< דברי הימים א 6 >

בני לוי גרשון קהת ומררי 1
Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
ובני קהת--עמרם יצהר וחברון ועזיאל 2
Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.
ובני עמרם אהרן ומשה ומרים ובני אהרן--נדב ואביהוא אלעזר ואיתמר 3
Ilmaha Camraamna waxay ahaayeen Haaruun, iyo Muuse, iyo Maryan. Wiilashii Haaruunna waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
אלעזר הוליד את פינחס פינחס הליד את אבישוע 4
Elecaasaar wuxuu dhalay Fiinexaas, Fiinexaasna wuxuu dhalay Abiishuuca,
ואבישוע הוליד את בקי ובקי הוליד את עזי 5
Abiishuucana wuxuu dhalay Buqii, Buqiina wuxuu dhalay Cusii,
ועזי הוליד את זרחיה וזרחיה הוליד את מריות 6
Cusiina wuxuu dhalay Seraxyaah, Seraxyaahna wuxuu dhalay Meraayood,
מריות הוליד את אמריה ואמריה הוליד את אחיטוב 7
Meraayoodna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub,
ואחיטוב הוליד את צדוק וצדוק הוליד את אחימעץ 8
Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Axiimacas,
ואחימעץ הוליד את עזריה ועזריה הוליד את יוחנן 9
Axiimacasna wuxuu dhalay Casaryaah, Casaryaahna wuxuu dhalay Yooxaanaan,
ויוחנן הוליד את עזריה הוא אשר כהן בבית אשר בנה שלמה בירושלם 10
Yooxaanaanna wuxuu dhalay Casaryaah, (isagu wuxuu ahaa kii hawsha wadaadnimada ka qaban jiray gurigii Sulaymaan Yeruusaalem ka dhisay, )
ויולד עזריה את אמריה ואמריה הוליד את אחיטוב 11
Casaryaahna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub,
ואחיטוב הוליד את צדוק וצדוק הוליד את שלום 12
Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Shalluum,
ושלום הוליד את חלקיה וחלקיה הוליד את עזריה 13
Shalluumna wuxuu dhalay Xilqiyaah, Xilqiyaahna wuxuu dhalay Casaryaah,
ועזריה הוליד את שריה ושריה הוליד את יהוצדק 14
Casaryaahna wuxuu dhalay Seraayaah, Seraayaahna wuxuu dhalay Yehoosaadaaq,
ויהוצדק הלך--בהגלות יהוה את יהודה וירושלם ביד נבכדנאצר 15
Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.
בני לוי גרשם קהת ומררי 16
Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
ואלה שמות בני גרשום לבני ושמעי 17
Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoom, Libnii iyo Shimcii.
ובני קהת--עמרם ויצהר וחברון ועזיאל 18
Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.
בני מררי מחלי ומשי ואלה משפחות הלוי לאבתיהם 19
Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Oo intaasu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay reerahoodu ahaayeen.
לגרשום--לבני בנו יחת בנו זמה בנו 20
Gershoom waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Libnii oo dhalay Yaaxad, oo isna dhalay Simmaah,
יואח בנו עדו בנו זרח בנו יאתרי בנו 21
oo isna dhalay Yoo'aax, oo isna dhalay Iddo, oo isna dhalay Serax, oo isna dhalay Ye'ateray.
בני קהת--עמינדב בנו קרח בנו אסיר בנו 22
Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir,
אלקנה בנו ואביסף בנו ואסיר בנו 23
oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir,
תחת בנו אוריאל בנו עזיה בנו ושאול בנו 24
oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Uurii'eel, oo isna dhalay Cusiyaah, oo isna dhalay Shaa'uul.
ובני אלקנה--עמשי ואחימות 25
Wiilashii Elqaanaahna waxay ahaayeen Camaasay iyo Axiimood.
אלקנה--בנו (בני) אלקנה צופי בנו ונחת בנו 26
Oo xagga Elqaanaahna waxaa ka soo farcamay Soofay, oo dhalay Nahad,
אליאב בנו ירחם בנו אלקנה בנו 27
oo isna dhalay Elii'aab, oo isna dhalay Yeroxaam, oo isna dhalay Elqaanaah.
ובני שמואל הבכר ושני ואביה 28
Wiilashii Samuu'eelna waxay ahaayeen curadkiisii oo ahaa Yoo'eel, iyo kii labaad oo ahaa Abiiyaah.
בני מררי מחלי לבני בנו שמעי בנו עזה בנו 29
Farcankii Meraariina wuxuu ahaa Maxlii, oo dhalay Libnii, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Cuusaah,
שמעא בנו חגיה בנו עשיה בנו 30
oo isna dhalay Shimcaa, oo isna dhalay Xaggiyaah, oo isna dhalay Casaayaah.
