< Luka 19 >

1 Yesu ya shiga Yariko ya na wucewa cikinta.
Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo.
2 Sai ga wani mutum a wurin mai suna Zakka. Shugaba ne na masu karban haraji, kuma mai arziki ne.
Oo bal eeg, waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa.
3 Yana kokarin ya ga ko wanene Yesu, amma bai iya gani ba sabo da yawan jama'a, domin shi gajere ne.
Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa.
4 Sai ya ruga gaba ya hau itacen baure domin ya gan shi, saboda Yesu zai wuce ta wannan hanya.
Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa.
5 Sa'adda Yesu ya zo wurin, ya kalli sama sai ya ce masa, “Zakka, ka sauko da sauri, domin yau dole in sauka a gidanka.”
Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo.
6 Sai ya sauko da sauri, ya karbe shi da farin ciki.
Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey.
7 Sa'adda dukansu suka ga wannan, sai suka yi gunaguni, cewa, “Ya ziyarci mutum mai zunubi.”
Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay.
8 Zakka ya tsaya ya ce wa Ubangiji, “Duba, Ubangiji, zan ba matalauta rabin arzikina, idan kuma na cuci wani a kome, zan mai da adadinsa sau hudu.”
Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.
9 Yesu ya ce masa, “Yau ceto ya shigo wannan gida, domin shi ma dan Ibrahim ne.
Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim.
10 Gama Dan Mutum ya zo ne domin ya nemi, ya kuma ceci batattun mutane.”
Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
11 Da suka ji wadannan abubuwan, ya cigaba da magana, sannan ya fada masu wani misali, domin yana kusa da Urushalima, sai suka yi tsamani mulkin Allah za ya bayyana nan da nan.
Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto.
12 Sai ya ce, “Akwai wani mutum mai sarauta wanda ya tafi wata kasa mai nisa domin ya karba wa kansa mulki sa'annan ya dawo.
Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.
13 Sai ya kira bayinsa guda goma, ya ba su fam goma, sai ya ce masu, 'Ku yi kasuwanci da wannan har sai na dawo.'
Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.
14 Amma mutanensa suka ki shi sai suka aiki jakadu bayansa, cewa, 'Ba za mu yarda wannan mutum ya yi mulki a kanmu ba.'
Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado.
15 Anan nan sa'adda ya koma kuma, bayan da ya sami mulkin, sai ya ba da umarni a kira masa bayin da ya basu kudi, domin ya san ribar da suka samu wajen kasuwancin da suka yi.
Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.
16 Na farkon ya zo wurinsa, cewa, 'Ubangiji, fam nan na ka ya yi riban fam goma.'
Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.
17 Masaraucin ya ce masa, 'Madalla, bawan kirki. Domin ka yi aminci a karamin abu, za a baka iko kan birane goma.'
Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.
18 Na biyun ya zo, yana cewa, 'Fam na ka, Ubangiji, ya yi ribar fam biyar.'
Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina.
19 Sai masarauncin yace masa, 'Ka dauki mulkin birane biyar.'
Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree.
20 Wani kuma ya zo, yana cewa, 'Ubangiji, ga fam naka da na ajjiye shi da kyau cikin kaya,
Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay.
21 gama na ji tsoronka, domin kai mutum mai tsanani ne. Kana daukar abu da baka ajiye ba, kana kuma girbin abin da ba ka shuka ba.'
Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.
22 Masarauncin ya ce masa, 'Da kalmominka zan shari'antaka, kai mugun bawa. Ka sani cewa ni mutum mai tsanani ne, ina daukan abinda ban ajiye ba, ina kuma girbin abinda ban shuka ba.
Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.
23 To don me ba ka kai kudi na wurin masu banki ba, saboda bayan da na dawo zan karbe shi da riba?'
Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?
24 Masaraucin ya ce wa wadanda suke a tsaye a wurin, 'Ku karba fam da ke a wurinsa, ku ba mai fam goman nan.'
Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.
25 Suka ce masa, 'Ubangiji, yana da fam goma.'
Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa.
26 'Ina ce maku, duk wanda yake da abu za a kara masa, amma wadda bai da shi, za a karba sauran da ke wurinsa.
Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
27 Amma wadannan abokan gabana, wadanda ba sa so in yi mulki bisansu, a kawo su nan a kashe su a gaba na.'
Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
28 Da ya fadi wadannan abubuwan, sai ya yi gaba, yana tafiya zuwa Urushalima.
Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.
29 Ananan sa'adda ya zo kusa da Baitfaji da Baitanya, a kan tudu da a ke kira Zaitun, sai ya aiki almajiransa guda biyu, cewa,
Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,
30 cewa, “Ku tafi cikin kauye da ke gabanku. Sa'adda ku ka shiga, za ku same dan aholaki da ba a taba hawansa ba. Ku kwance sai ku kawo mani shi.
isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.
31 Idan wani ya tambaye ku, 'Don me ku ke kwance shi?' Ku ce, 'Ubangiji ne ke bukatarsa.”
Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.
32 Wadanda aka aike su suka je sun sami aholakin kamar yadda Yesu ya gaya masu.
Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.
33 Sa'adda suna kwance aholakin, sai masu shi suka ce masu, “Don me ku ke kwance aholakin?”
Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan?
34 Suka ce, “Ubangiji yana bukatar sa.”
Waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaa u baahan.
35 Suka kawo wa Yesu, suka shimfida tufafinsu akan aholakin sai suka dora Yesu akansa.
Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.
36 Da yana cikin tafiya, suka shimfida tufafinsu akan hanya.
Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.
37 Da ya yi kusa da gangaren tudun Zaitun, sai dukan taron almajiransa suka fara yin murna suna kuma yabon Allah da murya mai karfi domin dukan ayukan al'ajibi da suka gani,
Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,
38 cewa, “Albarka ta tabbata ga sarki da ke zuwa cikin sunan Uba! Salama a sama da daraja mafi daukaka kuma!”
iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya.
39 Wadansu Farisawa daga cikin taron jama'a suka ce masa, “Malam, ka tsauta wa almajiranka.”
Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano.
40 Yesu ya amsa ya ce, “Ina gaya maku gaskiya, in wadannan sun yi shiru, duwatsu za su yi shewa.”
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
41 Sa'adda Yesu yana kusatowa, sai ya yi kuka akan birnin,
Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,
42 cewa, “Da kun san wannan rana, ko ku ma, abubuwan da ke kawo maku salama! Amma yanzu an boye su daga idanunku.
isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga.
43 Gama rana zata ta zo a gareki, da makiyan ki zasu gina ganuwa a kewaye da ke, su kuma fada maki daga kowace gefe.
Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.
44 Za su sare ki kasa tare da 'ya'yanki. Ba za su bar wani dutse akan dan'uwansa ba, domin ba ki lura da lokacin da Allah ya na kokarin ceton ki ba.”
Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
45 Yesu ya shiga Haikalin sai ya fara korar masu sayarwa,
Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay,
46 ya na ce masu, “A rubuce yake, 'Gida na zai zama wurin addu'a,' amma kun mayar da shi kogon mafasa.”
isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.
47 Yesu yana nan yana koyarwa kowace rana a cikin haikali. Amma manyan firistoci da marubuta da shugabanin jama'a suna so su kashe shi,
Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya; laakiin wadaaddada sare iyo culimmada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan,
48 amma ba su sami hanyar yin wannan ba, domin mutane suna sauraron sa sosai.
oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.

< Luka 19 >