< 룻기 1 >

1 사사들의 치리하던 때에 그 땅에 흉년이 드니라 유다 베들레헴에 한 사람이 그 아내와 두 아들을 데리고 모압 지방에 가서 우거하였는데
Waagii xaakinnadu wax xukumi jireen abaar baa dalkii ka dhacday. Markaasaa nin Beytlaxam Yahuudah ka tegey, oo wuxuu qariib ahaan u degay waddankii Moo'aab, isagii iyo naagtiisii, iyo labadiisii wiilba.
2 그 사람의 이름은 엘리멜렉이요 그 아내의 이름은 나오미요 그 두 아들의 이름은 말론과 기룐이니 유다 베들레헴 에브랏 사람들이더라 그들이 모압 지방에 들어가서 거기 유하더니
Oo ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen.
3 나오미의 남편 엘리멜렉이 죽고 나오미와 그 두 아들이 남았으며
Markaasaa waxaa dhintay Eliimeleg oo ahaa Nimco ninkeedii, oo waxaa hadhay iyadii iyo labadeedii wiil.
4 그들은 모압 여자 중에서 아내를 취하였는데 하나의 이름은 오르바요 하나의 이름은 룻이더라 거기 거한지 십 년 즈음에
Oo iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow.
5 말론과 기룐 두 사람이 다 죽고 그 여인은 두 아들과 남편의 뒤에 남았더라
Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.
6 그가 모압 지방에 있어서 여호와께서 자기 백성을 권고하사 그들에게 양식을 주셨다 함을 들었으므로 이에 두 자부와 함께 일어나 모압 지방에서 돌아오려 하여
Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.
7 있던 곳을 떠나고 두 자부도 그와 함께하여 유다 땅으로 돌아오려고 길을 행하다가
Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah.
8 나오미가 두 자부에게 이르되 너희는 각각 어미의 집으로 돌아가라 너희가 죽은 자와 나를 선대한 것 같이 여호와께서 너희를 선대하시기를 원하며
Markaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba.
9 여호와께서 너희로 각각 남편의 집에서 평안함을 얻게 하시기를 원하노라 하고 그들에게 입맞추매 그들이 소리를 높여 울며
Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen.
10 나오미에게 이르되 아니니이다 우리는 어머니와 함께 어머니의 백성에게로 돌아가겠나이다
Oo waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga.
11 나오미가 가로되 내 딸들아 돌아가라 너희가 어찌 나와 함께 가려느냐 나의 태중에 너희 남편될 아들들이 오히려 있느냐
Markaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya?
12 내 딸들아 돌이켜 너희 길로 가라 나는 늙었으니 남편을 두지 못할지라 가령 내가 소망이 있다고 말한다든지 오늘 밤에 남편을 두어서 아들들을 생산한다 하자
Iska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo,
13 너희가 어찌 그것을 인하여 그들의 자라기를 기다리겠느냐 어찌 그것을 인하여 남편두기를 멈추겠느냐 내 딸들아 그렇지 아니하니라 여호와의 손이 나를 치셨으므로 나는 너희로 인하여 더욱 마음이 아프도다
haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga.
14 그들이 소리를 높여 다시 울더니 오르바는 그 시모에게 입맞추되 룻은 그를 붙좇았더라
Markaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay.
15 나오미가 또 가로되 보라 네 동서는 그 백성과 그 신에게로 돌아가나니 너도 동서를 따라 돌아가라
Oo Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal.
16 룻이 가로되 나로 어머니를 떠나며 어머니를 따르지 말고 돌아가라 강권하지 마옵소서 어머니께서 가시는 곳에 나도 가고 어머니께서 유숙하시는 곳에서 나도 유숙하겠나이다 어머니의 백성이 나의 백성이 되고 어머니의 하나님이 나의 하나님이 되시리니
Kolkaasaa Ruud waxay ku tidhi, Ha iga baryin inaan kaa tago, oo aan kaa noqdo, oo aanan ku raacin; maxaa yeelay, meeshii aad tagtid waan tegi doonaa; meeshaad degtidna waan degi doonaa, dadkaaguna wuxuu noqon doonaa dadkayga, Ilaahaaguna wuxuu noqon doonaa Ilaahayga.
17 어머니께서 죽으시는 곳에서 나도 죽어 거기 장사될 것이라 만일 내가 죽는 일 외에 어머니와 떠나면 여호와께서 내게 벌을 내리시고 더 내리시기를 원하나이다
Meeshaad ku dhimatid ayaan ku dhiman doonaa, oo halkaasaa laygu aasi doonaa. Rabbigu sidaas ha igu sameeyo iyo ka sii badanba, haddii aniga iyo adiga, dhimasho mooyaane, wax kaleto ina kala kexeeyaan.
18 나오미가 룻의 자기와 함께 가기로 굳게 결심함을 보고 그에게 말하기를 그치니라
Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.
19 이에 그 두 사람이 행하여 베들레헴까지 이르니라 베들레헴에 이를 때에 온 성읍이 그들을 인하여 떠들며 이르기를 이가 나오미냐 하는지라
Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa?
20 나오미가 그들에게 이르되 나를 나오미라 칭하지 말고 마라라 칭하라 이는 전능자가 나를 심히 괴롭게 하셨음이니라
Oo iyana waxay iyagii ku tidhi, Ha iigu yeedhina Nimco, laakiinse waxaad iigu yeedhaan Maara; waayo, Qaadirku wuxuu iila macaamilooday si qadhaadh.
21 내가 풍족하게 나갔더니 여호와께서 나로 비어 돌아오게 하셨느니라 여호와께서 나를 징벌하셨고 전능자가 나를 괴롭게 하셨거늘 너희가 어찌 나를 나오미라 칭하느뇨 하니라
Anigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay.
22 나오미가 모압 지방에서 그 자부 모압 여인 룻과 함께 돌아왔는데 그들이 보리 추수 시작할 때에 베들레헴에 이르렀더라
Sidaasay Nimco iyo Ruud tii reer Moo'aab ee ay soddohda u ahaydba u noqdeen, oo waxay ka soo laabteen waddankii Moo'aab oo Beytlaxam yimaadeen markay goosashada shaciirku bilaabatay.

< 룻기 1 >