< Psalms 15 >

1 A Psalm by David. LORD, who shall dwell in your sanctuary? Who shall live on your holy hill?
Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
2 He who walks blamelessly and does what is right, and speaks truth in his heart;
Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.
3 he who doesn’t slander with his tongue, nor does evil to his friend, nor casts slurs against his fellow man;
Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
4 in whose eyes a vile man is despised, but who honors those who fear the LORD; he who keeps an oath even when it hurts, and doesn’t change;
Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
5 he who doesn’t lend out his money for usury, nor take a bribe against the innocent. He who does these things shall never be shaken.
Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

< Psalms 15 >