< 1 Kings 1 >

1 Now king David was old and advanced in years; and they covered him with clothes, but he couldn't keep warm.
Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin.
2 Therefore his servants said to him, "Let there be sought for my lord the king a young virgin. And let her attend the king, and care for him; and let her lie in your bosom, that my lord the king may keep warm."
Sidaas daraaddeed addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Boqorow, Sayidkayagiiyow, ha laguu doono gabadh dhallinyar oo bikrad ah, oo taasu ha istaagto hortaada, waxna ha kuu tarto, oo laabtaadana ha ku jiifto, si aad kulayl u hesho, Boqorow, Sayidkayagiiyow.
3 So they sought for a beautiful young woman throughout all the borders of Israel, and found Abishag the Shunammite, and brought her to the king.
Sidaas daraaddeed gabadh qurxoon ayay ka doondooneen dalkii Israa'iil oo dhan, oo waxay soo heleen Abiishag oo ahayd reer Shuuneem, oo taas bay boqorkii u keeneen.
4 The young woman was very beautiful; and she became the king's attendant and served him; but the king did not know her intimately.
Oo gabadhuna aad bay u qurxoonayd, oo boqorkiina wax bay u tari jirtay, oo u adeegi jirtay, laakiinse boqorku iyadii ma uu taaban.
5 Then Adonijah the son of Haggith exalted himself, saying, "I will be king." So he prepared for himself chariots and horsemen, and fifty men to run before him.
Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay isweyneeyey, oo yidhi, Anigaa boqor noqon doona; oo wuxuu diyaarsaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, iyo konton nin oo hortiisa orodda.
6 His father had never scolded him at any time by saying, "Why have you done so?" And he was also a very handsome man; and he was born after Absalom.
Oo aabbihiisna marna kama calool xumayn isagii oo kuma odhan, War maxaad saas u yeeshay? Wuxuuna ahaa nin qurux badan, oo Absaaloom dabadiis dhashay.
7 And he conferred with Joab the son of Zeruiah, and with Abiathar the priest. And they followed Adonijah and helped him.
Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen.
8 But Zadok the priest, and Benaiah the son of Jehoiada, and Nathan the prophet, and Shimei, and Rei, and the mighty men who belonged to David, were not with Adonijah.
Laakiinse Saadooq oo ahaa wadaad, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo Nebi Naataan, iyo Shimcii iyo Reecii, iyo raggii xoogga badnaa oo Daa'uud lahaa midkoodna Adoniiyaah lama jirin.
9 And Adonijah sacrificed sheep and oxen and fatlings by the stone of Zoheleth, which is near En Rogel; and he called all his brothers, the king's sons, and all the men of Judah, the king's servants:
Markaasaa Adoniiyaah wuxuu ido iyo dibi iyo neefaf shishilis ku qalay meel u dhow dhagaxa Soxeled oo ku dhinac yaal Ceyn Rogeel, oo wuxuu u wada yeedhay walaalihiis ilmo boqor, iyo raggii reer Yahuudah oo boqorka addoommadiisa ahaa oo dhan.
10 but he did not invite Nathan the prophet, or Benaiah, or the mighty men, or his brother Solomon.
Laakiinse uma uu yeedhin Nebi Naataan, iyo Benaayaah, iyo raggii xoogga badnaa, iyo walaalkiis Sulaymaan.
11 Then Nathan spoke to Bathsheba the mother of Solomon, saying, "Haven't you heard that Adonijah the son of Haggith reigns, and David our lord doesn't know it?
Markaasaa Naataan la hadlay Batshebac oo Sulaymaan hooyadiis ahayd, oo ku yidhi, Naa miyaadan maqlin inuu boqor noqday Adoniiyaah kii ay Haggiid dhashay, oo sayidkeenna Daa'uudna uusan taas ogayn?
12 Now therefore come, please let me give you advice, that you may save your own life, and the life of your son Solomon.
Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.
13 Go in to king David, and tell him, 'Did you not, my lord, king, swear to your handmaid, saying, "Surely Solomon your son shall be king after me, and he shall sit on my throne"? Why then does Adonijah reign?'
Haddaba tag oo u gal Boqor Daa'uud, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorow, sayidkaygiiyow, miyaadan anoo addoontaada ah iigu dhaaran oo odhan, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa? Haddaba Adoniiyaah muxuu boqor u noqday?
14 And look, while you are still there speaking with the king, I also will come in after you and confirm your words."
Oo bal eeg, intaad boqorka la hadlayso ayaan anna kaa daba iman doonaa, oo waxaan sii adkayn doonaa erayadaada.
