< Προς Κορινθιους Α΄ 4 >

1 Οὕτως ἡμᾶς λογιζέσθω ἄνθρωπος ὡς ὑπηρέτας Χριστοῦ καὶ οἰκονόμους μυστηρίων Θεοῦ.
Ha lanagu tiriyo inaannu nahay midiidinyada Masiixa iyo wakiillada waxyaalaha qarsoon ee Ilaah.
2 ὧδε λοιπὸν ζητεῖται ἐν τοῖς οἰκονόμοις ἵνα πιστός τις εὑρεθῇ.
Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo.
3 ἐμοὶ δὲ εἰς ἐλάχιστόν ἐστιν ἵνα ὑφ’ ὑμῶν ἀνακριθῶ ἢ ὑπὸ ἀνθρωπίνης ἡμέρας· ἀλλ’ οὐδὲ ἐμαυτὸν ἀνακρίνω·
Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo.
4 οὐδὲν γὰρ ἐμαυτῷ σύνοιδα, ἀλλ’ οὐκ ἐν τούτῳ δεδικαίωμαι· ὁ δὲ ἀνακρίνων με Κύριός ἐστιν.
Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa.
5 ὥστε μὴ πρὸ καιροῦ τι κρίνετε, ἕως ἂν ἔλθῃ ὁ Κύριος, ὃς καὶ φωτίσει τὰ κρυπτὰ τοῦ σκότους καὶ φανερώσει τὰς βουλὰς τῶν καρδιῶν· καὶ τότε ὁ ἔπαινος γενήσεται ἑκάστῳ ἀπὸ τοῦ Θεοῦ.
Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.
6 Ταῦτα δέ, ἀδελφοί, μετεσχημάτισα εἰς ἐμαυτὸν καὶ Ἀπολλῶν δι’ ὑμᾶς, ἵνα ἐν ἡμῖν μάθητε τό Μὴ ὑπὲρ ἃ γέγραπται, ἵνα μὴ εἷς ὑπὲρ τοῦ ἑνὸς φυσιοῦσθε κατὰ τοῦ ἑτέρου.
Haddaba, walaalayaalow, waxyaalahan ayaan aawadiin u soo qaaday qudhayda iyo Abolloosba, inaad xaggayaga ka barataan inaydnaan ka gudbin waxyaalaha qoran oo aan midkiinna midka kale u faanin.
7 τίς γάρ σε διακρίνει; τί δὲ ἔχεις ὃ οὐκ ἔλαβες; εἰ δὲ καὶ ἔλαβες, τί καυχᾶσαι ὡς μὴ λαβών;
Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin?
8 ἤδη κεκορεσμένοι ἐστέ· ἤδη ἐπλουτήσατε· χωρὶς ἡμῶν ἐβασιλεύσατε· καὶ ὄφελόν γε ἐβασιλεύσατε, ἵνα καὶ ἡμεῖς ὑμῖν συνβασιλεύσωμεν.
Horaad u dheregteen, horaad hodan u noqoteen, la'aantayo sida boqorro ayaad wax u xukunteen. Waan jeclaan lahaa inaad wax xukuntaan, inaannu annaguna wax idinla xukunno.
9 δοκῶ γάρ, ὁ Θεὸς ἡμᾶς τοὺς ἀποστόλους ἐσχάτους ἀπέδειξεν ὡς ἐπιθανατίους, ὅτι θέατρον ἐγενήθημεν τῷ κόσμῳ καὶ ἀγγέλοις καὶ ἀνθρώποις.
Waayo, waxaan u malaynayaa in Ilaah na soo saaray, annagoo ah rasuulladii ugu dambeeyey, sida kuwa dhimashada lagu xukumay oo kale, maxaa yeelay, wax la daawado ayaa lanooga dhigay dunida, iyo malaa'igaha, iyo dadkaba.
