< אסתר 5 >

ויהי ביום השלישי ותלבש אסתר מלכות ותעמד בחצר בית המלך הפנימית נכח בית המלך והמלך יושב על כסא מלכותו בבית המלכות נכח פתח הבית 1
Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.
ויהי כראות המלך את אסתר המלכה עמדת בחצר--נשאה חן בעיניו ויושט המלך לאסתר את שרביט הזהב אשר בידו ותקרב אסתר ותגע בראש השרביט 2
Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii.
ויאמר לה המלך מה לך אסתר המלכה ומה בקשתך עד חצי המלכות וינתן לך 3
Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.
ותאמר אסתר אם על המלך טוב--יבוא המלך והמן היום אל המשתה אשר עשיתי לו 4
Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey.
ויאמר המלך--מהרו את המן לעשות את דבר אסתר ויבא המלך והמן אל המשתה אשר עשתה אסתר 5
Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay.
ויאמר המלך לאסתר במשתה היין מה שאלתך וינתן לך ומה בקשתך עד חצי המלכות ותעש 6
Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.
ותען אסתר ותאמר שאלתי ובקשתי 7
Markaasaa Esteer jawaabtay oo tidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay,
אם מצאתי חן בעיני המלך ואם על המלך טוב לתת את שאלתי ולעשות את בקשתי--יבוא המלך והמן אל המשתה אשר אעשה להם ומחר אעשה כדבר המלך 8
Boqorow, haddaad raalli iga tahay, oo aad ku faraxdid inaad ii samaysid waxaan kaa baryay, oo aad yeeshid waxaan ku weyddiistay, haddaba adiga iyo Haamaan kaalaya martiqaadka aan idiin diyaarin doono, oo aniguna berri baan yeelayaa sidaad tidhi, boqorow.
ויצא המן ביום ההוא שמח וטוב לב וכראות המן את מרדכי בשער המלך ולא קם ולא זע ממנו--וימלא המן על מרדכי חמה 9
Markaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laakiinse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuu Mordekay aad iyo aad ugu cadhooday.
ויתאפק המן ויבוא אל ביתו וישלח ויבא את אהביו ואת זרש אשתו 10
Habase ahaatee Haamaan wuu isceliyey oo gurigiisuu tegey. Markaasuu u cid dirsaday oo u yeedhay saaxiibbadiis iyo naagtiisii Seresh.
ויספר להם המן את כבוד עשרו ורב בניו ואת כל אשר גדלו המלך ואת אשר נשאו על השרים ועבדי המלך 11
Markaasaa Haamaan wuxuu iyagii uga sheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carruurtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyey oo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey boqorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan.
ויאמר המן--אף לא הביאה אסתר המלכה עם המלך אל המשתה אשר עשתה כי אם אותי וגם למחר אני קרוא לה עם המלך 12
Oo Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.
וכל זה איננו שוה לי בכל עת אשר אני ראה את מרדכי היהודי--יושב בשער המלך 13
Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya.
ותאמר לו זרש אשתו וכל אהביו יעשו עץ גבה חמשים אמה ובבקר אמר למלך ויתלו את מרדכי עליו ובא עם המלך אל המשתה שמח וייטב הדבר לפני המן ויעש העץ 14
Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.

< אסתר 5 >