ואלה אשר העמיד דויד על ידי שיר--בית יהוה ממנוח הארון 31
Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed.
ויהיו משרתים לפני משכן אהל מועד בשיר עד בנות שלמה את בית יהוה בירושלם ויעמדו כמשפטם על עבודתם 32
Oo iyagu taambuugga teendhadii shirka horteeda ayay gabay kaga adeegi jireen, ilaa Sulaymaan uu Yeruusaalem ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, oo iyana hawshooda waxay u qaban jireen siday u kala horhorreeyeen.
ואלה העמדים ובניהם מבני הקהתי--הימן המשורר בן יואל בן שמואל 33
Oo intanu waa kuwii adeegi jiray iyo wiilashoodii. Kuwii ka mid ahaa reer Qohaad waxay ahaayeen Heemaan oo gabayaa ahaa, ina Yoo'eel, ina Samuu'eel,
בן אלקנה בן ירחם בן אליאל בן תוח 34
ina Elqaanaah, ina Yeroxaam, ina Elii'eel, ina Too'ax,
בן ציף (צוף) בן אלקנה בן מחת בן עמשי 35
ina Suuf, ina Elqaanaah, ina Maxad, ina Camaasay,
בן אלקנה בן יואל בן עזריה בן צפניה 36
ina Elqaanaah, ina Yoo'eel, ina Casaryaah, ina Sefanyaah,
בן תחת בן אסיר בן אביסף בן קרח 37
ina Taxad, ina Asiir, ina Ebiyaasaaf, ina Qorax,
בן יצהר בן קהת בן לוי בן ישראל 38
ina Isehaar, ina Qohaad, ina Laawi, ina Israa'iil.
ואחיו אסף העמד על ימינו--אסף בן ברכיהו בן שמעא 39
Walaalkiis Aasaaf oo gacantiisii midig istaagi jiray wuxuu ahaa Aasaaf ina Berekyaah, ina Shimcaa,
בן מיכאל בן בעשיה בן מלכיה 40
ina Miikaa'eel, ina Bacaseeyaah, ina Malkiiyaah,
בן אתני בן זרח בן עדיה 41
ina Etnii, ina Serax, ina Cadaayaah,
בן איתן בן זמה בן שמעי 42
ina Eetaan, ina Simmaah, ina Shimcii,
בן יחת בן גרשם בן לוי 43
ina Yaxad, ina Gershoom, ina Laawi.
ובני מררי אחיהם על השמאול--איתן בן קישי בן עבדי בן מלוך 44
Oo iyaga gacantooda midigtana waxaa istaagi jiray walaalahood oo ahaa reer Meraarii, Eetaan oo ahaa ina Qiishii, ina Cabdii, ina Malluug,
בן חשביה בן אמציה בן חלקיה 45
ina Xashabyaah, ina Amasyaah, ina Xilqiyaah,
בן אמצי בן בני בן שמר 46
ina Amsii, ina Baanii, ina Shemer,
בן מחלי בן מושי בן מררי בן לוי 47
ina Maxlii, ina Mushii, ina Meraarii, ina Laawi.
ואחיהם הלוים נתונים--לכל עבודת משכן בית האלהים 48
Oo walaalahood oo ahaa reer Laawina waxaa loo doortay inay ka adeegaan taambuuggii guriga Ilaah oo dhan.
ואהרן ובניו מקטירים על מזבח העולה ועל מזבח הקטרת לכל מלאכת קדש הקדשים ולכפר על ישראל ככל אשר צוה משה עבד האלהים 49
Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.
ואלה בני אהרן--אלעזר בנו פינחס בנו אבישוע בנו 50
Oo kuwanuna waa farcankii Haaruun, wiilkiisii Elecaasaar, oo dhalay Fiinexaas, oo isna dhalay Abiishuuca,
בקי בנו עזי בנו זרחיה בנו 51
oo isna dhalay Buqii, oo isna dhalay Cusii, oo isna dhalay Seraxyaah,
מריות בנו אמריה בנו אחיטוב בנו 52
oo isna dhalay Meraayood, oo isna dhalay Amaryaah, oo isna dhalay Axiituub,
צדוק בנו אחימעץ בנו 53
oo isna dhalay Saadooq, oo isna dhalay Axiimacas.
ואלה מושבותם לטירותם בגבולם--לבני אהרן למשפחת הקהתי כי להם היה הגורל 54
Haddaba kuwanu waa meelahoodii ay degi jireen iyo sidii degmooyinkoodu ahaayeen kuwaasoo ku dhex yiil soohdimahooda. Reer Haaruun oo ah qolooyinka reer Qohaad, oo saamiga kowaad lahaa,
ויתנו להם את חברון בארץ יהודה ואת מגרשיה סביבתיה 55
waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba.
