< Revelation 21 >

1 Then I saw new heavens and a new earth. The former heavens and the former earth had passed away; and the sea has ceased to be.
Oo waxaan arkay samo cusub iyo dhul cusub; waayo, samadii hore iyo dhulkii hore way dhammaadeen; oo baddiina mar dambe ma ay jirin.
2 And I saw the Holy City, Jerusalem, descending new out of heaven from God, like a bride adorned in readiness for her husband.
Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay.
3 And I heard a loud voice from the throne, which said – “See! The tent of God is set up among people. God will live among them, and they will be his Peoples, and God himself will be among them,
Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood;
4 and he will wipe away all tears from their eyes. There will be no more death, nor will there be any more grief or crying or pain. The old order has passed away.”
oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.
5 And he who was seated on the throne said – “See, I make all things new!” And he said – “Write this, for these words may be trusted and are true.”
Markaasaa kii carshiga ku fadhiyey wuxuu yidhi, Bal eeg, wax kastaba cusayb baan ka dhigayaa. Oo wuxuu igu yidhi, Qor, waayo, erayadanu waa aamin iyo run.
6 And he said to me – “They are fulfilled. I am the Alpha and the Omega, the beginning and the End. To those who thirst I will give of the spring of the water of life, freely.
Oo wuxuu igu yidhi, Iyagu way ahaadeen. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, iyo bilowgii iyo dhammaadka. Oo kii harraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha.
7 Those who conquer will enter into possession of these things, and I will be their God, and they will be my children.
Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.
8 But as for cowards, unbelievers, the degraded, murderers, the impure, sorcerers, idolaters, and all liars – their place will be in the burning lake of fire and sulphur. That is the Second Death.” (Limnē Pyr g3041 g4442)
Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad. (Limnē Pyr g3041 g4442)
9 Then one of the seven angels who had the seven bowls, and were laden with the seven last curses, came and spoke to me. “Come here,” he said, “and I will show you the Bride, the Wife of the Lamb.”
Markaasaa waxaa yimid mid ka mid ah toddobadii malaa'igood oo haystay toddobadii fijaan oo ay ka buuxeen toddobadii belaayo ee ugu dambeeyey; oo iyana way ila hadashay, oo waxay igu tidhi, Bal kaalay halkan oo waxaan ku tusayaa aroosadda oo ah Wanka afadiisa.
10 He carried me away in a trance to a great high mountain, and showed me Jerusalem, the Holy City, descending out of heaven from God, filled with the glory of God.
Oo iyana waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay buur weyn oo dheer, oo waxay i tustay magaalada Yeruusaalem oo quduuska ah oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah,
11 Its brilliance was like a precious stone, like a jasper, transparent as crystal.
oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale;
12 It had a great high wall, in which were twelve gates; and at these gates there were twelve angels, and there were names inscribed on the gates, the names of the twelve tribes of the Israelites.
oo waxay lahayd derbi weyn oo dheer; oo waxay kaloo lahayd laba iyo toban irdood, oo irdahana waxaa ka taagnaa laba iyo toban malaa'igood; oo waxaa ku qornaa magacyo, kuwaas oo ah magacyadii laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil;
13 There were three gates on the east, three gates on the north, three gates on the south, and three gates on the west.
oo xagga bari waxay ku lahayd saddex irdood, woqooyina waxay ku lahayd saddex irdood, koonfurna waxay ku lahayd saddex irdood, galbeedna waxay ku lahayd saddex irdood.
14 The wall of the city had twelve foundation stones, on which were the twelve names of the twelve apostles of the Lamb.
Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac.
15 And the angel who was speaking to me had as a measure a gold rod, with which to measure the city and its gates and its wall.
Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda.
16 The city is square; the length and the breadth are the same. The angel measured with his rod; it was twelve hundred miles; its length, and breadth, and height are equal.
Oo magaaladuna waxay u dhisnayd afar gees, oo dhererkeeduna wuxuu le'ekaa ballaadhkeeda; oo markaasay waxay magaaladii ku qiyaastay cawsduurkii, oo waxay noqotay laba iyo toban kun oo istaadiyon; oo dhererkeeda iyo ballaadhkeeda iyo sarajooggeeduba waa isla ekaayeen.
17 Then he measured the wall; it was two hundred and eighty-eight feet, as people measure, that is as the angel measured.
Oo waxay qiyaastay derbigeedii, oo wuxuu noqday boqol iyo afar iyo afartan dhudhun, sidii ay ahayd qiyaastii ninku, kaasoo ah malaa'ig.
18 The material of the wall of the city was jasper, and the city was built of pure gold, which shone like clear glass.
Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah.
19 The foundations of the wall of the city were ornamented with every kind of precious stone. The first foundation stone was a jasper; the second a sapphire; the third a chalcedony; the fourth an emerald;
Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud,
20 the fifth a sardonyx; the sixth a carnelian; the seventh a chrysolite; the eighth a beryl; the ninth a topaz; the tenth a chrysoprase; the eleventh a hyacinth; and the twelfth an amethyst.
kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos.
21 The twelve gates were made of twelve pearls, each gate of one pearl. The street of the city was of pure gold, transparent as glass.
Oo laba iyo tobankii irdoodna waxay ahaayeen laba iyo toban luul, oo kii kastoo irdihii ka mid ahaaba wuxuu ahaa luul, oo magaaladii jidkeediina wuxuu ahaa dahab saafi ah oo u eg muraayad wax laga dhex arko.
22 And I saw no Temple there, for the Lord, our God, the Almighty, and the Lamb are its Temple.
Oo dhexdeedana macbud kuma arag; waayo, Rabbiga ah Ilaaha Qaadirkaa iyo Wanka ayaa waxay yihiin macbudkeeda.
23 The city has no need of the sun or the moon to shine on it, for the glory of God illuminated it, and its Lamp was the Lamb.
Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka.
24 The nations walk by the light of it; and the kings of the earth bring their glory into it.
Oo quruumuhuna waxay ku dhex socon doonaan iftiinkeeda, oo boqorrada dhulkuna ammaantooda iyaday soo gelin doonaan.
25 Its gates will never be shut by day, and there will be no night there.
Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono);
26 And people will bring the glory and honour of the nations into it.
oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha;
27 Never will any unhallowed thing enter it, nor they whose life is shameful and false, but only those whose names have been written in the Lamb’s book of life.
oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.

< Revelation 21 >