< Leviticus 16 >

1 Locutusque est Dominus ad Moysen post mortem duorum filiorum Aaron, quando offerentes ignem alienum interfecti sunt:
Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,
2 et præcepit ei, dicens: Loquere ad Aaron fratrem tuum, ne omni tempore ingrediatur Sanctuarium, quod est intra velum coram propitiatorio quo tegitur arca, ut non moriatur (quia in nube apparebo super oraculum)
oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.
3 nisi hæc ante fecerit: Vitulum pro peccato offeret, et arietem in holocaustum.
Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.
4 Tunica linea vestietur, feminalibus lineis verenda celabit: accingetur zona linea, cidarim lineam imponet capiti: hæc enim vestimenta sunt sancta: quibus cunctis, cum lotus fuerit, induetur.
Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.
5 Suscipietque ab universa multitudine filiorum Israel duos hircos pro peccato, et unum arietem in holocaustum.
Oo ururka reer binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo.
6 Cumque obtulerit vitulum, et oraverit pro se et pro domo sua,
Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa.
7 duos hircos stare faciet coram Domino in ostio tabernaculi testimonii:
Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow.
8 mittensque super utrumque sortem, unam Domino, alteram capro emissario:
Oo markaas Haaruun waa inuu labada orgi saami u kala ridaa, oo saami kan Rabbiga ha ahaado, saamiga kalena kan Casaaseel ha ahaado.
9 cuius exierit sors Domino, offeret illum pro peccato:
Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa, oo qurbaan dembi u bixiyaa.
10 cuius autem in caprum emissarium, statuet eum vivum coram Domino, ut fundat preces super eo, et emittat eum in solitudinem.
Laakiinse orgigii saamigu ugu dhacay Casaaseel waa in isagoo nool Rabbiga hortiisa la taagaa si kafaaraggud looga kor sameeyo, oo Casaaseel aawadiis cidlada loogu eryo.
11 His rite celebratis, offeret vitulum et rogans pro se et pro domo sua, immolabit eum:
Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo.
12 assumptoque thuribulo, quod de prunis altaris impleverit, et hauriens manu compositum thymiama in incensum, ultra velum intrabit in Sancta:
Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.
13 ut positis super ignem aromatibus, nebula eorum et vapor operiat oraculum, quod est supra testimonium, et non moriatur.
Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.
14 Tollet quoque de sanguine vituli, et asperget digito septies contra propitiatorium ad orientem.
Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.
15 Cumque mactaverit hircum pro peccato populi, inferet sanguinem eius intra velum, sicut præceptum est de sanguine vituli, ut aspergat e regione oraculi,
Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.
16 et expiet Sanctuarium ab immunditiis filiorum Israel, et a prævaricationibus eorum, cunctisque peccatis. Iuxta hunc ritum faciet tabernaculo testimonii, quod fixum est inter eos in medio sordium habitationis eorum.
Oo isagu waa inuu meesha quduuska ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda.
17 Nullus hominum sit in tabernaculo quando pontifex Sanctuarium ingreditur, ut roget pro se et pro domo sua, et pro universo cœtu Israel donec egrediatur.
Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
18 Cum autem exierit ad altare quod coram Domino est, oret pro se, et sumptum sanguinem vituli atque hirci fundat super cornua eius per gyrum:
Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.
19 aspergensque digito septies, expiet, et sanctificet illud ab immunditiis filiorum Israel.
Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.
20 Postquam emundaverit Sanctuarium, et tabernaculum, et altare, tunc offerat hircum viventem:
Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa.
21 et posita utraque manu super caput eius, confiteatur omnes iniquitates filiorum Israel, et universa delicta atque peccata eorum: quæ imprecans capiti eius, emittet illum per hominem paratum, in desertum.
Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan.
22 Cumque portaverit hircus omnes iniquitates eorum in terram solitariam, et dimissus fuerit in deserto,
Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda.
23 revertetur Aaron in tabernaculum testimonii, et depositis vestibus, quibus prius indutus erat cum intraret Sanctuarium, relictisque ibi,
Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa,
24 lavabit carnem suam in loco sancto, indueturque vestibus suis. Et postquam egressus obtulerit holocaustum suum ac plebis, rogabit tam pro se quam pro populo:
oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba.
25 et adipem, qui oblatus est pro peccatis, adolebit super altare.
Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.
26 Ille vero, qui dimiserit caprum emissarium, lavabit vestimenta sua et corpus aqua, et sic ingredietur in castra.
Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa.
27 Vitulum autem et hircum, qui pro peccato fuerant immolati, et quorum sanguis illatus est in Sanctuarium ut expiatio compleretur, asportabunt foras castra, et comburent igni tam pelles quam carnes eorum ac fimum:
Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa.
28 et quicumque combusserit ea, lavabit vestimenta sua, et carnem aqua, et sic ingredietur in castra.
Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.
29 Eritque vobis hoc legitimum sempiternum: Mense septimo, decima die mensis affligetis animas vestras, nullumque opus facietis, sive indigena, sive advena qui peregrinatur inter vos.
Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba,
30 In hac die expiatio erit vestri, atque mundatio ab omnibus peccatis vestris: coram Domino mundabimini.
waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa.
31 Sabbatum enim requietionis est, et affligetis animas vestras religione perpetua.
Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira.
32 Expiabit autem sacerdos, qui unctus fuerit, et cuius manus initiatæ sunt ut sacerdotio fungatur pro patre suo: indueturque stola linea et vestibus sanctis,
Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.
33 et expiabit Sanctuarium et tabernaculum testimonii atque altare, sacerdotes quoque et universum populum.
Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan.
34 Eritque vobis hoc legitimum sempiternum, ut oretis pro filiis Israel, et pro cunctis peccatis eorum semel in anno. Fecit igitur sicut præceperat Dominus Moysi.
Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.

< Leviticus 16 >