< 列王記Ⅱ 18 >

1 イスラエルの王エラの子ホセアの第三年にユダの王アハズの子ヒゼキヤが王となった。
Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.
2 彼は王となった時二十五歳で、エルサレムで二十九年の間、世を治めた。その母はゼカリヤの娘で、名をアビといった。
Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.
3 ヒゼキヤはすべて先祖ダビデがおこなったように主の目にかなう事を行い、
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
4 高き所を除き、石柱をこわし、アシラ像を切り倒し、モーセの造った青銅のへびを打ち砕いた。イスラエルの人々はこの時までそのへびに向かって香をたいていたからである。人々はこれをネホシタンと呼んだ。
Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.
5 ヒゼキヤはイスラエルの神、主に信頼した。そのために彼のあとにも彼の先にも、ユダのすべての王のうちに彼に及ぶ者はなかった。
Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.
6 すなわち彼は固く主に従って離れることなく、主がモーセに命じられた命令を守った。
Waayo, Rabbiguu xajistay, oo lasocodkiisiina kama uu tegin, laakiinse wuxuu dhawray amarradiisii uu Rabbigu Muuse ku amray.
7 主が彼と共におられたので、すべて彼が出て戦うところで功をあらわした。彼はアッスリヤの王にそむいて、彼に仕えなかった。
Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.
8 彼はペリシテびとを撃ち敗って、ガザとその領域にまで達し、見張台から堅固な町にまで及んだ。
Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
9 ヒゼキヤ王の第四年すなわちイスラエルの王エラの子ホセアの第七年に、アッスリヤの王シャルマネセルはサマリヤに攻め上って、これを囲んだが、
Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.
10 三年の後ついにこれを取った。サマリヤが取られたのはヒゼキヤの第六年で、それはイスラエルの王ホセアの第九年であった。
Oo saddex sannadood dabadeedna way qabsadeen, taasuna waxay ahayd Xisqiyaah sannaddiisii lixaad, oo ahayd Hoosheeca oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa sannaddiisii sagaalaad markii Samaariya la qabsaday.
11 アッスリヤの王はイスラエルの人々をアッスリヤに捕えていって、ハラと、ゴザンの川ハボルのほとりと、メデアの町々に置いた。
Markaasaa boqorkii Ashuur kaxaystay dadkii Israa'iil oo wuxuu dejiyey Xalax iyo Xaaboor oo webiga Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday,
12 これは彼らがその神、主の言葉にしたがわず、その契約を破り、主のしもべモーセの命じたすべての事に耳を傾けず、また行わなかったからである。
maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
13 ヒゼキヤ王の第十四年にアッスリヤの王セナケリブが攻め上ってユダのすべての堅固な町々を取ったので、
Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
14 ユダの王ヒゼキヤは人をラキシにつかわしてアッスリヤの王に言った、「わたしは罪を犯しました。どうぞ引き上げてください。わたしに課せられることはなんでもいたします」。アッスリヤの王は銀三百タラントと金三十タラントをユダの王ヒゼキヤに課した。
Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.
15 ヒゼキヤは主の宮と王の家の倉とにある銀をことごとく彼に与えた。
Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.
16 この時ユダの王ヒゼキヤはまた主の神殿の戸および柱から自分が着せた金をはぎ取って、アッスリヤの王に与えた。
Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.
