< זכריה 3 >

ויראני את יהושע הכהן הגדול עמד לפני מלאך יהוה והשטן עמד על ימינו לשטנו 1
Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.
ויאמר יהוה אל השטן יגער יהוה בך השטן ויגער יהוה בך הבחר בירושלם הלוא זה אוד מצל מאש 2
Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay?
ויהושע היה לבש בגדים צואים ועמד לפני המלאך 3
Haddaba Yashuuca dhar wasakhaysan buu qabay, oo wuxuu istaagay malagga hortiisii.
ויען ויאמר אל העמדים לפניו לאמר הסירו הבגדים הצאים מעליו ויאמר אליו ראה העברתי מעליך עונך והלבש אתך מחלצות 4
Isagu wuu jawaabay oo la hadlay kuwii isaga hor taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Dharka wasakhaysan isaga ka fura. Kolkaasuu isagiina ku yidhi, Bal eeg, xumaantaadii waan kaa qaaday oo waxaan kuu xidhi doonaa dhar aad u wanaagsan.
ואמר ישימו צניף טהור על ראשו וישימו הצניף הטהור על ראשו וילבשהו בגדים ומלאך יהוה עמד 5
Oo anna markaasaan idhi, Duub daahirsan madaxa ha loo saaro. Markaasaa duub daahirsan madaxa loo saaray, oo dhar baa loo xidhay, oo malaggii Rabbiga ayaa ag istaagay.
ויעד מלאך יהוה ביהושע לאמר 6
Markaasaa malaggii Rabbigu u caddeeyey Yashuuca, oo wuxuu ku yidhi,
כה אמר יהוה צבאות אם בדרכי תלך ואם את משמרתי תשמר וגם אתה תדין את ביתי וגם תשמר את חצרי--ונתתי לך מהלכים בין העמדים האלה 7
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaad jidadkayga ku socotid, oo aad amarkayga xajisid, markaas waxaad xukumi doontaa gurigayga, oo weliba waxaad dhawri doontaa barxadahayga, oo anna kuwa halkan taagan dhexdooda ayaan kaa siin doonaa meel aad soo gashid.
שמע נא יהושע הכהן הגדול אתה ורעיך הישבים לפניך--כי אנשי מופת המה כי הנני מביא את עבדי צמח 8
Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.
כי הנה האבן אשר נתתי לפני יהושע--על אבן אחת שבעה עינים הנני מפתח פתחה נאם יהוה צבאות ומשתי את עון הארץ ההיא ביום אחד 9
Waayo, bal eeg dhagaxa aan Yashuuca hortiisa dhigay, isku dhagax ayaa waxaa ku yaal toddoba indhood. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan xardhi doonaa xaradhkiisa, oo dalkaas xumaantiisana maalin qudha baan ku qaadi doonaa.
ביום ההוא נאם יהוה צבאות תקראו איש לרעהו--אל תחת גפן ואל תחת תאנה 10
Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

< זכריה 3 >