< 1 Krónika 2 >

1 Ezek az Izráel fiai: Rúben, Simeon, Lévi, Júda, Issakhár és Zebulon;
Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun,
2 Dán, József, Benjámin, Nafthali, Gád és Áser.
iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.
3 Júdának fiai: Hér, Ónán és Séla; e három születék néki a Kanaánita Súahnak leányától. De Hér, Júdának elsőszülött fia gonosz vala az Úr szemei előtt, és megölé őt az Úr.
Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay.
4 Thámár pedig, az ő menye szülé néki Péreczet és Zerákhot. Júdának fiai mindnyájan öten valának.
Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.
5 Pérecz fiai: Kheczrón és Khámul.
Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.
6 Zerákh fiai pedig: Zimri és Ethán, Hémán, Kálkól és Dára; mindenestől öten.
Wiilashii Seraxna waxay ahaayeen Simrii, iyo Eetaan, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Daarac, oo dhammaantoodna waxay ahaayeen shan.
7 Kármi fiai: Ákán, Izráelnek megrontója, mivel lopott a zsákmányból.
Ina Karmiina wuxuu ahaa Caakaar oo ahaa kii reer binu Israa'iil dhibay, oo ku xadgudbay alaabtii la xaaraameeyey.
8 Ethán fia: Azária.
Ina Eetaanna wuxuu ahaa Casaryaah.
9 Kheczrón fiai, kik születtenek néki: Jérakhméel, Rám és Kélubai.
Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.
10 Rám nemzé Amminádábot, Amminádáb pedig nemzé Nakhsont, a Júda fiainak fejedelmét.
Oo Raam wuxuu dhalay Cammiinaadaab, Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, oo reer Yahuudah amiir u ahaan jiray.
11 Nakhson nemzé Szálmát, Szálma pedig nemzé Boázt;
Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas,
12 Boáz nemzé Obedet; Obed nemzé Isait;
Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
13 Isai pedig nemzé Eliábot, az ő elsőszülöttét, és Abinádábot, másodikat, Simeát, harmadikat.
Yesayna wuxuu dhalay curadkiisii oo ahaa Elii'aab, iyo Abiinaadaab oo ahaa wiilkiisii labaad, iyo Shimcaa oo ahaa wiilkiisii saddexaad,
14 Netanéelt, negyediket, és Raddait, ötödiket.
iyo Netaneel oo ahaa kii afraad, iyo Radday oo ahaa kii shanaad,
15 Osemet, hatodikat és Dávidot, a hetedik fiát;
iyo Osem oo ahaa kii lixaad, iyo Daa'uud oo ahaa kii toddobaad,
16 És nővéreiket, Séruját és Abigáilt. Sérujának pedig fiai voltak: Absai, Joáb és Asáel, e három.
oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen saddex, Abishay iyo Yoo'aab iyo Casaaheel.
17 Abigáil szülé Amasát; Amasának atyja pedig az Ismáel nemzetségéből való Jéter vala.
Abiigayilna waxay dhashay Camaasaa, oo Camaasaa aabbihiisna wuxuu ahaa Yeter oo reer Ismaaciil ahaa.
18 Káleb pedig, a Kheczrón fia nemzett vala az ő Azuba nevű feleségétől és Jérióttól; és ezek az ő fiai: Jéser, Sobáb és Ardon.
Kaaleeb ina Xesroonna wuxuu carruur ka dhalay naagtiisii Casuubaah, iyo Yeriicood, oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilasheedii, waana Yeesher, iyo Shoobaab, iyo Ardoon.
19 Azuba meghala, és Káleb vevé magának feleségül Efratát, és ez szülé néki Húrt.
Oo Casuubaahna way dhimatay, oo Kaaleeb wuxuu guursaday Efraad, oo iyana isagay u dhashay Xuur.
20 Húr nemzé Urit, Uri pedig nemzé Bésaléelt.
Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel.
21 Azután beméne Kheczrón Mákirnak, Gileád atyjának leányához; mert ő ezt elvette vala hatvan esztendős korában, és szülé néki Ségubot.
Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.
22 Ségub pedig nemzé Jáirt, kinek huszonhárom városa vala a Gileád földén.
Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo.
23 De Gesur és Árám elvették tőlük Jáir falvait, Kenáthot és mezővárosait, hatvan várost. Mindezek Mákirnak, a Gileád atyjának fiaié.
Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.
24 Minekutána pedig meghala Kheczrón Káleb-Efratában, akkor szülé néki Abija, a Kheczrón felesége, Ashúrt, Tékoa atyját.
Oo Xesroon markuu Kaaleeb Efraataah ku dhintay dabadeed ayaa Abiiyaah oo ahayd Xesroon naagtiisii waxay isagii u dhashay Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiis.
25 Jérakhméelnek, a Kheczrón elsőszülöttének fiai voltak: Rám, az elsőszülött, Búna, Orem, Osem és Akhija.
Oo Yeraxme'eel oo ahaa curadkii Xesroon wiilashiisiina waxay ahaayeen Raam oo curadkiisii ahaa, iyo Buunaah, iyo Oren, iyo Osem, iyo Axiiyaah.
26 Volt más felesége is Jérakhméelnek, Atára nevű; ez az Onám anyja.
Oo Yeraxme'eelna wuxuu qabay naag kale, oo magaceeda la odhan jiray Cataaraah, oo iyana waxay ahayd Oonaam hooyadiis.
27 Rámnak, Jérakhméel elsőszülöttének pedig fiai voltak: Maás, Jámin és Héker.
Oo Raam oo ahaa curadkii Yeraxme'eel wiilashiisii waxay ahaayeen Macas, iyo Yaamiin, iyo Ceeqer.
28 Onám fiai voltak: Sammai és Jáda; és Sammai fiai: Nádáb és Abisúr.
Wiilashii Oonaamna waxay ahaayeen Shammay, iyo Yaadaac, wiilashii Shammayna waxay ahaayeen Naadaab iyo Abiishuur.
29 Abisúr feleségének neve Abihail, a ki szülé néki Akhbánt és Mólidot.
Oo naagtii Abiishuur magaceedana waxaa la odhan jiray Abiixayil, iyana waxay isagii u dhashay Axbaan iyo Mooliid.
30 Nádáb fiai: Széled és Appaim: Széled magtalanul halt meg.
Wiilashii Naadaabna waxay ahaayeen Seled, iyo Afayim, laakiinse Seled wiilalla'aan buu ku dhintay.
31 Appaim fia: Isi; Isi fia: Sésán; Sésán fia: Ahálai.
Ina Afayimna wuxuu ahaa Yishcii. Ina Yishciina wuxuu ahaa Sheeshaan. Ina Sheeshaanna wuxuu ahaa Axlay.
32 Jáda fiai, a ki Sammai testvére volt: Jéter és Jonathán; Jéter magtalanul halt meg.
Shammay walaalkiisii oo Yaadaac ahaa wiilashiisiina waxay ahaayeen Yeter, iyo Yoonaataan, Yeterna wiilalla'aan buu ku dhintay.
33 Jonathán fiai: Pélet és Záza. Ezek voltak a Jérakhméel fiai.
Wiilashii Yoonaataanna waxay ahaayeen Feled, iyo Saasaa. Kuwaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Yeraxme'eel.
34 Sésánnak nem voltak fiai, hanem csak leányai; de volt Sésánnak egy Égyiptombeli szolgája, Járha nevű.
Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac.
35 És adá Sésán e Járha nevű szolgájának az ő leányát feleségül, a ki szülé néki Athait.
Markaasaa Sheeshaan gabadhiisii u guuriyey addoonkiisii Yarxaac la odhan jiray, oo iyana waxay isagii u dhashay Catay.
36 Athai pedig nemzé Nátánt; Nátán nemzé Zabádot;
Catayna wuxuu dhalay Naataan, Naataanna wuxuu dhalay Saabaad,
37 Zabád nemzé Eflált; Eflál nemzé Obedet;
Saabaadna wuxuu dhalay Eflaal, Eflaalna wuxuu dhalay Coobeed,
38 Obed nemzé Jéhut; Jéhu nemzé Azáriát.
Coobeedna wuxuu dhalay Yeehuu, Yeehuuna wuxuu dhalay Casaryaah,
39 Azária nemzé Hélest; Héles nemzé Elását;
Casaryaahna wuxuu dhalay Xeles, Xelesna wuxuu dhalay Elecaasaah,
40 Elása nemzé Sisémait; Sisémai nemzé Sallumot;
Elecaasaahna wuxuu dhalay Sismay, Sismayna wuxuu dhalay Shalluum,
41 Sallum nemzé Jékámiát; Jékámia pedig nemzé Elisámát.
Shalluumna wuxuu dhalay Yeqamyaah, Yeqamyaahna wuxuu dhalay Eliishaamaac.
