< Job 31 >

1 I made a covenant with mine eyes; how then should I look upon a maid?
Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?
2 For what would be the portion of God from above, and the heritage of the Almighty from on high?
Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?
3 Is it not calamity to the unrighteous, and disaster to the workers of iniquity?
Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?
4 Doth not He see my ways, and count all my steps?
Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan? Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan?
5 If I have walked with vanity, and my foot hath hasted to deceit —
Haddaan hawo been ah ku socday, Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay,
6 Let me be weighed in a just balance, that God may know mine integrity —
(Ha laygu miisaamo miisaan siman, Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )
7 If my step hath turned out of the way, and my heart walked after mine eyes, and if any spot hath cleaved to my hands;
Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay, Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay, Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,
8 Then let me sow, and let another eat; yea, let the produce of my field be rooted out.
Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno, Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo.
9 If my heart have been enticed unto a woman, and I have lain in wait at my neighbour's door;
Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,
10 Then let my wife grind unto another, and let others bow down upon her.
Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.
11 For that were a heinous crime; yea, it were an iniquity to be punished by the judges.
Waayo, kaasu waa dembi baas, Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,
12 For it is a fire that consumeth unto destruction, and would root out all mine increase.
Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.
13 If I did despise the cause of my man-servant, or of my maid-servant, when they contended with me —
Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,
14 What then shall I do when God riseth up? And when He remembereth, what shall I answer Him?
Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?
15 Did not He that made me in the womb make him? And did not One fashion us in the womb?
Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin? Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?
16 If I have withheld aught that the poor desired, or have caused the eyes of the widow to fail;
Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,
17 Or have eaten my morsel myself alone, and the fatherless hath not eaten thereof —
Amase haddaan quudkayga keligay cunay, Oo ayan agoontu wax ka cunin,
18 Nay, from my youth he grew up with me as with a father, and I have been her guide from my mother's womb.
(Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )
19 If I have seen any wanderer in want of clothing, or that the needy had no covering;
Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,
20 If his loins have not blessed me, and if he were not warmed with the fleece of my sheep;
Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,
21 If I have lifted up my hand against the fatherless, because I saw my help in the gate;
Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday,
22 Then let my shoulder fall from the shoulder-blade, and mine arm be broken from the bone.
Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.
23 For calamity from God was a terror to me, and by reason of His majesty I could do nothing.
Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.
24 If I have made gold my hope, and have said to the fine gold: 'Thou art my confidence';
Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,
25 If I rejoiced because my wealth was great, and because my hand had gotten much;
Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
26 If I beheld the sun when it shined, or the moon walking in brightness;
Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,
27 And my heart hath been secretly enticed, and my mouth hath kissed my hand;
Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,
28 This also were an iniquity to be punished by the judges; for I should have lied to God that is above.
Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.
29 If I rejoiced at the destruction of him that hated me, or exulted when evil found him —
Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,
30 Yea, I suffered not my mouth to sin by asking his life with a curse.
(Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto; )
31 If the men of my tent said not: 'Who can find one that hath not been satisfied with his meat?'
Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?
32 The stranger did not lodge in the street; my doors I opened to the roadside.
Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin, Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray,
33 If after the manner of men I covered my transgressions, by hiding mine iniquity in my bosom —
Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,
34 Because I feared the great multitude, and the most contemptible among families terrified me, so that I kept silence, and went not out of the door.
Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.
35 Oh that I had one to hear me! — Lo, here is my signature, let the Almighty answer me — and that I had the indictment which mine adversary hath written!
Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo; ) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!
36 Surely I would carry it upon my shoulder; I would bind it unto me as a crown.
Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.
37 I would declare unto him the number of my steps; as a prince would I go near unto him.
Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.
38 If my land cry out against me, and the furrows thereof weep together;
Haddii dalkaygu uu iga qayliyo, Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,
39 If I have eaten the fruits thereof without money, or have caused the tillers thereof to be disappointed —
Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay, Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,
40 Let thistles grow instead of wheat, and noisome weeds instead of barley. The words of Job are ended.
Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo, Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo. Ayuub erayadiisii way dhammaadeen.

< Job 31 >