< 創世記 29 >

1 ヤコブはその旅を続けて東の民の地へ行った。
Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari.
2 見ると野に一つの井戸があって、そのかたわらに羊の三つの群れが伏していた。人々はその井戸から群れに水を飲ませるのであったが、井戸の口には大きな石があった。
Kolkaasuu wax fiiriyey, oo wuxuu arkay ceel berrinka ku dhex yaal, oo waxaa joogay saddex qaybood oo ido ah oo agtiisa jiifjiifa, maxaa yeelay, ceelkaasay idaha ka waraabin jireen. Dhagaxa ceelka afkiisa saarnaana aad buu u weynaa.
3 群れが皆そこに集まると、人々は井戸の口から石をころがして羊に水を飲ませ、その石をまた井戸の口の元のところに返しておくのである。
Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii.
4 ヤコブは人々に言った、「兄弟たちよ、あなたがたはどこからこられたのですか」。彼らは言った、「わたしたちはハランからです」。
Markaasaa Yacquub ku yidhi, Walaalahayow, xaggaad ka timaadeen? Iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid Haaraan.
5 ヤコブは彼らに言った、「あなたがたはナホルの子ラバンを知っていますか」。彼らは言った、「知っています」。
Markaasuu ku yidhi, Ma taqaaniin Laabaan oo ah ina Naaxoor? Markaasay ku yidhaahdeen, Waannu naqaan.
6 ヤコブはまた彼らに言った、「彼は無事ですか」。彼らは言った、「無事です。御覧なさい。彼の娘ラケルはいま羊と一緒にここへきます」。
Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa.
7 ヤコブは言った、「日はまだ高いし、家畜を集める時でもない。あなたがたは羊に水を飲ませてから、また行って飼いなさい」。
Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.
8 彼らは言った、「わたしたちはそれはできないのです。群れがみな集まった上で、井戸の口から石をころがし、それから羊に水を飲ませるのです」。
Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa.
9 ヤコブがなお彼らと語っている時に、ラケルは父の羊と一緒にきた。彼女は羊を飼っていたからである。
Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.
10 ヤコブは母の兄ラバンの娘ラケルと母の兄ラバンの羊とを見た。そしてヤコブは進み寄って井戸の口から石をころがし、母の兄ラバンの羊に水を飲ませた。
Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.
11 ヤコブはラケルに口づけし、声をあげて泣いた。
Markaasuu Yacquub Raaxeel dhunkaday, wuuna qayliyey oo ooyay.
12 ヤコブはラケルに、自分がラケルの父のおいであり、リベカの子であることを告げたので、彼女は走って行って父に話した。
Yacquubna wuxuu Raaxeel u sheegay inuu yahay aabbeheed xigaalkiis, oo uu yahay wiilkii Rebeqah; kolkaasay orodday oo u sheegtay aabbeheed.
13 ラバンは妹の子ヤコブがきたという知らせを聞くとすぐ、走って行ってヤコブを迎え、これを抱いて口づけし、家に連れてきた。そこでヤコブはすべての事をラバンに話した。
Oo Laabaan markuu maqlay warkii Yacquub oo ahaa wiilkii walaashiis ayuu ku orday inuu ka hor tago, markaasuu isku duubay, oo dhunkaday, oo uu gurigiisii keenay. Isna wuxuu Laabaan u sheegay waxyaalahan oo dhan.
14 ラバンは彼に言った、「あなたはほんとうにわたしの骨肉です」。ヤコブは一か月の間彼と共にいた。
Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah.
15 時にラバンはヤコブに言った、「あなたはわたしのおいだからといって、ただでわたしのために働くこともないでしょう。どんな報酬を望みますか、わたしに言ってください」。
Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa?
16 さてラバンにはふたりの娘があった。姉の名はレアといい、妹の名はラケルといった。
Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.
17 レアは目が弱かったが、ラケルは美しくて愛らしかった。
Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd.
18 ヤコブはラケルを愛したので、「わたしは、あなたの妹娘ラケルのために七年あなたに仕えましょう」と言った。
Yacquubna wuxuu jeclaa Raaxeel; markaasuu yidhi, Toddoba sannadood baan kuugu shaqayn gabadhaada yar oo Raaxeel ah.
