< 2 Re 7 >

1 Allora Eliseo disse: Ascoltate la parola del Signore: Così ha detto il Signore: Domani a quest'ora lo staio del fior di farina [si avrà] per un siclo, e le due staia dell'orzo [altresì] per un siclo, alla porta di Samaria.
Markaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel.
2 Ma il capitano, sopra la cui mano il re si appoggiava, rispose all'uomo di Dio, e disse: Ecco, [avvegnachè] il Signore facesse delle cateratte nel cielo, questo però potrebbe egli avvenire? Ed [Eliseo gli] disse: Ecco, tu [il] vedrai con gli occhi, ma non ne mangerai.
Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
3 Or all'entrata della porta vi erano quattro uomini lebbrosi; ed essi dissero l'uno all'altro: Perchè ce ne stiamo qui finchè siamo morti?
Haddaba iridda magaalada laga soo galo waxaa joogay afar nin oo baras qabay; oo iyana midba kii kaluu ku yidhi, War maxaynu halkan u fadhinnaa ilaa aynu ka dhimanno?
4 Se diciamo di entrare nella città, la fame [vi è], e noi vi morremo; se stiamo qui, morremo altresì; ora dunque venite, e andiamoci ad arrendere al campo de' Siri; se ci lasciano in vita, viveremo; e se pur ci fanno morire, morremo.
Haddaynu nidhaahno, Aan magaalada galno, de markaasna magaaladii waa abaar, oo kolleyba halkaasaynu ku dhimanaynaa. Oo haddaynu halkan iska fadhinnona waynu dhimanaynaa. Haddaba ina keena oo aynu ciidanka Suuriya u baxno; oo hadday na bixiyaan, waynu noolaan, hadday na dilaanna kolleyba waynu dhiman lahayn.
5 Così si levarono al vespro, per entrare nel campo de' Siri; e venuti fino allo stremo del campo, ecco, non [vi era] alcuno.
Oo markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.
6 Perciocchè il Signore avea fatto risonar nel campo de' Siri un romore di carri, e di cavalli, e di un grande esercito; laonde aveano detto l'uno all'altro: Ecco, il re d'Israele ha soldati contro a noi i re degli Hittei, e i re degli Egizj, per venire incontro a noi.
Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.
7 E si erano levati, ed erano fuggiti in sul vespro, e aveano lasciati i lor padiglioni, e i lor cavalli, e i loro asini, [e] il campo, nello stato ch'egli [era]; ed erano fuggiti [chi qua chi là], secondo il volere di ciascuno.
Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.
8 Que' lebbrosi adunque, venuti fino allo stremo del campo, entrarono in una tenda, e mangiarono, e bevvero, e tolsero di là argento, ed oro, e vestimenti, e andarono, e nascosero [quelle cose]; poi tornarono, ed entrarono in un'altra tenda, e tolsero ancora di là [di quelle stesse cose], e andarono, e [le] nascosero.
Oo kuwii baraska qabayna markay yimaadeen xeradii dibaddeeda sare ayay teendho galeen, oo wax bay cuneen, waxna way cabbeen, markaasay halkaas ka qaateen lacag, iyo dahab, iyo dhar, oo intay tageen ayay soo qarsadeen; oo haddana way soo noqdeen oo waxay galeen teendho kale, oo halkaasna wax kalay ka qaateen, oo intay tageen ayay soo qarsadeen.
9 Ma poi dissero l'uno all'altro: Noi non facciamo bene; questo giorno è un giorno di buone novelle, e noi tacciamo! Se aspettiamo fino allo schiarir del dì, noi riceveremo la pena del [nostro] fallo; ora dunque venite, e andiamo a rapportar la cosa alla casa del re.
Markaasay isku yidhaahdeen, War wax wanaagsan ma samaynayno, waayo, maanta waa maalin war wanaagsan, oo annana waynu iska aamusan nahay. Haddaynu sugno ilaa waagu ka beryo hubaal belaayo baa inagu dhici doonta; haddaba ina keena oo aynu xaalkan reerkii boqorka u soo sheegno.
