< Ezekiel 24 >

1 Again, in the ninth year, in the tenth month, in the tenth day of the month, the word of Jehovah came to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid sannaddii sagaalaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii tobnaad, isagoo leh,
2 "Son of man, write the name of the day, even of this same day: the king of Babylon drew close to Jerusalem this same day.
Wiilka Aadamow, maalintan, xataa isla maantadan qudheeda magaceeda qor, waayo, boqorkii Baabuloon isla maantadan qudheeda ayuu Yeruusaalem ku soo dhowaaday.
3 Utter a parable to the rebellious house, and tell them, 'Thus says Jehovah, "Set on the caldron, set it on, and also pour water into it:
Oo reerka caasiyoobay waxaad kula hadashaa masaal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Digsiga dabka saara, saara oo biyo ku shuba.
4 gather its pieces into it, even every good piece, the thigh, and the shoulder; fill it with the choice bones.
Oo waxaad ku gurtaan cadcadka, xataa cadcadka wanwanaagsan oo dhan, oo ah bowdada iyo garabka, oo waxaad ka buuxisaan lafaha ugu wacan.
5 Take the choice of the flock, and also a pile of wood for the bones under the caldron; make it boil well; yes, let its bones be boiled in its midst."'
Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.
6 "Therefore thus says Jehovah: 'Woe to the bloody city, to the caldron whose rust is in it, and whose rust is not gone out of it. Take out of it piece after piece; No lot is fallen on it.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta, taasoo ah digsiga miridhkiisu ku jiro, oo aan miridhkiisu ka bixin! Cadcad u soo bixiya, iyadoo aan saami lagu bixin.
7 For her blood is in the midst of her; she set it on the bare rock; she didn't pour it on the ground, to cover it with dust.
Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.
8 That it may cause wrath to come up to take vengeance, I have set her blood on the bare rock, that it should not be covered.'
Inay cadho ugu soo kacdo oo ay ka aarsato ayaan dhiiggeedii dhagax diiran dul saaray si uusan u daboolmin.
9 "Therefore thus says Jehovah: 'Woe to the bloody city. I also will make the pile great.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta! Aniguna tuulmada waan weynayn doonaa.
10 Pile on the wood, make the fire hot, boil the meat well, and mix in the spices, and let the bones be burned up.
Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.
11 Then set it empty on its coals, that it may be hot, and its bronze may burn, and that its filthiness may be molten in it, that its rust may be consumed.
Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.
12 She has wearied herself with toil; yet her great rust doesn't go forth out of her; her rust doesn't go forth by fire.
Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.
13 In your filthiness is lewdness: because I have cleansed you and you weren't cleansed, you shall not be cleansed from your filthiness any more, until I have caused my wrath toward you to rest.
Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.
14 I, Jehovah, have spoken it: it shall happen, and I will do it: I will not go back, neither will I spare, neither will I repent; according to your ways and according to your deeds I will judge you,' says Jehovah."
Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
15 Also the word of Jehovah came to me, saying,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
16 "Son of man, look, I will take away from you the desire of your eyes with a stroke: yet you shall neither mourn nor weep, neither shall your tears run down.
Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan.
17 Sigh, but not aloud, make no mourning for the dead; bind your headdress on you, and put your shoes on your feet, and do not cover your lips, and do not eat men's bread."
Taah, laakiin si aamusan u taah, oo baroorasho kuwii dhintay loo baroorto ha u barooran. Duubkaaga madaxa ku duubo, oo kabaha gasho, oo bushimahaagana ha daboolin, oo kibista dadkana innaba ha cunin.
18 So I spoke to the people in the morning; and at even my wife died; and I did in the morning as I was commanded.
Markaasaan aroortii dadkii la hadlay, makhribkiina naagtaydii way dhimatay, oo aniguna sidii laygu amray ayaan subaxdii yeelay.
19 The people said to me, "Won't you tell us what these things are to us, that you do so?"
Oo markaasaa dadkii waxay igu yidhaahdeen, War maad noo sheegtid waxan aad samaynaysid ulajeeddadooda?
20 Then I said to them, "The word of Jehovah came to me, saying,
Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
21 'Speak to the house of Israel, "Thus says Jehovah: Look, I will profane my sanctuary, the pride of your power, the desire of your eyes, and that which your soul pities; and your sons and your daughters whom you have left behind shall fall by the sword.
Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshayda quduuska ah ayaan nijaasayn doonaa, taasoo ah faankii xooggiinna iyo waxa ay indhihiinnu jecel yihiin, iyo waxa ay naftiinnu u naxdo; oo wiilashiinna iyo gabdhihiinna aad ka tagteenna seef bay ku le'an doonaan.
22 You shall do as I have done: you shall not cover your lips, nor eat the bread of men.
Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.
23 Your turbans shall be on your heads, and your shoes on your feet: you shall not mourn nor weep; but you shall pine away in your iniquities, and moan one toward another.
Oo duubabkiinnu madaxay idiinku duubnaan doonaan, oo kabihiinnuna cagahay idiinku jiri doonaan. Ma aad barooran doontaan, mana aad ooyi doontaan, laakiinse xumaatooyinkiinna baad la macaluuli doontaan, oo midkiinba kan kaluu ku musannaabi doonaa.
24 Thus Ezekiel shall be a sign to you; according to all that he has done, you will do. When this comes, then you will know that I am Jehovah."'"
Sidaasuu Yexesqeel calaamad idiinku ahaan doonaa, oo wax alla wixii uu sameeyey ayaad idinkuna samayn doontaan. Oo markay waxaasu dhacaan ayaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
25 "You, son of man, shall it not be in the day when I take from them their strength, the joy of their glory, the desire of their eyes, and that whereupon they set their heart, their sons and their daughters,
Oo weliba Wiilka Aadamow, maalinta aan iyaga ka qaado xooggooda, iyo farxadda sharaftooda, iyo waxa ay indhahoodu jecel yihiin, iyo waxa uu qalbigoodu raaco, iyo wiilashooda iyo gabdhahoodaba, soo noqon maayo
26 that in that day he who escapes shall come to you, to cause you to hear it with your ears?
in kii soo baxsaday uu maalintaas kuu iman doono inuu dhegahaaga wixii dhacay oo dhan kugu maqashiiyo?
27 In that day your mouth will be opened to him who has escaped, and you shall speak, and be no more mute: so you will be a sign to them; and they shall know that I am Jehovah."
Oo maalintaas qudheeda ayaa afkaagu kii soo baxsaday u furmi doonaa, oo waad hadli doontaa, oo mar dambena ma aad carrab la'aan doontid. Sidaasaad calaamad u noqon doontaa, oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

< Ezekiel 24 >