19 ラバンは言った、「彼女を他人にやるよりもあなたにやる方がよい。わたしと一緒にいなさい」。
Laabaanna wuxuu yidhi, Waa wanaagsan tahay inaan adiga ku siiyo intii aan iyada nin kale siin lahaa, ee ila joog.
20 こうして、ヤコブは七年の間ラケルのために働いたが、彼女を愛したので、ただ数日のように思われた。
Yacquubna toddoba sannadood buu u shaqaynayay Raaxeel aawadeed; waxayna la ahaayeen maalmo yar, waana jacaylkii uu iyada u qabay aawadiis.
21 ヤコブはラバンに言った、「期日が満ちたから、わたしの妻を与えて、妻の所にはいらせてください」。
Yacquubna wuxuu Laabaan ku yidhi, Maalmahaygii way dhammaystirmeen; ee naagtayda i sii, si aan ugu tago iyada.
22 そこでラバンはその所の人々をみな集めて、ふるまいを設けた。
Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.
23 夕暮となったとき、娘レアをヤコブのもとに連れてきたので、ヤコブは彼女の所にはいった。
Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.
24 ラバンはまた自分のつかえめジルパを娘レアにつかえめとして与えた。
Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.
25 朝になって、見ると、それはレアであったので、ヤコブはラバンに言った、「あなたはどうしてこんな事をわたしにされたのですか。わたしはラケルのために働いたのではありませんか。どうしてあなたはわたしを欺いたのですか」。
Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?
26 ラバンは言った、「妹を姉より先にとつがせる事はわれわれの国ではしません。
Laabaanna wuxuu yidhi, Dhulkayaga sidaas laguma sameeyo in tan yar curadda la dhaafiyo.
27 まずこの娘のために一週間を過ごしなさい。そうすればあの娘もあなたにあげよう。あなたは、そのため更に七年わたしに仕えなければならない」。
Bal tan toddobaadkeeda dhammee, tan kalena waxaannu kugu siin doonnaa shuqulka aad toddoba sannadood oo kale ii shaqayn doontid.
28 ヤコブはそのとおりにして、その一週間が終ったので、ラバンは娘ラケルをも妻として彼に与えた。
Yacquubna sidii buu yeelay, toddobaadkeediina wuu dhammeeyey. Markaasuu Laabaan Yacquub siiyey gabadhiisii Raaxeel inay naag u noqoto.
29 ラバンはまた自分のつかえめビルハを娘ラケルにつかえめとして与えた。
Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.
30 ヤコブはまたラケルの所にはいった。彼はレアよりもラケルを愛して、更に七年ラバンに仕えた。
Oo Raaxeelna wuu u tegey, oo isna Raaxeel aad buu uga jeclaa Lee'ah, toddoba sannadood oo kalena wuu u shaqeeyey isaga.
31 主はレアがきらわれるのを見て、その胎を開かれたが、ラケルは、みごもらなかった。
Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.
32 レアは、みごもって子を産み、名をルベンと名づけて、言った、「主がわたしの悩みを顧みられたから、今は夫もわたしを愛するだろう」。
Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa.
33 彼女はまた、みごもって子を産み、「主はわたしが嫌われるのをお聞きになって、わたしにこの子をも賜わった」と言って、名をシメオンと名づけた。
Oo haddana way uuraysatay mar labaad, waxayna dhashay wiil, oo waxay tidhi, Rabbigu waa maqlay in lay nebcaaday, oo haddaba taas aawadeed ayuu ii siiyey wiilkanna; magiciisiina waxay u bixisay Simecoon.
34 彼女はまた、みごもって子を産み、「わたしは彼に三人の子を産んだから、こんどこそは夫もわたしに親しむだろう」と言って、名をレビと名づけた。
Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.
35 彼女はまた、みごもって子を産み、「わたしは今、主をほめたたえる」と言って名をユダと名づけた。そこで彼女の、子を産むことはやんだ。
Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.

< 創世記 29 >