17 アッスリヤの王はまたタルタン、ラブサリスおよびラブシャケを、ラキシから大軍を率いてエルサレムにいるヒゼキヤ王のもとにつかわした。彼らは上ってエルサレムに来た。彼らはエルサレムに着くと、布さらし場に行く大路に沿っている上の池の水道のかたわらへ行って、そこに立った。
Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
18 そして彼らが王を呼んだので、ヒルキヤの子である宮内卿エリアキム、書記官セブナ、およびアサフの子である史官ヨアが彼らのところに出てきた。
Oo markay boqorkii u yeedheen waxaa iyagii u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo u sarreeyey reerkii boqorka, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
19 ラブシャケは彼らに言った、「ヒゼキヤに言いなさい、『大王、アッスリヤの王はこう仰せられる。あなたが頼みとする者は何か。
Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
20 口先だけの言葉が戦争をする計略と力だと考えるのか。あなたは今だれにたよって、わたしにそむいたのか。
Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
21 今あなたは、あの折れかけている葦のつえ、エジプトを頼みとしているが、それは人がよりかかる時、その人の手を刺し通すであろう。エジプトの王パロはすべて寄り頼む者にそのようにする。
Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
22 しかしあなたがもし「われわれは、われわれの神、主を頼む」とわたしに言うのであれば、その神はヒゼキヤがユダとエルサレムに告げて、「あなたがたはエルサレムで、この祭壇の前に礼拝しなければならない」と言って、その高き所と祭壇とを除いた者ではないか。
Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
23 さあ、わたしの主君アッスリヤの王とかけをせよ。もしあなたの方に乗る人があるならば、わたしは馬二千頭を与えよう。
Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
24 あなたはエジプトを頼み、戦車と騎兵を請い求めているが、わたしの主君の家来のうちの最も小さい一隊長でさえ、どうして撃退することができようか。
Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
25 わたしがこの所を滅ぼすために上ってきたのは、主の許しなしにしたことであろうか。主がわたしにこの地に攻め上ってこれを滅ぼせと言われたのだ』」。
Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
26 その時ヒルキヤの子エリアキムおよびセブナとヨアはラブシャケに言った、「どうぞ、アラム語でしもべどもに話してください。わたしたちは、それがわかるからです。城壁の上にいる民の聞いているところで、わたしたちにユダヤの言葉で話さないでください」。
Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
27 しかしラブシャケは彼らに言った、「わたしの主君は、あなたの主君とあなたにだけでなく、城壁の上に座している人々にも、この言葉を告げるためにわたしをつかわしたのではないか。彼らも、あなたがたと共に自分の糞尿を食い飲みするに至るであろう」。
Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
28 そしてラブシャケは立ちあがり、ユダヤの言葉で大声に呼ばわって言った。「大王、アッスリヤの王の言葉を聞け。
Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
29 王はこう仰せられる、『あなたがたはヒゼキヤに欺かれてはならない。彼はあなたがたをわたしの手から救いだすことはできない。
Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.
30 ヒゼキヤが「主は必ずわれわれを救い出される。この町はアッスリヤ王の手に陥ることはない」と言っても、あなたがたは主を頼みとしてはならない』。
Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
31 あなたがたはヒゼキヤの言葉を聞いてはならない。アッスリヤの王はこう仰せられる、『あなたがたはわたしと和解して、わたしに降服せよ。そうすればあなたがたはおのおの自分のぶどうの実を食べ、おのおの自分のいちじくの実を食べ、おのおの自分の井戸の水を飲むことができるであろう。
Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
32 やがてわたしが来て、あなたがたを一つの国へ連れて行く。それはあなたがたの国のように穀物とぶどう酒のある地、パンとぶどう畑のある地、オリブの木と蜜のある地である。あなたがたは生きながらえることができ、死ぬことはない。ヒゼキヤが「主はわれわれを救われる」と言って、あなたがたを惑わしても彼に聞いてはならない。
intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa.
33 諸国民の神々のうち、どの神がその国をアッスリヤの王の手から救ったか。
Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
34 ハマテやアルパデの神々はどこにいるのか。セパルワイム、ヘナおよびイワの神々はどこにいるのか。彼らはサマリヤをわたしの手から救い出したか。
Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim iyo Xeenac iyo Ciwaah? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
35 国々のすべての神々のうち、その国をわたしの手から救い出した者があったか。主がどうしてエルサレムをわたしの手から救い出すことができよう』」。
Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
36 しかし民は黙して、ひと言も彼に答えなかった。王が命じて「彼に答えてはならない」と言っておいたからである。
Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.
37 こうしてヒルキヤの子である宮内卿エリアキム、書記官セブナ、およびアサフの子である史官ヨアは衣を裂き、ヒゼキヤのもとに来て、ラブシャケの言葉を彼に告げた。
Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

< 列王記Ⅱ 18 >