< John 8 >

1 Jesus went unto the mount of Olives.
Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.
2 And early in the morning he came again into the temple, and all the people came unto him; and he sat down, and taught them.
Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.
3 And the scribes and Pharisees brought unto him a woman taken in adultery; and when they had set her in the midst,
Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,
4 They say unto him, Master, this woman was taken in adultery, in the very act.
oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino.
5 Now Moses in the law commanded us, that such should be stoned: but what say you?
Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?
6 This they said, tempting him, that they might have to accuse him. But Jesus stooped down, and with his finger wrote on the ground, as though he heard them not.
Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray.
7 So when they continued asking him, he lifted up himself, and said unto them, He that is without sin among you, let him first cast a stone at her.
Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.
8 And again he stooped down, and wrote on the ground.
Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.
9 And they which heard it, being convicted by their own conscience, went out one by one, beginning at the eldest, even unto the last: and Jesus was left alone, and the woman standing in the midst.
Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay.
10 When Jesus had lifted up himself, and saw none but the woman, he said unto her, Woman, where are those your accusers? has no man condemned you?
Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin?
11 She said, No man, Lord. And Jesus said unto her, Neither do I condemn you: go, and sin no more.
Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.
12 Then spoke Jesus again unto them, saying, I am the light of the world: he that follows me shall not walk in darkness, but shall have the light of life.
Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
13 The Pharisees therefore said unto him, You bear record of yourself; your record is not true.
Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.
14 Jesus answered and said unto them, Though I bear record of myself, yet my record is true: for I know whence I came, and where I go; but all of you cannot tell whence I come, and where I go.
Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.
15 All of you judge after the flesh; I judge no man.
Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo.
16 And yet if I judge, my judgment is true: for I am not alone, but I and the Father that sent me.
Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray.
17 It is also written in your law, that the testimony of two men is true.
Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run.
18 I am one that bear witness of myself, and the Father that sent me bears witness of me.
Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura.
19 Then said they unto him, Where is your Father? Jesus answered, All of you neither know me, nor my Father: if all of you had known me, all of you should have known my Father also.
Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.
20 These words (rhema) spoke Jesus in the treasury, as he taught in the temple: and no man laid hands on him; for his hour was not yet come.
Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
21 Then said Jesus again unto them, I go my way, and all of you shall seek me, and shall die in your sins: where I go, all of you cannot come.
Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
22 Then said the Jews, Will he kill himself? because he says, Where I go, all of you cannot come.
Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
23 And he said unto them, All of you are from beneath; I am from above: all of you are of this world; I am not of this world.
Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.
24 I said therefore unto you, that all of you shall die in your sins: for if all of you believe not that I am he, all of you shall die in your sins.
Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.
25 Then said they unto him, Who are you? And Jesus says unto them, Even the same that I said unto you from the beginning.
Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.
26 I have many things to say and to judge of you: but he that sent me is true; and I speak to the world those things which I have heard of him.
Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.
27 They understood not that he spoke to them of the Father.
Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.
28 Then said Jesus unto them, When all of you have lifted up the Son of man, then shall all of you know that I am he, and that I do nothing of myself; but as my Father has taught me, I speak these things.
Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.
29 And he that sent me is with me: the Father has not left me alone; for I do always those things that please him.
Oo kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga.
30 As he spoke these words, many believed on him.
Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga.
31 Then said Jesus to those Jews which believed on him, If all of you continue in my word, (logos) then are all of you my disciples indeed;
Sidaas aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi Yuhuuddii isaga rumaysatay, Haddaad ereygayga ku sii socotaan, runtii waxaad tihiin xertayda.
32 And all of you shall know the truth, and the truth shall make you free.
Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.
33 They answered him, We be Abraham's seed, and were never in bondage to any man: how say you, All of you shall be made free?
Waxay ugu jawaabeen, Farcankii Ibraahim baannu nahay, oo weligayo addoommo ninna uma ahayn. Maxaad u leedahay, Waa laydin xorayn doonaa?
34 Jesus answered them, Verily, verily, I say unto you, Whosoever commits sin is the servant of sin.
Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga.
35 And the servant abides not in the house for ever: but the Son abides ever. (aiōn g165)
Oo addoonkuna guriga kuma sii jiro, wiilkuse waa ku sii jiraa weligiis. (aiōn g165)
36 If the Son therefore shall make you free, all of you shall be free indeed.
Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.
37 I know that all of you are Abraham's seed; but all of you seek to kill me, because my word (logos) has no place in you.
Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.
38 I speak that which I have seen with my Father: and all of you do that which all of you have seen with your father.
Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.
39 They answered and said unto him, Abraham is our father. Jesus says unto them, If all of you were Abraham's children, all of you would do the works of Abraham.
Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.
40 But now all of you seek to kill me, a man that has told you the truth, which I have heard of God: this did not Abraham.
Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.
41 All of you do the deeds of your father. Then said they to him, We be not born of fornication; we have one Father, even God.
Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.
42 Jesus said unto them, If God were your Father, all of you would love me: for I proceeded forth and came from God; neither came I of myself, but he sent me.
Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.
43 Why do all of you not understand my speech? even because all of you cannot hear my word. (logos)
Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.
44 All of you are of your father the devil, and the lusts of your father all of you will do. He was a murderer from the beginning, and abode not in the truth, because there is no truth in him. When he speaks a lie, he speaks of his own: for he is a liar, and the father of it.
Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed.
45 And because I tell you the truth, all of you believe me not.
Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.
46 Which of you convinces me of sin? And if I say the truth, why do all of you not believe me?
Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?
47 He that is of God hears God's words: (rhema) all of you therefore hear them not, because all of you are not of God.
Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.
48 Then answered the Jews, and said unto him, Say we not well that you are a Samaritan, and have a devil?
Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa?
49 Jesus answered, I have not a devil; but I honour my Father, and all of you do dishonour me.
Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.
50 And I seek not mine own glory: there is one that seeks and judges.
Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma.
51 Verily, verily, I say unto you, If a man keep my saying, (logos) he shall never see death. (aiōn g165)
Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono. (aiōn g165)
52 Then said the Jews unto him, Now we know that you have a devil. Abraham is dead, and the prophets; and you say, If a man keep my saying, (logos) he shall never taste of death. (aiōn g165)
Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono. (aiōn g165)
53 Are you greater than our father Abraham, which is dead? and the prophets are dead: whom make you yourself?
Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa?
54 Jesus answered, If I honour myself, my honour is nothing: it is my Father that honors me; of whom all of you say, that he is your God:
Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna.
55 Yet all of you have not known him; but I know him: and if I should say, I know him not, I shall be a liar like unto you: but I know him, and keep his saying. (logos)
Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.
56 Your father Abraham rejoiced to see my day: and he saw it, and was glad.
Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay.
57 Then said the Jews unto him, You are not yet fifty years old, and have you seen Abraham?
Sidaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku yidhaahdeen, Weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay?
58 Jesus said unto them, Verily, verily, I say unto you, Before Abraham was, I am.
Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.
59 Then took they up stones to cast at him: but Jesus hid himself, and went out of the temple, going through the midst of them, and so passed by.
Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

< John 8 >