< 2 Samuel 7 >

1 It happened, when the king lived in his house, and Jehovah had given him rest from all his enemies all around,
Oo waxay noqotay markii boqorkii gurigiisii degay oo uu Rabbigu nasasho ka siiyey cadaawayaashiisii ku wareegsanaa oo dhan,
2 that the king said to Nathan the prophet, "See now, I dwell in a house of cedar, but the ark of God dwells within curtains."
in boqorkii Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg haatan, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii Ilaah wuxuu dhex yaal daahyo.
3 Nathan said to the king, "Go, do all that is in your heart; for Jehovah is with you."
Markaasaa Naataan wuxuu boqorkii ku yidhi, Tag, oo wax alla wixii qalbigaaga ku jira samee, waayo, Rabbiga ayaa kula jira.
4 It happened the same night, that the word of Jehovah came to Nathan, saying,
Oo isla habeenkaas Rabbiga eraygiisii baa Naataan u yimid oo ku yidhi,
5 "Go and tell my servant David, 'Thus says Jehovah, "Shall you build me a house for me to dwell in?
Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, War guri aan dego ma ii dhisaysaa?
6 For I have not lived in a house since the day that I brought up the children of Israel out of Egypt, even to this day, but have moved around in a tent and in a tabernacle.
Waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar iyo tan iyo maantadan, laakiinse waxaan ku dhex socday teendho iyo taambuug.
7 In all places in which I have walked throughout Israel, did I say a word to any of the judges of Israel, whom I commanded to be shepherd of my people Israel, saying, 'Why have you not built me a house of cedar?'"'
Oo meel kasta oo aan kula socday reer binu Israa'iil oo dhan, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo aan ku amray inay quudiyaan dadkayga reer binu Israa'iil ma midkood baan eray kula hadlay oo miyaan ku idhi, War maxaad iigu dhisi weydeen guri kedar ah?
8 Now therefore you shall tell my servant David this, 'Thus says Jehovah of hosts, "I took you from the sheep pen, from following the sheep, that you should be prince over my people Israel.
Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
9 I have been with you wherever you went, and have cut off all your enemies from before you. I will make you a great name, like the name of the great ones who are in the earth.
waanan kula jiray meel kastoo aad tagtayba, oo cadaawayaashaadii oo dhanna hortaadaan ka baabbi'iyey. Oo waxaan kuu bixin doonaa magac weyn, oo la mid ah magacyada kuwa waaweyn oo dhulka jooga.
10 I will appoint a place for my people Israel, and will plant them, that they may dwell in their own place, and be moved no more; neither shall the children of wickedness afflict them any more, as at the first,
Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,
11 and from the time that I commanded judges to be over my people Israel. I will cause you to rest from all your enemies. Moreover Jehovah tells you that he will build you a house.
iyo tan iyo maalintii aan xaakinno ku amray inay dadkayga reer binu Israa'iil u taliyaan. Oo adiga waan kaa nasin doonaa cadaawayaashaada oo dhan. Oo weliba Rabbigu wuxuu kuu sheegayaa inuu reer kuu yeeli doono.
12 And it will come about when your days are fulfilled, and you sleep with your fathers, that I will raise up your descendant after you, who will come from your body, and I will establish his kingdom.
Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.
13 He will build a house for my name, and I will establish his throne forever.
Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis.
14 I will be his father, and he shall be my son. If he commits iniquity, I will chasten him with a human rod, and with the stripes from human beings;
Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo hadduu dembi galona, waxaan ku edbin doonaa usha dadka iyo garaacidda binu-aadmiga,
15 but my loving kindness I will not take from him, as I took it from Saul, whom I put away before you.
laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.
16 And your house and your kingdom shall be made sure forever before me, and your throne shall be established forever."'"
Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
17 According to all these words, and according to all this vision, so Nathan spoke to David.
Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.
18 Then king David went in and sat before Jehovah and said, "Who am I, Lord Jehovah, and what is my house, that you have brought me thus far?
Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
19 This was a small thing in your eyes, Lord Jehovah, and you have spoken of your servant's house for a great while to come, and you have let me look upon the generation of humankind to come, Lord Jehovah.
Oo weliba waxanu hortaada wuu ku yaraa, Sayidow, Rabbow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, oo Sayidow, Rabbow, taasu ma caadada dadkaa?
20 And what more can David add to you concerning the honor which is done to your servant? For you know your servant, Jehovah.
Sayidow, Rabbow! Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa? Waayo, waad i garanaysaa anoo addoonkaaga ah, Rabbow Ilaahow.
21 For your servant's sake, and according to your own heart, you have worked all this greatness, to make your servant know it.
Eraygaaga aawadiis iyo qalbigaagu siduu yahay ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad i ogeysiisid anoo addoonkaaga ah.
22 Therefore you are great, Lord Jehovah. For there is none like you, neither is there any God besides you, according to all that we have heard with our ears.
Haddaba, Rabbow Ilaahow, waad weyn tahay, waayo, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu.
23 And who is like your people Israel, the one nation on earth whom God went out to redeem to be a people for himself, and to make a name for yourself, and to do great and awesome deeds by driving out before your people, whom you redeemed for yourself from Egypt, a nation and its gods?
Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda?
24 And you established your people Israel for yourself to be your people forever; and you, Jehovah, became their God.
Oo waxaad dhisatay dadkaagii reer binu Israa'iil inay dad kuu ahaadaan weligood, oo Ilaahood baad noqotay, Rabbiyow.
25 Now, Lord Jehovah, the word that you have spoken concerning your servant, and concerning his house, confirm it forever, and do as you have spoken.
Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.
26 Let your name be magnified forever, saying, 'Jehovah of hosts is the God of Israel,' and the house of your servant David shall be established before you.
Oo magacaaguna ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha u taliya reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkayguna wuu ku dhismi doonaa hortaada.
27 For you have revealed to your servant, saying, 'I will build you a house.' Therefore your servant has found in his heart to pray this prayer to you.
Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo.
28 "Now, O Lord Jehovah, you are God, and your words are truth, and you have promised this good thing to your servant.
Haddaba, Sayidow, Rabbow, waxaad tahay Ilaah, oo erayadaaduna waa run, oo waxan wanaagsanna waad ii ballanqaadday anoo addoonkaaga ah.
29 Now therefore let it please you to bless the house of your servant, that it may continue forever before you; for you, Lord Jehovah, have spoken it. Let the house of your servant be blessed forever with your blessing."
Haddaba, Sayidow, Rabbow, waan ku baryayaaye, anoo addoonkaaga ah, barakee reerkayga inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, adigaa taas ku hadlay, oo reerkayguna weligiis ha barakaysnaado.

< 2 Samuel 7 >