< Proverbiorum 24 >

1 Ne æmuleris viros malos, nec desideres esse cum eis:
Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
2 quia rapinas meditatur mens eorum, et fraudes labia eorum loquuntur.
Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.
3 Sapientia ædificabitur domus, et prudentia roborabitur.
Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,
4 In doctrina replebuntur cellaria, universa substantia pretiosa et pulcherrima.
Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
5 Vir sapiens, fortis est: et vir doctus, robustus et validus.
Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.
6 Quia cum dispositione initur bellum: et erit salus ubi multa consilia sunt.
Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
7 Excelsa stulto sapientia, in porta non aperiet os suum.
Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.
8 Qui cogitat mala facere, stultus vocabitur.
Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.
9 Cogitatio stulti peccatum est: et abominatio hominum detractor.
Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.
10 Si desperaveris lassus in die angustiæ: imminuetur fortitudo tua.
Maalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.
11 Erue eos, qui ducuntur ad mortem: et qui trahuntur ad interitum liberare ne cesses.
Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
12 Si dixeris: Vires non suppetunt: qui inspector est cordis, ipse intelligit, et servatorem animæ tuæ nihil fallit, reddetque homini iuxta opera sua.
Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
13 Comede, fili mi, mel, quia bonum est, et favum dulcissimum gutturi tuo:
Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.
14 Sic et doctrina sapientiæ animæ tuæ: quam cum inveneris, habebis in novissimis spem, et spes tua non peribit.
Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.
15 Ne insidieris, et quæras impietatem in domo iusti, neque vastes requiem eius.
Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.
16 Septies enim cadet iustus, et resurget: impii autem corruent in malum.
Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
17 Cum ceciderit inimicus tuus, ne gaudeas, et in ruina eius ne exultet cor tuum:
Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,
18 ne forte videat Dominus, et displiceat ei, et auferat ab eo iram suam.
Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
19 Ne contendas cum pessimis, nec æmuleris impios:
Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
20 quoniam non habent futurorum spem mali, et lucerna impiorum extinguetur.
Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
21 Time Dominum, fili mi, et regem: et cum detractoribus non commiscearis:
Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
22 quoniam repente consurget perditio eorum: et ruinam utriusque quis novit?
Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?
23 Hæc quoque sapientibus: Cognoscere personam in iudicio non est bonum.
Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
24 Qui dicunt impio: Iustus es: maledicent eis populi, et detestabuntur eos tribus.
Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25 Qui arguunt eum, laudabuntur: et super ipsos veniet benedictio.
Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
26 Labia deosculabitur, qui recta verba respondet.
Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.
27 Præpara foris opus tuum, et diligenter exerce agrum tuum: ut postea ædifices domum tuam.
Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
28 Ne sis testis frustra contra proximum tuum: nec lactes quemquam labiis tuis.
Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
29 Ne dicas: Quomodo fecit mihi, sic faciam ei: reddam unicuique secundum opus suum.
Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
30 Per agrum hominis pigri transivi, et per vineam viri stulti:
Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
31 et ecce totum repleverant urticæ, et operuerant superficiem eius spinæ, et maceria lapidum destructa erat.
Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
32 Quod cum vidissem, posui in corde meo, et exemplo didici disciplinam.
Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
33 Parum, inquam, dormies, modicum dormitabis, pauxillum manus conseres, ut quiescas:
Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
34 et veniet tibi quasi cursor egestas, et mendicitas quasi vir armatus.
Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

< Proverbiorum 24 >