< Acts 26 >

1 Agrippa said to Paul, “You may speak for yourself.” Then Paul stretched out his hand, and made his defense.
Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Waa laguu fasaxay inaad nafsaddaada u hadashid. Kolkaasaa Bawlos gacantiisa fidiyey oo isdaafacay.
2 “I think myself happy, King Agrippa, that I am to make my defense before you today concerning all the things that I am accused by the Jews,
Boqor Agribbow, waxaan isku tirinayaa mid faraxsan inaan maanta hortaada isaga daafaco waxyaalihii ay Yuhuuddu igu soo dacweeyeen oo dhan;
3 especially because you are expert in all customs and questions which are among the Jews. Therefore I beg you to hear me patiently.
maxaa yeelay, adigu waxaad khusuusan xariif ku tahay caadooyinka iyo su'aalaha oo dhan oo Yuhuudda dhex yaalla; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid.
4 “Indeed, all the Jews know my way of life from my youth up, which was from the beginning among my own nation and at Jerusalem;
Yuhuuddu dhammaantoodba tan iyo yaraantaydii way wada yaqaaniin camalka noloshayda, taasoo bilowga aan kula dhex jiray quruuntayda oo aan Yeruusaalem la joogay.
5 having known me from the first, if they are willing to testify, that after the strictest sect of our religion I lived a Pharisee.
Haddii ay raalli ku yihiin inay ii marag furaan, iyaguba tan iyo horraantii aqoon bay u lahaayeen sidii aan ugu dhaqmi jiray dariiqada diintayada ugu qiiro adag anoo Farrisi ah.
6 Now I stand here to be judged for the hope of the promise made by God to our fathers,
Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo.
7 which our twelve tribes, earnestly serving night and day, hope to attain. Concerning this hope I am accused by the Jews, King Agrippa!
Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!
8 Why is it judged incredible with you if God does raise the dead?
Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?
9 “I myself most certainly thought that I ought to do many things contrary to the name of Jesus of Nazareth.
Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared.
10 I also did this in Jerusalem. I both shut up many of the saints in prisons, having received authority from the chief priests; and when they were put to death I gave my vote against them.
Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.
11 Punishing them often in all the synagogues, I tried to make them blaspheme. Being exceedingly enraged against them, I persecuted them even to foreign cities.
Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
12 “Whereupon as I traveled to Damascus with the authority and commission from the chief priests,
Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,
13 at noon, O king, I saw on the way a light from the sky, brighter than the sun, shining around me and those who traveled with me.
ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.
14 When we had all fallen to the earth, I heard a voice saying to me in the Hebrew language, ‘Saul, Saul, why are you persecuting me? It is hard for you to kick against the goads.’
Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.
15 “I said, ‘Who are you, Lord?’ “He said, ‘I am Jesus, whom you are persecuting.
Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.
16 But arise, and stand on your feet, for I have appeared to you for this purpose: to appoint you a servant and a witness both of the things which you have seen and of the things which I will reveal to you;
Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;
17 delivering you from the people and from the Gentiles, to whom I send you,
anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,
18 to open their eyes, that they may turn from darkness to light and from the power of Satan to God, that they may receive remission of sins and an inheritance among those who are sanctified by faith in me.’
inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
19 “Therefore, King Agrippa, I was not disobedient to the heavenly vision,
Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid;
20 but declared first to them of Damascus, at Jerusalem, and throughout all the country of Judea, and also to the Gentiles, that they should repent and turn to God, doing works worthy of repentance.
laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.
21 For this reason the Jews seized me in the temple and tried to kill me.
Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.
22 Having therefore obtained the help that is from God, I stand to this day testifying both to small and great, saying nothing but what the prophets and Moses said would happen,
Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;
23 how the Christ must suffer, and how, by the resurrection of the dead, he would be first to proclaim light both to these people and to the Gentiles.”
taasoo ah in Masiixu xanuunsan doono, iyo sida isagoo ah kii kowaad oo kuwii dhintay ka soo sara kacay uu iftiin ugu naadin doono dadka iyo quruumahaba.
24 As he thus made his defense, Festus said with a loud voice, “Paul, you are crazy! Your great learning is driving you insane!”
Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay.
25 But he said, “I am not crazy, most excellent Festus, but boldly declare words of truth and reasonableness.
Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan.
26 For the king knows of these things, to whom also I speak freely. For I am persuaded that none of these things is hidden from him, for this has not been done in a corner.
Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon.
27 King Agrippa, do you believe the prophets? I know that you believe.”
Boqor Agribbow, nebiyadii ma rumaysan tahay? Waan ogahay inaad rumaysan tahay.
28 Agrippa said to Paul, “With a little persuasion are you trying to make me a Christian?”
Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Wax yar baad igu oggolaysiinaysaa inaan Masiixi noqdo.
29 Paul said, “I pray to God, that whether with little or with much, not only you, but also all that hear me today, might become such as I am, except for these bonds.”
Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.
30 The king rose up with the governor and Bernice, and those who sat with them.
Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;
31 When they had withdrawn, they spoke to one another, saying, “This man does nothing worthy of death or of bonds.”
oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.
32 Agrippa said to Festus, “This man might have been set free if he had not appealed to Caesar.”
Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.

< Acts 26 >