10 ἡμεῖς μωροὶ διὰ Χριστόν, ὑμεῖς δὲ φρόνιμοι ἐν Χριστῷ· ἡμεῖς ἀσθενεῖς, ὑμεῖς δὲ ἰσχυροί· ὑμεῖς ἔνδοξοι, ἡμεῖς δὲ ἄτιμοι.
Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay.
11 ἄχρι τῆς ἄρτι ὥρας καὶ πεινῶμεν καὶ διψῶμεν καὶ γυμνιτεύομεν καὶ κολαφιζόμεθα καὶ ἀστατοῦμεν
Tan iyo saacaddan waan gaajaysan nahay, waanan harraadsan nahay, waanan arradan nahay, waa nala garaacay, oo meel aan ku hoyannona ma lihin.
12 καὶ κοπιῶμεν ἐργαζόμενοι ταῖς ἰδίαις χερσίν· λοιδορούμενοι εὐλογοῦμεν, διωκόμενοι ἀνεχόμεθα,
Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa.
13 δυσφημούμενοι παρακαλοῦμεν· ὡς περικαθάρματα τοῦ κόσμου ἐγενήθημεν, πάντων περίψημα ἕως ἄρτι.
Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.
14 Οὐκ ἐντρέπων ὑμᾶς γράφω ταῦτα, ἀλλ’ ὡς τέκνα μου ἀγαπητὰ νουθετῶν.
Anigu waxyaalahaas u qori maayo inaan idin ceebeeyo laakiin inaan idin waaniyo sida carruurtayda aan jeclahay oo kale.
15 ἐὰν γὰρ μυρίους παιδαγωγοὺς ἔχητε ἐν Χριστῷ, ἀλλ’ οὐ πολλοὺς πατέρας· ἐν γὰρ Χριστῷ Ἰησοῦ διὰ τοῦ εὐαγγελίου ἐγὼ ὑμᾶς ἐγέννησα.
In kastoo aad leedihiin toban kun oo Masiix idinku rabbeeyey, aabbayaal badan ma lihidin, waayo, Ciise Masiix ayaan idinku dhalay xagga injiilka.
16 παρακαλῶ οὖν ὑμᾶς, μιμηταί μου γίνεσθε.
Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan.
17 Διὰ τοῦτο αὐτὸ ἔπεμψα ὑμῖν Τιμόθεον, ὅς ἐστίν μου τέκνον ἀγαπητὸν καὶ πιστὸν ἐν Κυρίῳ, ὃς ὑμᾶς ἀναμνήσει τὰς ὁδούς μου τὰς ἐν Χριστῷ Ἰησοῦ, καθὼς πανταχοῦ ἐν πάσῃ ἐκκλησίᾳ διδάσκω.
Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta.
18 ὡς μὴ ἐρχομένου δέ μου πρὸς ὑμᾶς ἐφυσιώθησάν τινες·
Qaar baa kibray sidii anigoo aan idiin imanaynin.
19 ἐλεύσομαι δὲ ταχέως πρὸς ὑμᾶς, ἐὰν ὁ Κύριος θελήσῃ, καὶ γνώσομαι οὐ τὸν λόγον τῶν πεφυσιωμένων ἀλλὰ τὴν δύναμιν·
Laakiin dhowaan baan idiin iman doonaa, haddii Rabbigu yidhaahdo, oo markaasaan garan doonaa kuwa kibray xooggooda, ee ma aha hadalkooda.
20 οὐ γὰρ ἐν λόγῳ ἡ βασιλεία τοῦ Θεοῦ, ἀλλ’ ἐν δυνάμει.
Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog.
21 τί θέλετε; ἐν ῥάβδῳ ἔλθω πρὸς ὑμᾶς, ἢ ἐν ἀγάπῃ πνεύματί τε πραΰτητος;
Maxaad doonaysaan? Ma inaan ul idiinla imaado, mise jacayl iyo ruux qabow?

< Προς Κορινθιους Α΄ 4 >