< サムエル記Ⅱ 8 >

1 この後ダビデはペリシテびとを撃って、これを征服した。ダビデはまたペリシテびとの手からメテグ・アンマを取った。
Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah.
2 彼はまたモアブを撃ち、彼らを地に伏させ、なわをもって彼らを測った。すなわち二筋のなわをもって殺すべき者を測り、一筋のなわをもって生かしておく者を測った。そしてモアブびとは、ダビデのしもべとなって、みつぎを納めた。
Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.
3 ダビデはまたレホブの子であるゾバの王ハダデゼルが、ユフラテ川のほとりにその勢力を回復しようとして行くところを撃った。
Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa.
4 そしてダビデは彼から騎兵千七百人、歩兵二万人を取った。ダビデはまた一百の戦車の馬を残して、そのほかの戦車の馬はみなその足の筋を切った。
Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun iyo toddoba boqol oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah; oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse iyagii boqol gaadhifaras buu uga reebay.
5 ダマスコのスリヤびとが、ゾバの王ハダデゼルを助けるためにきたので、ダビデはスリヤびと二万二千人を殺した。
Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser, Daa'uud wuxuu reer Suuriya ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin.
6 そしてダビデはダマスコのスリヤに守備隊を置いた。スリヤびとは、ダビデのしもべとなって、みつぎを納めた。主はダビデにすべてその行く所で勝利を与えられた。
Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
7 ダビデはハダデゼルのしもべらが持っていた金の盾を奪って、エルサレムに持ってきた。
Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.
8 ダビデ王はまたハダデゼルの町、ベタとベロタイから、ひじょうに多くの青銅を取った。
Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan.
9 時にハマテの王トイは、ダビデがハダデゼルのすべての軍勢を撃ち破ったことを聞き、
Oo Tocii oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay ciidankii Hadadceser oo dhan,
10 その子ヨラムをダビデ王のもとにつかわして、彼にあいさつし、かつ祝を述べさせた。ハダデゼルはかつてしばしばトイと戦いを交えたが、ダビデがハダデゼルと戦ってこれを撃ち破ったからである。ヨラムが銀の器と金の器と青銅の器を携えてきたので、
ayaa Tocii wiilkiisii Yooraam u soo diray inuu soo salaamo Boqor Daa'uud oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadadceser; waayo, Hadadceser wuxuu la diriri jiray Tocii. Oo Yooraamna wuxuu keenay weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah iyo weelal naxaas ah,
11 ダビデ王は征服したすべての国民から取ってささげた金銀と共にこれらをも主にささげた。
oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan;
12 すなわちエドム、モアブ、アンモンの人々、ペリシテびと、アマレクから獲た物、およびゾバの王レホブの子ハダデゼルから獲たぶんどり物と共にこれをささげた。
kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay.
13 こうしてダビデは名声を得た。彼は帰ってきてから塩の谷でエドムびと一万八千人を撃ち殺した。
Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin.
14 そしてエドムに守備隊を置いた。すなわちエドムの全地に守備隊を置き、エドムびとは皆ダビデのしもべとなった。主はダビデにすべてその行く所で勝利を与えられた。
Oo wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed; oo Edom oo dhanna wuxuu dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
15 こうしてダビデはイスラエルの全地を治め、そのすべての民に正義と公平を行った。
Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
16 ゼルヤの子ヨアブは軍の長、アヒルデの子ヨシャパテは史官、
Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
17 アヒトブの子ザドクとアビヤタルの子アヒメレクは祭司、セラヤは書記官、
oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;
18 エホヤダの子ベナヤはケレテびととペレテびとの長、ダビデの子たちは祭司であった。
Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.

< サムエル記Ⅱ 8 >