42 A Káleb fiai pedig, a ki Jérakhméel testvére vala: elsőszülötte Mésa; ez volt Zifnek és Marésa fiainak atyjok, Hebronnak atyja.
Yeraxme'eel walaalkiis Kaaleeb wiilashiisiina waxay ahaayeen curadkiisii Meeshaac, oo Siif aabbihiis ahaa, iyo wiilashii Maareeshaah oo ahaa Xebroon aabbihiis.
43 Hebron fiai: Kórah, Tappuah, Rékem és Séma.
Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Qorax, iyo Tafuu'ax, iyo Reqem, iyo Shemac.
44 Séma pedig nemzé Rahámot, a Jorkeám atyját; és Rékem nemzé Sammait,
Shemacna wuxuu dhalay Raxam, oo ahaa Yorqecaam aabbihiis, Reqemna wuxuu dhalay Shammay.
45 A Sammai fia pedig: Máon; ez a Máon volt a Bethsúr atyja.
Shammay wiilkiisiina wuxuu ahaa Maacoon, Maacoonna wuxuu ahaa Beytsuur aabbihiis.
46 Efa pedig, a Káleb ágyastársa, szülé Háránt és Mósát és Gázezt; és Hárán nemzé Gázezt.
Ceefah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Xaaraan, iyo Moosaa, iyo Gaasees, oo Xaaraanna wuxuu dhalay Gaasees.
47 Jaddai fiai pedig: Régem, Jotám, Gésán, Pelet, Héfa és Saáf.
Wiilashii Yaahdayna waxay ahaayeen Regem, iyo Yootam, iyo Geeshaan, iyo Feled, iyo Ceefah, iyo Shacaf.
48 A Káleb ágyasa Maaka szülé Sébert és Tirhánát.
Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah.
49 És szülé Saáfot, Madmanna atyját, Sevát, a Makbéna atyját és Gibea atyját; és Aksza a Káleb leánya vala.
Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.
50 Ezek voltak Káleb fiai, a ki Húrnak, az Efrata elsőszülöttének fia volt: Sobál, Kirját-Jeárim atyja.
Oo kuwanu waxay wada ahaayeen ilmaha Kaaleeb, kaasoo ahaa ina Xuur, oo ahaa curadkii Efraataah, iyo Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiis,
51 Szálma, Bethlehem atyja; Háref, Bethgáder atyja.
iyo Salmaa oo ahaa Beytlaxam aabbihiis, iyo Xaareef oo ahaa Beytgaadeer aabbihiis.
52 Voltak pedig Sobálnak is, a Kirját-Jeárim atyjának fiai: Haroé, a fél Menuhót ura.
Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiisna wuxuu lahaa wiilal, Haaro'eh iyo reer Menuxood badhkiis.
53 A Kirját-Jeárim háznépei: Jitreusok, Puteusok, Sumateusok, Misraiteusok; ezektől származának a Sorateusok és az Estaoliteusok.
Oo reer Qiryad Yecaariim qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Yeter, iyo reer Fuutii, iyo reer Shumaatii, iyo reer Mishraacii, oo kuwaas waxaa ka soo farcamay reer Sorcaah, iyo reer Eshtaa'ool.
54 Szálma fiai, Bethlehem és a Netofátbeliek, Atróth, Beth-Joáb, a Czórabeli Manahateusok fele.
Wiilashii Salmaana waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo reer Netofaah, iyo Cataarood Beytyoo'aab, iyo reer Maanahad badhkiis, iyo reer Sorcii.
55 És a Jábesben lakozó tudós emberek háznépei: a Tirateusok, Simateusok, Sukateusok. Ezek a Kineusok, a kik Hámáttól, a Rékáb házának atyjától származtak.
Oo karraaniyadii Yacbees degganaa qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Tircaatii, iyo reer Shimcaatiim, iyo reer Suukaatiim. Intaasu waa reer Qeynkii ka soo farcamay Xammad oo ahaa reer Reekaab aabbahood.

< 1 Krónika 2 >