ואת שדה העיר ואת חצריה--נתנו לכלב בן יפנה 56
Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.
ולבני אהרן נתנו את ערי המקלט--את חברון ואת לבנה ואת מגרשיה ואת יתר ואת אשתמע ואת מגרשיה 57
Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,
ואת חילז ואת מגרשיה את דביר ואת מגרשיה 58
iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,
ואת עשן ואת מגרשיה ואת בית שמש ואת מגרשיה 59
iyo Caashaan iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii.
וממטה בנימן את גבע ואת מגרשיה ואת עלמת ואת מגרשיה ואת ענתות ואת מגרשיה כל עריהם שלש עשרה עיר במשפחותיהם 60
Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo.
ולבני קהת הנותרים ממשפחת המטה ממחצית מטה חצי מנשה בגורל--ערים עשר 61
Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.
ולבני גרשום למשפחותם ממטה יששכר וממטה אשר וממטה נפתלי וממטה מנשה בבשן--ערים שלש עשרה 62
Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan.
לבני מררי למשפחותם ממטה ראובן וממטה גד וממטה זבלון בגורל--ערים שתים עשרה 63
Oo reer Meraarii waxaa saami loogu siiyey siday reerahoodu ahaayeen laba iyo toban magaalo oo ay ka dhex heleen qabiilka reer Ruubeen, iyo qabiilka reer Gaad, iyo qabiilka reer Sebulun.
ויתנו בני ישראל ללוים את הערים ואת מגרשיהם 64
Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.
ויתנו בגורל ממטה בני יהודה וממטה בני שמעון וממטה בני בנימן--את הערים האלה אשר יקראו אתהם בשמות 65
Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.
וממשפחות בני קהת--ויהי ערי גבולם ממטה אפרים 66
Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim.
ויתנו להם את ערי המקלט את שכם ואת מגרשיה--בהר אפרים ואת גזר ואת מגרשיה 67
Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii,
ואת יקמעם ואת מגרשיה ואת בית חורון ואת מגרשיה 68
iyo Yoqmecaam iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii,
ואת אילון ואת מגרשיה ואת גת רמון ואת מגרשיה 69
iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii.
וממחצית מטה מנשה את ענר ואת מגרשיה ואת בלעם ואת מגרשיה--למשפחת לבני קהת הנותרים 70
Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxaa laga dhex siiyey Caaneer iyo agagaarkeedii, iyo Bilcaam iyo agagaarkeedii, reer Qohaad intooda hadhay aawadood.
לבני גרשום--ממשפחת חצי מטה מנשה את גולן בבשן ואת מגרשיה ואת עשתרות ואת מגרשיה 71
Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii.
וממטה יששכר את קדש ואת מגרשיה את דברת ואת מגרשיה 72
Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,
ואת ראמות ואת מגרשיה ואת ענם ואת מגרשיה 73
iyo Raamod iyo agagaarkeedii, iyo Caaneem iyo agagaarkeedii.
וממטה אשר את משל ואת מגרשיה ואת עבדון ואת מגרשיה 74
Oo qabiilkii reer Aasheerna waxaa laga siiyey Maashaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,
ואת חוקק ואת מגרשיה ואת רחב ואת מגרשיה 75
iyo Xuuqoq iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii.
וממטה נפתלי את קדש בגליל ואת מגרשיה ואת חמון ואת מגרשיה ואת קריתים ואת מגרשיה 76
Oo qabiilkii reer Naftaalina waxaa laga siiyey Qedesh oo Galili ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Xammoon iyo agagaarkeedii, iyo Qiryaatayim iyo agagaarkeedii.
לבני מררי הנותרים--ממטה זבלון את רמונו ואת מגרשיה את תבור ואת מגרשיה 77
Oo reer Laawi intoodii hadhay oo ahayd reer Meraarii waxaa qabiilka reer Sebulun laga siiyey Rimmoonoo iyo agagaarkeedii, iyo Taaboor iyo agagaarkeedii.
ומעבר לירדן ירחו למזרח הירדן--ממטה ראובן את בצר במדבר ואת מגרשיה ואת יהצה ואת מגרשיה 78
Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii,
ואת קדמות ואת מגרשיה ואת מיפעת ואת מגרשיה 79
iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii.
וממטה גד--את ראמות בגלעד ואת מגרשיה ואת מחנים ואת מגרשיה 80
Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,
ואת חשבון ואת מגרשיה ואת יעזיר ואת מגרשיה 81
iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yacser iyo agagaarkeedii.

< דברי הימים א 6 >