15 Bathsheba went in to the king into the room. The king was very old; and Abishag the Shunammite was attending to the king.
Markaasaa Batshebac waxay boqorkii ugu gashay qolkii, oo boqorkuna aad buu u gaboobay; oo waxaa boqorka u adeegaysay Abiishag tii reer Shuuneem.
16 Bathsheba bowed, and showed respect to the king. The king said, "What would you like?"
Oo Batshebacna intay foororsatay ayay boqorkii u sujuudday. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaad doonaysaa?
17 And she said to him, "My lord, you swore by Jehovah your God to your handmaid, 'Assuredly Solomon your son shall be king after me, and he shall sit on my throne.'
Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.
18 Now, look, Adonijah reigns; and you, my lord the king, do not know it.
Oo haddaba bal eeg, waxaa boqor ah Adoniiyaah, oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, taas ma ogid!
19 And he has sacrificed many oxen and fatlings and sheep, and has invited all the sons of the king, and Abiathar the priest, and Joab the commander of the army; but he hasn't invited Solomon your servant.
Oo isagu wuxuu qalay dibi iyo neefaf shishilis iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilmo boqor oo dhan, iyo wadaadka Aabyaataar ah, iyo Yoo'aab oo ah sirkaalkii ciidanka; laakiinse uma uu yeedhin addoonkaaga Sulaymaan.
20 And now, my lord the king, the eyes of all Israel are on you to announce to them who shall sit on the throne of my lord the king after him.
Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.
21 Otherwise it will happen, when my lord the king shall sleep with his fathers, that I and my son Solomon will be considered criminals."
Haddii kalese, boqorow, sayidkaygiiyow, markaad dhimatid oo aad awowayaashaa la seexatid, aniga iyo wiilkayga Sulaymaanba waxaa lagu tirin doonaa kuwa dembaabay.
22 And look, while she was still speaking with the king, Nathan the prophet came in.
Oo bal eeg, intii ay weli boqorkii la hadlaysay ayaa Nebi Naataan soo galay.
23 And they told the king, saying, "Look, Nathan the prophet." And when he came in before the king, he bowed himself before the king with his face to the ground.
Oo waxaa boqorkii loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Waa kan Nebi Naataan. Oo isna markuu soo galay, oo uu boqorkii hor yimid, ayuu ku sujuuday boqorka hortiisa, oo wejigiisuu dhulka saaray.
24 And Nathan said, "My lord, king, have you said, 'Adonijah shall be king after me, and he shall sit on my throne?'
Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?
25 For he has gone down today and has sacrificed oxen and fatlings and sheep in abundance, and has invited all the king's sons, and the commanders of the army, and Abiathar the priest. Look, they are eating and drinking before him, and say, 'Long live king Adonijah.'
Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.
26 But me, me your servant, and Zadok the priest, and Benaiah the son of Jehoiada, and your servant Solomon, he has not invited.
Laakiinse anigoo addoonkaaga ah, iyo wadaadka Saadooq ah, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo addoonkaaga Sulaymaan ah midna uma uu yeedhin.
27 Has this thing been brought about by my lord the king, and you haven't told your servants who should sit on the throne of my lord the king after him?"
Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?
28 Then king David answered, "Summon Bathsheba to me." So she came into the king's presence, and stood before him.
Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu ugu jawaabay, Iigu yeedha Batshebac. Oo iyana way timid, wayna soo gashay meeshii boqorku joogay, oo soo hor istaagtay boqorkii.
29 And the king vowed, saying, "As Jehovah lives, who has redeemed my soul out of all adversity,
Markaasaa boqorkii dhaartay oo yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbigii naftayda cidhiidhi oo dhan ka samatabbixiyey,
30 most certainly as I vowed to you by Jehovah, the God of Israel, saying, 'Assuredly Solomon your son shall be king after me, and he shall sit on my throne in my place;' so I certainly will do this day."
oo sida runta ah waxaan kuugu dhaartay Rabbiga ah Ilaaha dadka dalka Israa'iil, oo aan kugu idhi, Hubaal aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa dabaday, haddaba sida runta ah taas maantaan samaynayaa.
31 Then Bathsheba bowed with her face to the ground, paying homage to the king, and said, "Let my lord king David live forever."
Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow.
32 And King David said, "Summon to me Zadok the priest, Nathan the prophet, and Benaiah the son of Jehoiada." They came before the king.
Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.
33 The king said to them, "Take with you the servants of your lord, and have Solomon my son ride on my own mule, and bring him down to Gihon.
Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi iyagii, Addoommadayda kaxaysta, oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad fuushiisaan baqalkayga oo waxaad geeysaan Giixoon.
34 And have Zadok the priest and Nathan the prophet anoint him there king over Israel. Blow the trumpet, and say, 'Long live king Solomon.'
Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado.
35 Then you shall come up after him, and he shall come and sit on my throne; for he shall be king in my place. I have appointed him to be prince over Israel and over Judah."
Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.
36 Benaiah the son of Jehoiada answered the king, and said, "Amen. May Jehovah, the God of my lord the king, say so.
Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow.
37 As Jehovah has been with my lord the king, even so may he be with Solomon, and make his throne greater than the throne of my lord king David."
Oo sidii Rabbigu uu kuula jiray, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas oo kale ha ula jiro Sulaymaanna, oo carshigiisana ha ka dhigo mid ka sii weyn carshigaagii, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow.
38 So Zadok the priest, and Nathan the prophet, and Benaiah the son of Jehoiada, and the Cherethites and the Pelethites, went down, and caused Solomon to ride on king David's mule, and brought him to Gihon.
Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon.
39 Zadok the priest took the horn of oil out of the Tent, and anointed Solomon. They blew the trumpet; and all the people said, "Long live king Solomon."
Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado.
40 All the people came up after him, and the people piped with pipes, and rejoiced with great joy, so that the earth split open at their sound.
Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii.
41 Adonijah and all the guests who were with him heard it as they had made an end of eating. When Joab heard the sound of the trumpet, he said, "Why is this noise of the city being in an uproar?"
Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay?
42 While he yet spoke, look, Jonathan the son of Abiathar the priest came: and Adonijah said, "Come in; for you are a worthy man, and bring good news."
Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye.
43 Jonathan answered Adonijah, "No. Our lord king David has made Solomon king.
Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan.
44 The king has sent with him Zadok the priest, Nathan the prophet, Benaiah the son of Jehoiada, and the Cherethites and the Pelethites; and they have caused him to ride on the king's mule.
Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka!
45 Zadok the priest and Nathan the prophet have anointed him king in Gihon. They have come up from there rejoicing, so that the city rang again. This is the noise that you have heard.
Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas.
46 Also, Solomon sits on the throne of the kingdom.
Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.
47 Moreover the king's servants came to bless our lord king David, saying, 'May your God make the name of Solomon better than your name, and make his throne greater than your throne;' and the king bowed himself on the bed.
Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.
48 Also thus said the king, 'Blessed be Jehovah, the God of Israel, who has given one to sit on my throne this day, my eyes even seeing it.'"
Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.
49 All the guests of Adonijah were afraid, and rose up, and each man went his way.
Oo Adoniiyaah martidiisii oo dhammuna way wada cabsadeen, oo intay kaceen ayaa nin waluba meeshiisii tegey.
50 Adonijah feared because of Solomon; and he arose, and went, and caught hold on the horns of the altar.
Oo Adoniiyaahna wuxuu ka cabsaday Sulaymaan, markaasuu tegey oo qabsaday geesihii meeshii allabariga.
51 It was told Solomon, saying, "Look, Adonijah fears king Solomon; for, look, he has laid hold on the horns of the altar, saying, 'Let king Solomon swear to me first that he will not kill his servant with the sword.'"
Oo waxaa taas loo soo sheegay Sulaymaan oo lagu yidhi, Bal eeg, Adoniiyaah ayaa kaa cabsaday, Boqor Sulaymaanow, oo wuxuu qabsaday geesihii meeshii allabariga, oo yidhi, Boqor Sulaymaan maanta ha ii dhaarto inuusan anoo addoonkiisa ah seef igu dilayn.
52 Solomon said, "If he shows himself a worthy man, not a hair of him shall fall to the earth; but if wickedness be found in him, he shall die."
Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Hadduu isu muujiyo sida nin qumman, xataa tin keliyuhu dhulka kaga dhici maayo, laakiinse haddii xumaan laga helo, wuu dhiman doonaa.
53 So king Solomon sent, and they brought him down from the altar. He came and bowed down to king Solomon; and Solomon said to him, "Go to your house."
Sidaas daraaddeed Boqor Sulaymaan wuu u cid diray, oo waxaa laga soo kaxeeyey meeshii allabariga. Oo isna wuu yimid oo u sujuuday Boqor Sulaymaan, oo Sulaymaanna wuxuu ku yidhi, Orod, gurigaagii tag.

< 1 Kings 1 >