10 Così vennero, e gridarono alle guardie della porta della città, e fecero loro assapere [la cosa], dicendo: Noi siamo entrati nel campo dei Siri, ed ecco, non [vi è] alcuno, nè voce alcuna d'uomo; ma sol [vi sono] i cavalli, e gli asini legati, e i padiglioni, come erano [prima].
Sidaas daraaddeed way yimaadeen, oo waxay u dhawaaqeen magaalada iridjoogayaasheedii; oo way u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu galnay xeradii ciidanka Suuriya, oo halkaas ninna ma joogin, codna laguma maqal, laakiinse waxaa joogay fardihii xidhxidhnaa, iyo dameerihii xidhxidhnaa, iyo teendhooyinkii oo sidoodii iska ahaa.
11 Allora le guardie della porta gridarono, e fecero assapere [la cosa] nella casa del re.
Oo isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.
12 E il re si levò di notte, e disse a' suoi servitori: Ora io vi dichiarerò quello che i Siri ci hanno fatto; hanno saputo che noi [siamo] affamati, e per ciò sono usciti del campo, per nascondersi per la campagna, dicendo: Quando saranno usciti della città, noi li prenderemo vivi, ed entreremo nella città.
Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.
13 Ma uno de' servitori del re rispose, e disse: Deh! prendansi cinque di que' cavalli che son rimasti nella città (ecco, sono come tutta la moltitudine d'Israele ch'è rimasta in esso; come tutta la moltitudine d'Israele ch'è perita); e mandiamo a vedere [che cosa è].
Oo mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene.
14 Presero adunque due coppie di cavalli; e il re mandò [degli uomini] sopra quelli, dietro al campo de' Siri, dicendo: Andate, e vedete.
Oo sidaas daraaddeed waxay wadeen laba gaadhifaras iyo fardahoodii; oo boqorkii baa wuxuu ka daba diray ciidankii Suuriya, oo wuxuu ku yidhi, Ordoo soo arka.
15 E coloro andarono dietro a' Siri, fino al Giordano; ed ecco, tutta la via [era] piena di vestimenti e d'arnesi, che i Siri aveano gittati via, affrettandosi [di fuggire]. E que' messi ritornarono, e rapportarono il fatto al re.
Oo iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.
16 Allora il popolo uscì, e predò il campo de' Siri; e lo staio del fior di farina si ebbe per un siclo, e le due staia dell'orzo [altresì] per un siclo, secondo la parola del Signore.
Markaasaa dadkii baxay oo waxay dhaceen xeradii reer Suuriya. Haddaba koombo bur ah waxaa lagu iibiyey sheqel, laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagu iibiyey sheqel, oo waxay noqotay sidii erayga Rabbigu ahaa.
17 E il re costituì alla guardia della porta il capitano, sopra la cui mano egli si appoggiava; e il popolo lo calpestò nella porta, onde egli morì, secondo che l'uomo di Dio avea detto, quando parlò al re, allora ch'egli scese a lui.
Markaasaa boqorkii sirkaalkii uu gacantiisa ku tiirsanaa ku amray inuu iridda u taliyo; laakiinse dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga, oo wuu dhintay sidii ninkii Ilaah sheegay kolkii boqorku isaga u soo dhaadhacay.
18 Perciocchè, quando l'uomo di Dio parlò al re, dicendo: Domani, a quest'ora, lo staio del fior di farina si avrà alla porta di Samaria per un siclo, e le due staia dell'orzo [altresì] per un siclo,
Oo waxay noqotay sidii ninkii Ilaah boqorkii ula hadlay isagoo leh, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda laba koombo oo shaciir ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, koombo bur ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel;
19 quel capitano avea risposto all'uomo di Dio, ed avea detto: Ecco, avvegnachè il Signore facesse delle cateratte nel cielo, questo potrebbe egli però avvenire? Ed egli [gli] avea detto: Ecco, tu [il] vedrai con gli occhi tuoi, ma tu non ne mangerai.
oo sirkaalkii baa wuxuu ugu jawaabay ninkii Ilaah, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
20 E così gli avvenne; perciocchè il popolo lo calpestò nella porta, ed egli morì.
Haddaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.

< 2 Re 7 >