< 1 Corinthians 5 >

1 It is actually reported that there is sexual immorality among you, and such sexual immorality as is not even among the nations, that one has his father's wife.
Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.
2 You are puffed up, and did not rather mourn, that he who had done this deed might be removed from among you.
Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro.
3 For I most certainly, as being absent in body but present in spirit, have already, as though I were present, judged him who has done this thing.
Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay
4 In the name of our Lord Jesus, you being gathered together, and my spirit, with the power of our Lord Jesus,
magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise,
5 are to deliver such a one to Satan for the destruction of the flesh, that the spirit may be saved in the day of the Lord.
waa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba'o, ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga.
6 Your boasting is not good. Do you not know that a little yeast leavens the whole lump?
Faankiinnu ma wanaagsana. Miyeydnaan garanaynin in in yar oo khamiir ah ay cajiinka oo dhan khamiiriso?
7 Purge out the old yeast, that you may be a new lump, even as you are unleavened. For indeed Christ, our Passover lamb, has been sacrificed for us.
Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey.
8 Therefore let us keep the feast, not with old yeast, neither with the yeast of malice and wickedness, but with the unleavened bread of sincerity and truth.
Haddaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.
9 I wrote to you in my letter to have no company with sexual sinners;
Waxaan warqaddaydii idiinku soo qoray inaydnaan kuwa sinaysta raacin.
10 yet not at all meaning with the sexual sinners of this world, or with the covetous and extortioners, or with idolaters; for then you would have to leave the world.
Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.
11 But as it is, I wrote to you not to associate with anyone who is called a brother who is a sexual sinner, or covetous, or an idolater, or a slanderer, or a drunkard, or an extortioner. Do not even eat with such a person.
Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin.
12 For what have I to do with also judging those who are outside? Do you not judge those who are within?
Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira?
13 But those who are outside, God judges. "Put away the wicked man from among yourselves."
Kuwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.

< 1 Corinthians 5 >