eeg, waa dad gooni u deggan, Iyagana quruumaha kale laguma tirin doono.
10 quis dinumerare possit pulverem Iacob et nosse numerum stirpis Israhel moriatur anima mea morte iustorum et fiant novissima mea horum similia
Bal yaa qiyaasi kara reer Yacquub oo sida boodhka ah? Amase yaa tirin kara reer binu Israa'iil rubuciis? Anigu aan u dhinto sida kuwa xaqa ahu u dhintaan, Oo ugu dambaystayduna ha ahaato sida tooda oo kale.
11 dixitque Balac ad Balaam quid est hoc quod agis ut malediceres inimicis vocavi te et tu e contrario benedicis eis
Kolkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay.
12 cui ille respondit num aliud possum loqui nisi quod iusserit Dominus
Kolkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo?
13 dixit ergo Balac veni mecum in alterum locum unde partem Israhelis videas et totum videre non possis inde maledicito ei
Markaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Kaalay, oo meel kale ii raac inaad halkaas iyaga ka aragtid. Waxaad arki doontaa darafkooda, oo kulligood ma arki doontid; haddaba halkaas iiga habaar.
14 cumque duxisset eum in locum sublimem super verticem montis Phasga aedificavit Balaam septem aras et inpositis supra vitulo atque ariete
Markaasuu isagii geeyey berrinkii Sofiim xagga Buur Fisgaah dhaladeeda, oo halkaasuu ka dhisay toddoba meelood oo allabari, oo meel kasta wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.
15 dixit ad Balac sta hic iuxta holocaustum tuum donec ego pergam obvius
Oo markaasuu Baalaaq ku yidhi, Halkan allabarigaaga la gubo ag istaag intaan Rabbiga xaggaas shishe kaga hor tegayo.
16 cui cum Dominus occurrisset posuissetque verbum in ore eius ait revertere ad Balac et haec loqueris ei
Markaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal.
17 reversus invenit eum stantem iuxta holocaustum suum et principes Moabitarum cum eo ad quem Balac quid inquit locutus est Dominus
Markaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay?
18 at ille adsumpta parabola sua ait sta Balac et ausculta audi fili Sepphor
Markaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi, Baalaaq, kac oo maqal, Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.
19 non est Deus quasi homo ut mentiatur nec ut filius hominis ut mutetur dixit ergo et non faciet locutus est et non implebit
Ilaah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?
20 ad benedicendum adductus sum benedictionem prohibere non valeo
Bal eeg, waxaa laygu amray inaan u duceeyo. Isagaa barakeeyey, anna barakadaas ma aan beddeli karo.
21 non est idolum in Iacob nec videtur simulacrum in Israhel Dominus Deus eius cum eo est et clangor victoriae regis in illo
Isagu reer Yacquub dembi kuma uu arag, Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin. Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira, Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.
22 Deus eduxit eum de Aegypto cuius fortitudo similis est rinocerotis
Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
23 non est augurium in Iacob nec divinatio in Israhel temporibus suis dicetur Iacob et Israheli quid operatus sit Deus
Hubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco, Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto, Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa, Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!
24 ecce populus ut leaena consurget et quasi leo erigetur non accubabit donec devoret praedam et occisorum sanguinem bibat
Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.
25 dixitque Balac ad Balaam nec maledicas ei nec benedicas
Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba.
26 et ille nonne ait dixi tibi quod quicquid mihi Deus imperaret hoc facerem
Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa?
27 et ait Balac ad eum veni et ducam te ad alium locum si forte placeat Deo ut inde maledicas eis
Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.
28 cumque duxisset eum super verticem montis Phogor qui respicit solitudinem
Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.
29 dixit ei Balaam aedifica mihi hic septem aras et para totidem vitulos eiusdemque numeri arietes
Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.
30 fecit Balac ut Balaam dixerat inposuitque vitulos et arietes per singulas aras
Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku yidhi, oo meel kasta oo allabariba wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.

< Liber Numeri 23 >