< Leviticus 6 >

1 Locutus est Dominus ad Moysen, dicens:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Anima quæ peccaverit, et contempto Domino, negaverit proximo suo depositum quod fidei eius creditum fuerat, vel vi aliquid extorserit, aut calumniam fecerit,
Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,
3 sive rem perditam invenerit, et inficians insuper peieraverit, et quodlibet aliud ex pluribus fecerit, in quibus solent peccare homines,
amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo,
4 convicta delicti, reddet
markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,
5 omnia quæ per fraudem voluit obtinere, integra, et quintam insuper partem domino cui damnum intulerat.
amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.
6 Pro peccato autem suo offeret arietem immaculatum de grege, et dabit eum sacerdoti, iuxta æstimationem, mensuramque delicti:
Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno.
7 qui rogabit pro eo coram Domino, et dimittetur illi pro singulis quæ faciendo peccavit.
Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.
8 Locutusque est Dominus ad Moysen, dicens:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
9 Præcipe Aaron et filiis eius: Hæc est lex holocausti: Cremabitur in altari tota nocte usque mane: ignis ex eodem altari erit.
Haaruun iyo wiilashiisa amar oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga qurbaanka la gubo ku saabsan: qurbaanka la gubo waa inuu habeenkii oo dhan saarnaadaa qoryaha meesha allabariga saaran tan iyo ilaa waagu ka baryo; oo dabka meesha allabarigana waa in laga sii ololiyaa.
10 Vestietur tunica sacerdos et feminalibus lineis: tolletque cineres, quos vorans ignis exussit, et ponens iuxta altare,
Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.
11 spoliabitur prioribus vestimentis, indutusque aliis, efferret eos extra castra, et in loco mundissimo usque ad favillam consumi faciet.
Oo markaas waa inuu dharkiisii iska furaa oo uu dhar kale xidhaa, oo dambaska waa inuu meel daahirsan oo xerada dibaddeeda ah u qaadaa.
12 Ignis autem in altari semper ardebit, quem nutriet sacerdos subiiciens ligna mane per singulos dies, et imposito holocausto, desuper adolebit adipes pacificorum.
Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa.
13 Ignis est iste perpetuus, qui numquam deficiet in altari.
Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.
14 Hæc est lex sacrificii et libamentorum, quæ offerent filii Aaron coram Domino, et coram altari.
Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah.
15 Tollet sacerdos pugillum similæ, quæ conspersa est oleo, et totum thus, quod super similam positum est: adolebitque illud in altari in monimentum odoris suavissimi Domino:
Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf udgoon ee xusuus u ah Rabbiga.
16 reliquam autem partem similæ comedet Aaron cum filiis suis, absque fermento: et comedet in loco sancto atrii tabernaculi.
Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.
17 Ideo autem non fermentabitur, quia pars eius in Domini offertur incensum. Sanctum sanctorum erit, sicut pro peccato atque delicto.
Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.
18 Mares tantum stirpis Aaron comedent illud. Legitimum ac sempiternum erit in generationibus vestris de sacrificiis Domini. Omnis, qui tetigerit illa, sanctificabitur.
Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.
19 Locutusque est Dominus ad Moysen, dicens:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
20 Hæc est oblatio Aaron, et filiorum eius, quam offerre debent Domino in die unctionis suæ. Decimam partem ephi offerent similæ in sacrificio sempiterno, medium eius mane, et medium eius vespere:
Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo.
21 quæ in sartagine oleo conspersa frigetur. Offeret autem eam calidam in odorem suavissimum Domino
Oo waa in lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
22 sacerdos, qui iure patri successerit, et tota cremabitur in altari.
Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.
23 Omne enim sacrificium sacerdotum igne consumetur, nec quisquam comedet ex eo.
Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.
24 Locutus est autem Dominus ad Moysen, dicens:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
25 Loquere Aaron et filiis eius: Ista est lex hostiæ pro peccato: In loco ubi offertur holocaustum, immolabitur coram Domino. Sanctum sanctorum est.
La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.
26 Sacerdos qui offert, comedet eam in loco Sancto, in atrio tabernaculi.
Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.
27 Quidquid tetigerit carnes eius, sanctificabitur. Si de sanguine illius vestis fuerit aspersa, lavabitur in loco sancto.
Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.
28 Vas autem fictile, in quo cocta est, confringetur. Quod si vas æneum fuerit, defricabitur, et lavabitur aqua.
Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa.
29 Omnis masculus de genere sacerdotali vescetur de carnibus eius, quia Sanctum sanctorum est.
Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.
30 Hostia enim quæ cæditur pro peccato, cuius sanguis infertur in tabernaculum testimonii ad expiandum in Sanctuario, non comedetur, sed comburetur igni.
Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin, waase in dab lagu gubaa.

< Leviticus 6 >