< 1 Chronicles 1 >

1 Adam, Sheth, Enosh,
Aadan, Seed, Enoos,
2 Kenan, Mahalaleel, Jered,
Qiinaan, Mahalaleel, Yaared,
3 Henoch, Methuselah, Lamech,
Enoog, Metushelax, Lameg,
4 Noah, Shem, Ham, and Japheth.
Nuux, Sheem, Xaam, iyo.
5 The sons of Japheth; Gomer, and Magog, and Madai, and Javan, and Tubal, and Meshech, and Tiras.
Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
6 And the sons of Gomer; Ashchenaz, and Riphath, and Togarmah.
Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah.
7 And the sons of Javan; Elishah, and Tarshish, Kittim, and Dodanim.
Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim.
8 The sons of Ham; Cush, and Mizraim, Put, and Canaan.
Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan.
9 And the sons of Cush; Seba, and Havilah, and Sabta, and Raamah, and Sabtecha. And the sons of Raamah; Sheba, and Dedan.
Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.
10 And Cush begat Nimrod: he began to be mighty upon the earth.
Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh.
11 And Mizraim begat Ludim, and Anamim, and Lehabim, and Naphtuhim,
Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim, iyo Naftuxiim,
12 And Pathrusim, and Casluhim, (of whom came the Philistines, ) and Caphthorim.
iyo Fatrusiim, iyo Kasluxiim oo ay reer Falastiin ka soo farcamay, iyo Kaftoriim.
13 And Canaan begat Zidon his firstborn, and Heth,
Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed,
14 The Jebusite also, and the Amorite, and the Girgashite,
iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash,
15 And the Hivite, and the Arkite, and the Sinite,
iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini,
16 And the Arvadite, and the Zemarite, and the Hamathite.
iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad.
17 The sons of Shem; Elam, and Asshur, and Arphaxad, and Lud, and Aram, and Uz, and Hul, and Gether, and Meshech.
Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.
18 And Arphaxad begat Shelah, and Shelah begat Eber.
Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.
19 And to Eber were born two sons: the name of the one was Peleg; because in his days the earth was divided: and his brother’s name was Joktan.
Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
20 And Joktan begat Almodad, and Sheleph, and Hazarmaveth, and Jerah,
Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,
21 Hadoram also, and Uzal, and Diklah,
iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,
22 And Ebal, and Abimael, and Sheba,
iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,
23 And Ophir, and Havilah, and Jobab. All these were the sons of Joktan.
iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
24 Shem, Arphaxad, Shelah,
Sheem, Arfaksad, Sheelaah,
25 Eber, Peleg, Reu,
Ceeber, Feleg, Recu,
26 Serug, Nahor, Terah,
Seruug, Naaxoor, Terax,
27 Abram; the same is Abraham.
Aabraam (kaasoo ah Ibraahim).
28 The sons of Abraham; Isaac, and Ishmael.
Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.
29 These are their generations: The firstborn of Ishmael, Nebaioth; then Kedar, and Adbeel, and Mibsam,
Oo intanu waa qarniyadoodii, Ismaaciil curadkiisii wuxuu ahaa, Nebayod, dabadeedna wuxuu dhalay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,
30 Mishma, and Dumah, Massa, Hadad, and Tema,
iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa,
31 Jetur, Naphish, and Kedemah. These are the sons of Ishmael.
iyo Hadad, iyo Teemaa, iyo Yetuur, iyo Naafiish, iyo Qedemah. Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil.
32 Now the sons of Keturah, Abraham’s concubine: she bore Zimran, and Jokshan, and Medan, and Midian, and Ishbak, and Shuah. And the sons of Jokshan; Sheba, and Dedan.
Oo kuwanuna waa wiilashii Qetuurah, taas oo ahayd Ibraahim naagtiisii addoonta ahayd. Iyadu waxay dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. Yoqshaan wiilashiisiina waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.
33 And the sons of Midian; Ephah, and Epher, and Henoch, and Abida, and Eldaah. All these are the sons of Keturah.
Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac, iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen Qetuurah wiilasheedii.
34 And Abraham begat Isaac. The sons of Isaac; Esau and Israel.
Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.
35 The sons of Esau; Eliphaz, Reuel, and Jeush, and Jaalam, and Korah.
Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.
36 The sons of Eliphaz; Teman, and Omar, Zephi, and Gatam, Kenaz, and Timna, and Amalek.
Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq.
37 The sons of Reuel; Nahath, Zerah, Shammah, and Mizzah.
Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.
38 And the sons of Seir; Lotan, and Shobal, and Zibeon, and Anah, and Dishon, and Ezer, and Dishan.
Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan.
39 And the sons of Lotan; Hori, and Homam: and Timna was Lotan’s sister.
Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis.
40 The sons of Shobal; Alian, and Manahath, and Ebal, Shephi, and Onam. And the sons of Zibeon; Aiah, and Anah.
Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah.
41 The sons of Anah; Dishon. And the sons of Dishon; Amram, and Eshban, and Ithran, and Cheran.
Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.
42 The sons of Ezer; Bilhan, and Zavan, and Jakan. The sons of Dishan; Uz, and Aran.
Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.
43 Now these are the kings that reigned in the land of Edom before any king reigned over the children of Israel; Bela the son of Beor: and the name of his city was Dinhabah.
Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah.
44 And when Bela was dead, Jobab the son of Zerah of Bozrah reigned in his stead.
Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.
45 And when Jobab was dead, Husham of the land of the Temanites reigned in his stead.
Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan.
46 And when Husham was dead, Hadad the son of Bedad, who smote Midian in the field of Moab, reigned in his stead: and the name of his city was Avith.
Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.
47 And when Hadad was dead, Samlah of Masrekah reigned in his stead.
Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah.
48 And when Samlah was dead, Shaul of Rehoboth by the river reigned in his stead.
Markaasaa Samlah dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Shaa'uul oo ka yimid Rexobod oo Webiga ku ag tiil.
49 And when Shaul was dead, Baalhanan the son of Achbor reigned in his stead.
Markaasaa Shaa'uul dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Bacal Xaanaan ina Caqboor.
50 And when Baalhanan was dead, Hadad reigned in his stead: and the name of his city was Pai; and his wife’s name was Mehetabel, the daughter of Matred, the daughter of Mezahab.
Markaasaa Bacal Xaanaan dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad, oo isna magaaladiisu waxay ahayd Faacuu, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Meheetabeel oo ay dhashay Matreed, iyana waxay ahayd ina Meesaahaab.
51 Hadad died also. And the chiefs of Edom were; chief Timnah, chief Aliah, chief Jetheth,
Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,
52 Chief Aholibamah, chief Elah, chief Pinon,
iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon,
53 Chief Kenaz, chief Teman, chief Mibzar,
iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar,
54 Chief Magdiel, chief Iram. These are the chiefs of Edom.
iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.

< 1 Chronicles 1 >